BBC oo kashiftay koox dadka disha, xubnaha jirkoodana ka iibisa sixiroolayaasha

Koox sixiroolayaal ah
    • Author, Tyson Conteh
    • Role, BBC Africa Eye
    • Reporting from, Sierra Leone

Iyadoo qoysas badan ay tiiraanyo ku reebtay dilal lala xiriirinayo caadooyin sixir oo dalka Sierra Leone ka dhacay, BBC Africa Eye waxay baaraysaa dadka ka dambeeya ka ganacsiga xubnaha jirka ee dadka.

Digniin: Qoraalkani waxaa ku jira faahfaahin qaar aqristayaasha ka mid ah ay dhibsan karaan.

Hooyada wiil 11 jir ahaa oo la dilay, loona malaynayo in loo adeegsaday sixir madow afar sano ka hor, ayaa aad uga murugsan in weli aan qofna caddaaladda la hor keenin.

"Maanta waxaan ku jiraa xaalad xanuun badan. Waxay dileen ilmahaygii, haddana weli waa laga aamusan yahay," ayay tiri Sallay Kalokoh oo u warrantay BBC Africa Eye, iyadoo sharaxaysa in wiilkeeda Papayo la helay isaga oo lagala baxay xubno ka mid ah jirkiisa, oo ay ku jiraan qaar muhiim ah.

Wuxuu u baxay inuu kalluun suuqa ka soo iibiyo, balse marnaba dib uguma soo laaban guriga.

Qoyskiisu waxa ay raadinayeen labo toddobaad — ugu dambeyntiina jirkiisa dhaawacan ayaa laga helay ceel guntiis.

"Mar walba carruurteenna waxaan u sheegnaa inay feejignaadaan. Haddii aad wax iibinayso, meel cidla ah ha aadin, qof aanad aqoonna wax ha ka aqbalin. Waxyaalahan waxay si joogto ah uga dhacaan waddankan," ayay tiri Ms Kalokoh.

Dilkaas oo ka dhacay magaalada Makeni ee bartamaha Sierra Leone ayaa igu reebay murugo, maaddaama marar badan la maqlo warar ku saabsan dilal lala xiriirinayo juju (sixir madow), balse aan si dhab ah loo baarin ama aan helin caddaalad.

Sally Kalokoh oo masar iyo funaanad xiran
Qoraalka sawirka, Hooyada Papayo Sally Kalokoh ma aysan aqbalin geerida wiilkeeda waxayna dooneysaa in lasoo helo kuwii dilay
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kiiska Papayo, booliisku xitaa ma aysan xaqiijin inuu ahaa "dil caado-dhaqameed" — oo ah marka qof la dilo si qaybaha jirkiisa loogu isticmaalo caadooyin sixir oo sharci-darro ah.

Waxaa loogu ballan-qaadaa macaamiisha inay helayaan waxyaabo sida barwaaqo iyo awood, iyadoo laga qaado lacag badan, iyagoo si khaldan u rumeysan in xubnaha dadka ay sixirka xoog u yeelaan.

Laakiin maaddaama hay'adaha amniga ay aad u yar yihiin — dalka oo dhan waxaa u jooga hal dhakhtar baarista meydadka ah — marar badan waa adag tahay in la helo caddeyn lagu soo qabto dambiilayaasha.

Aaminsanaanta sixirka ayaa sidoo kale si qoto dheer uga jirta Sierra Leone, xitaa qaar ka mid ah booliiska, taasoo keenta cabsi iyo in kiisas badan aan la sii wadin — inta badanna way qarsoomayaan.

Laakiin waxaan doonayay inaan wax badan ka ogaado ganacsigan hoose ee ku saabsan xubnaha dadka oo sababa masiibooyin badan.

Kooxda BBC Africa Eye waxay awoodeen inay la kulmaan labo qof oo sheegay inay yihiin kuwo sameyn jiray juju oo dalban jiray xubno dadka ka mid ah oo loo adeegsado caadooyin.

Labadooduba waxay sheegeen inay ka tirsan yihiin shabakado waaweyn — midkoodna wuxuu ku faanay inuu leeyahay macaamiil awood leh oo guud ahaan Galbeedka Afrika ah. BBC-du ma aysan awoodin inay xaqiijiso sheegashooyinkan.

Hal qof oo ka mid ah kooxdeenna ayaa is soo qariyay, isaga oo adeegsanaya magaca Cusmaan, si uu ugu ekaado siyaasi doonaya inuu awood ku gaaro xubnaha jirka aadmiga.

