Jilaaga aflaamta Hindiga ee Soomaalidu aadka u taqaano, jacayl dartiina u islaamay oo geeriyooday

Jilaaga Dharmendra (Daraamandar) oo dadka Hindida ah ee aflaantiisa jecel ay u yaqaaneen 'He-Man' ayaa geeriyooday isaga oo 89 jir ah.
Raiisal wasaare Narendra Modi ayaa soo dhigay bartiisa Instagram-ka, isagoo leh, "Markii uu geeriyooday Dharmendra ji, waxaa dhamaaday waagii aflaamta Hindida".
Ra'iisul wasaare Modi ayaa qoray, "Dharmendra geeridiisa waxay calaamad u tahay dhamaadka waayihii aflaamta shineemooyinka ee Hindiya. Waxa uu ahaa halyey iyo jilaa xirfad sare leh oo soo jiidasho iyo aragti qoto dheer ku kordhiyey door kasta oo uu ciyaaray. Habka uu u matalay shqsiyado kala duwan ayey dad badan jeclaysteen".
"Dharmendra waxaa si isku mid ah loogu yaqaanay shaqsiyad sahlan, aad is weyniisiin oo diirran. Saacaddan murugadu taagan tahay, waxaan tacsi u dirayaa qoyskiisa, asxaabtiisa iyo taageerayaashiisa aan la tirin karin. Om Shanti" ayuu yiri.
Dharmendra ayaa maalmo ka hor la dhigay cisbitalka Breach Candy Hospital ee magaalada Mumbai sababo la xiriira dhibaato dhanka neefsashada ah. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ku soo laabtay guriga ka dib dhawr maalmood oo daaweyn ah.

Xigashada Sawirka, Prodip Guha/Hindustan Times via Getty Images
Nawaz Sharif ayaa sidoo kale ka mid ahaa taageerayaashiisa.
Dharam Singh Deol waxa uu ku dhashay Punjab sanadii 1935 waxa uu soo maray safar uu kaga soo kicitimay tuulada uu ku abtirsado ee Narsali ilaa Bombay kaasoo kaliya lagu tilmaami karo riyo.
Dharmendra Hindiya oo keliya kuma laha taageerayaal waaweyn ee sidoo kale Pakistan ayuu ku leeyahay oo uu ku jiro Ra'iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif.
Dharmendra ayaa ka sheekeeyay qisadan, "Markii uu Nawaz Sharif yimid India, waan la kulmay, Nawaz Sharif waxa uu ii sheegay in qoyskiisu ay baabuur ku safrayeen, waddadana ay ku sii socdeen, baabuurkii ayaa lagu joojiyay gurigayga hortiisa, waxa uu u sheegay xaaskiisa iyo carruurtiisa – bal eega, kani waa gurigii Dharmendra".
Dharmendra kaliya kuma caan ahayn jilitaankiisa, laakiin sheekooyinka deeqsinimadiisa ayaa sidoo kale ahaa kuwo caan baxay.
Qoraaga Rajiv Vijaykar buuggiisa 'Dharmendra - Not Just a He-Man' waxaa ka buuxa sheekooyin noocaas ah.
Mahesh Bhatt waxa uu buugga ku sheegay in uu caawiye ka ahaa muuqalka filimka Do Chor, ma siin tilmaamo sax ah, waana sababta keentay in darawalka gaarigu ka tago dharka Dharmendra ee yaallay huteel ka fog goobta, goobtan waxa ay ahayd in subaxdii hore la filimka lagu sameeyo, haddii kale soo saaraha waxa uu la kulmi lahaa khasaare wayn, waxaan u sheegay Dharmendra dhibka i haysta.
"Dharmendra si naxariis leh ayuu ii dhegaystay, wuu kacay, waxaa ag joogay darawal baabuur xamuul ah, wuu u tagay, Dharamendra wuxuu soo amaahday dharkii wasakhda ahaa ee uu xirnaa darawalkaas, wuxuu ku daboolay qaladkii dhar-sameeyaha isagoo si deeqsinimo iyo male-awaal leh u xalliyey".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jacaylkii Dharmendra iyo Hema Malini

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Daraamandar (Dharam Singh Deol) iyo Hema Malini waxay markii ugu horreysay ku kulmeen halkii lagu duubayay filimka Tum Haseen Main Jawan sanadkii 1970kii.
Filimkan oo magaciisu noqonayo 'Waad qurux badan tahay, Annigu na waan da'a yar baan ahay' ayaa markale dib loo duubay sanadkii 1999kii. Daraamatar iyo Hema labaduba waxay ahaayeen xiddigaha filimka hormuudka u ah, halkaas ayuu jaceylkooda ka bilowday inta ay socotay duubista filimka, jaceylkaas oo u horseeday inay Islaamnimo isku guursadaan.
Dad yar ayaa ogsoon in labada jilaa ee caanka ah ee u dhashay Hindiya, (Dharmendra) Daraamandar iyo Hema Malini ay soo islaameen muddo 44 sano laga joogo. Sababta ay u islaameen ayaa waxay ahayd jacayl xad dhaaf ah oo dhex maray labadaas jilaa.
Taageerayaashooda ayey ka yaabsadeen markii 1979 ay labadoodaba qateen diinta Islaamka si ay jacaylkooda uga guul-gaaraan oo isu guursadaan. Jacaylkaas ayaa soo billowday markii ay wada sameeyeen filimka 'Sholay' ee la soo bandhigay 1975kii.
Daraamandar horeba xaasle ayuu u ahaa, laakin maadaama uu jeclaaday Hema Malini, diinta Hinduugana aysan ogolayn in ninku uu laba xaas yeesho ayey ku heshiiyeen inay islaamaan, ka dibna is guursadaan. Laakiin se waxaa iyana meesha ku jirta Prakash kaur oo Daramandar uu ku qabay diinta Hinduuga. Waxay u dhashay afar carruur ah. Halkaas ayay ka arkeen inay ka faa'iideystaan sharciga Islaamka ee u oggolaanaya ragga muslimiinta inay guursadaan afar xaas.













