Faahfaahin ka soo baxaysa xukunka maxkamadda Gaalkacyo ee haweeneydii loo haystay dilka Saabiriin

Hodan

Xigashada Sawirka, X

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Maxkamadda Daraja koowaad ee magaalada Galkacyo ayaa dil ku xukuntay Hodan Maxamuud Diiriye oo lagu soo eedeeyay dilka Saabiriin Seylaan Cabdulle oo dhawaan ay ku dishay magaalada Gaalkayo.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xukuntay Cabdicasiiis Nuur Xaashi oo ah seyga Hodan kaas oo lagu soo eedeeyay in uu dilka ku luglahaa. Hal sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 500 oo doolar ayey maxkamadu ku xukuntay.

Wararku waxay sheegayaan in Hodan aysan wax racfaan ah ka qaadan xukunka, inkastoo uu garsooruhu sheegay inay racfaan qaadan karto.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku weyday dhowr dambi oo lagu soo eedeeyay eedeysane Cabdicasiis Nuur Xaashi Calas, balse waxaa lagu helay dambi ah in uu dayacay Saabiriin oo uu awoowe u ahaa, gurigiisana ku nooleyd.

Marqaati iyo cadeymo kale ayaa la keenay maxkamadda. Guddoomiyaha maxkamadda Maxamuud Cabdisalaan Cabdulle ayaa xukunka ku dhawaaqay isagoo cuskaday qodobo ka mid ah dastuurka Soomaaliya iyo aayado Qur'aan.

Maxkamadda Daraja koowaad ee magaalada Galkacyo ayaa dil ku xukuntay Hodan Maxamuud Diiriye

Xigashada Sawirka, SACIID NADAARA

"Maxkamaddu markii ay aragtay qiraalka eedeysane Hodan Maxamuud Diiriye oo maxkamadda horteeda ka qiratay jirdilka Saabiriin Seylaan Cabddulle….. Maxkamadu markii ay aragtay shareecada Islaamka aayada 178 iyo 179 ee suuratul Al-Baqaraha…. Maxakamada darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo waxay ku xukuntay dambiile Hodan Maxamuud Diiriye ina Xaawo Xasan oo 34 jir ah dil toogasho ah oo ah qisaasta Saabiriin Seylaan Cabdulle."

Garsooraha maxkamadda ayaa sidoo kale sheegay qodobada uu u cuskaday eedeysane xukunka Maxamuud Cabdisalaan Cabdulle.

"Maxkamadu waxay ku weyday eedeysanaha koowaad, Cabdicasiis Nuur Xaashi Calas, qodobada xafiiska xeer ilaalinta ee ku soo eedeeyeen ee ah 432, 148, waxayna maxkamadu ku heshay qodobka 430 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna ku xukuntay dambiile Cabdicasiis Nuur Xaashi Calas in Arde Maxamed hal sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 500 oo doolar."

Garsooraha maxkamadda ayaa sheegay in cidii aan ku qancin xukunka maxkamadda Gaalkacyo in racfaan uu ka qaadan karo.

Sabriin Saylaan Cabdulle ayaa la sheegay in "si xun" loogu dhex dilay guriga qoys ay qaraabo yihiin oo ay la nooleyd. Baaritaan ay sameeyeen dhaqaatiirta Isbitaalka Gaalkacyo oo meydkeeda la geeyay ayay ku sheegeen inay Sabriin - oo rajo iyo agoonba ahayd - ay ku yaalleen dhaawacyo iyo jirdil qeybo badan oo jirkeeda ah, kuwaasoo isugu jira kuwo hore oo bogsaday iyo kuwo cusub.

Hal sano iyo 500 oo doolar ayaa lagu xukumay

Xigashada Sawirka, SACIID NADAARA

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si weyn ayey dadka uga caroodeen dilka Saabiriin toos oo isu bedeshay mid bulsho oo ballaaran oo ku saabsan amniga haweenka, kalsoonida bulshada ee hay'adaha amniga iyo awoodda nidaamka garsoorka ee gobolka.

Dadka baraha bulshada adeegsada ee gudaha iyo dibaddaba ayaa iyaguna aad uga falceliyay dilka Sabriin, iyagoo muujiyay sida ay uga xun yihiin, isla markaana ka dalbaday laamaha cadaaladda in gabadhaas yar ay hesho xaqeeda.

Haweenka dibadbaxyada dhigayay ee ka careysnaa dilka Saabiriin oo qaarkood gabadha yaqaanney meydkeedana arkay ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in gabadha si xun loo jirdilay ,arrintaas oo ka careysisay haweenka.

Mid ka mid ah haweenka cadaaladda u raadinayay Saabiriin oo lagu magacaabo Xaawa Axmed Aadan ayaa markii ay dibadbaxa dhigayeen hore u sheegtay in aysan aqbali doonin aaska Sabriin "iyadoo aan cadaalad helin", waxay ku adkaysatay in kiiskan uusan noqon doonin mid si fudud lagu dhammeeyo.

Meydka Saabiriin ayaan weli la aasin oo talaagada ku jira, waxayna haweenka gobolka Mudug ee banaanbaxa dhigayey diidanaayeen in la aaso inta ay xaqiijinayaan in caddaalad buuxda la helo.

Inkastoo aad loo filayey in la aasi doono meydka Saabiriin mar haddii xukun uu dhacay, ayaa haddana waxaa soo baxaya in ay codsadeen qaar ka mid ah haweenka aadka uga cabanayey dilkeeda in 'muddo yar dib loogu dhigo'. Sababta ay u dalbadeen dib u dhigidda aaska meydka weli ma cadda, laakin waxaa laga soo xigtay 'inay talo isugu laabanayaan' sida ay dad xog ogaal ah u sheegeen BBC.