Marka hore waxaan u safarnay deegaanka fog ee degmada Kambia, waqooyiga dalka, meel u dhow xadka Guinnea, si aan ula kulanno ninka juju-ga sameeya oo ku jiray meheraddiisa qarsoon — waa meel ku dhex jirta kayn cufan oo uu halkaas kula taliyo macaamiishiisa.

Isaga oo isku magacaabaya Kanu, wuxuu xirnaa waji-dabool cas oo xafladeed oo daboolaya wejigiisa oo dhan si uu u qariyo aqoonsigiisa, wuxuuna ku faanay xiriirkiisa siyaasadeed.

"Waxaan la shaqayn jiray siyaasiin waaweyn oo reer Guinea, Senegal iyo Nigeria ah. Waxaan heysannaa kooxdeenna. Mararka qaarkood, marka ay doorashadu soo dhawdahay, habeenkii meeshan waxaa ka buuxa dad badan," ayuu ku andacooday.

Xilliga doorashada waxay dad badan u arkaan waqti aad khatarteedu u sarreyso, waxaana waaliddiinta lagu wargeliyay inay si gaar ah uga taxadaraan carruurtooda sababo la xiriira kororka afduubka.

Booqashadii labaad, Kanu wuxuu noqday mid kalsooni badan oo tusay Cusmaan waxa uu ku sheegay inay yihiin caddeymo ganacsigiisa— qalfoof bini'aadam.

"Ma aragtaa tan? Tani qof baa iska leh. Anigaa u qallajiyay. Waa qalfoof dumar. Waxaan filayaa qofkii lahaa inuu maanta ama berri imaan doono si uu u qaato."

Waxaa kale oo uu farta ku fiiqay god ka dambeeya meheraddiisa:

"Halkaan ayaa waxaan ku surnaa xubnaha bini'aadamka. Halkan ayaan ku gowracnaa, dhiigguna wuxuu u qulqulaa gadaal… Xitaa madax-dhaqameedyo waaweyn, marka ay rabaan awood, waxay u yimaadaan halkaan. Anigaa siiya waxa ay rabaan."

Markii Cusmaan uu si cad u sheegay inuu u baahan yahay xubno haweeney oo loo isticmaalo caado, Kanu wuxuu bilaabay ka hadalka ganacsiga:

"Qiimaha haweeneydu waa 70 milyan leones [£2,500; $3,000]."

Sierra Leone
Qoraalka sawirka, Sierra Leone waa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsa caalamka wuxuuna kasoo kabanayaa dagaal 11 sano socday

Anagoo ka baqanayna inaan qof halis gelinno, mar dambe Kanu ma aanan la kulmin. Waxa uu noqon karaa qof khiyaano sameeya, balse waxaan caddeymaheenna u gudbinnay booliiska deegaanka si ay u sii baaraan.

Ragga juju-ga qaarkood waxay mararka qaar isku magacaabaan kuwo dawo-dhaqameed, oo ah eray loo adeegsado dadka daaweeya ee isticmaala dawo-dhaqameed laga sameeyo dhirta deegaanka si loogu daweeyo cudurrada caadiga ah.

Xogta Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa muujinaysa in Sierra Leone — oo soo martay dagaal sokeeye oo aad u xun 1990-meeyadii kuna dhacday xarunta masiibadii Ebola toban sano ka hor — ay ku qornaayeen ku dhowaad 1,000 dhakhtar sanadkii 2022, halka tirakoobyadu sheegayaan in ay jiraan illaa 45,000 oo dhaqatiir dhaqameed.

Dadweynaha intiisa badan ee dalka Galbeedka Afrika waxay ku tiirsan yihiin daaweeyeyaashan, kuwaas oo sidoo kale ka caawiya arrimaha caafimaadka maskaxda, kuna daaweeya bukaannada meelo u ek meelo caado-dhaqameed ama ruuxi ah, taas oo dhaqan ahaan loo tixgeliyo xirfaddooda iyo dawooyinkooda.

Sheku Tarawallie, guddoomiyaha Golaha Dhaqatiirta Dhaqameed ee Sierra Leone, wuxuu ku adkeysanayaa in ragga juju-ga sameeya sida Kanu ay magac xun u keenayaan kuwa daweynta sameeya.

"Waxaan aad ugu dadaalaynaa inaan nadiifinno sumcadda. Dadka caadiga ah ma fahmaan, markaa waxay nagu tilmaamaan dhamaanteen dhaqaatiirta dhirta oo xun. Hal kalluun oo qurmay wuxuu hallayn karaa dhammaan kalluunka… Annagu waxaan nahay daaweeyaal, ma nihin dilayaal," ayuu u sheegay BBC Africa Eye.

Mr Tarawallie wuxuu dhab ahaan isku dayayaa inuu la shaqeeyo dowladda iyo hay'ad kale oo aan dowli ahayn si loo furo xarun dawo dhaqameed oo bukaannada lagu daweeyo.

Waxaa uu aaminsan yahay in kuwa doonaya awood iyo maal ay badanaa ay ka dambeeyaan dilalka caadooyinka.

"Marka qof uu rabo inuu hoggaamiye noqdo… waxay ka gooyaan xubno dadka. Waxay u isticmaalaan allabari. Dad bay gubaan, dambaskooda ayay awood u isticmaalaan. Saliiddooda ayay awood u isticmaalaan."

Qoraalka Muuqaalka, Muuqaal si qarsoodi ah looga duubay nin sheegay inuu sixiroole ahaa uuna iibin jiray xubnaha dadka

Tirada dilalka caado-dhaqameedka ee ka dhaca Sierra Leone — oo inta badan dadka ku nool ay yihiin Muslim ama Kirishtan — lama yaqaan.

"In dalal badan oo Afrika ka mid ah, dilalka caadada loo adeegsado si rasmi ah looma diiwaan geliyo oo looma kala saaro qayb gaar ah oo ka mid ah dambiyada dilka," ayuu yiri Emmanuel Sarpong Owusu, oo ah cilmi-baare ka tirsan Jaamacadda Aberystwyth ee UK, isagoo la hadlayay BBC.

"Qaar waxaa si khaldan loogu qoray shilal, qaar waxaa loo qoraa inay yihiin weerarro ay xayawaanno duurjoog ahi geysteen, ismiidaamin, ama geeri dabiici ah… Dambiilayaasha badankood — ilaa 90% — lama qabto."

Markaan helnay qof kale oo loo tuhunsan yahay inuu iibiyo jirka bini'aadamka, wuxuu ku sugnaa xaafad ka tirsan caasimadda Freetown oo la yiraahdo Waterloo, oo caan ku ah daroogada iyo dambiyada kale.

"Aniga oo kali ah ma ihi, ilaa 250 dhaqaatiirta dhirta ah ayaa iga hoos shaqeeya," ayuu yiri ninka isku magacaabay Idara, isagoo la hadlayay Cusmaan oo mar kale isa soo qariyay oo xirnaa kaamiro qarsoon.

"Ma jirto xubin bini'aadam oo aynaan ku shaqeysan. Marka aan u baahanno xubin gaar ah, waan wacnaa, iyagaa keenaya. Shaqada waan wadaagnaa," ayuu yiri Idara.

Wuxuu sii sharraxay in qaar ka mid ah dadka la shaqeeya ay "ku wanaagsan yihiin qabashada dadka" — isla markaana booqashadii labaad ee Cusmaan uu u ciyaaray farriin cod ah oo uu soo diray mid ka mid ah dadkaas oo sheegay in uu diyaar u yahay inuu habeen walba u baxo raadinta qof ay xubnihiisa isticmaalaan.

Cusmaan ayaa u sheegay in uusan howsha sii wadin haddana markii uu soo wacay Idara wuxuu u sheegay in kooxdiisa ay soo qabteen qof, waxaan la xiriirnay Madaxa Booliiska Ibrahim Sama.

Wuxuu go'aansaday inuu qabanqaabiyo inay guriga galaan - balse wuxuu sheegay in saraakiishiisa aysan howsha qaban doonin iyadoo uusan ku lug lahayn Mr Tarawallie, oo aalaaba booliiska ka caawiya howlgallada noocan oo kale ah.

"Markaan helno xog sheegaysa inuu jiro faallalow xun oo khatar ah oo ka howl-gala meelo qarsoon, waxaan la shaqeyn doonnaa dhaqaatiirta dhaqanka," ayuu yiri sarkaal ka mid ahaa kooxda weerarka qaadday, waa Aliu Jallo.

Wuxuu sii sharraxay khuraafaadka iyo cabsi-gelinta ay qaar ka mid ah saraakiishu ka qabaan la-dagaallanka kuwa dhirta wax ku daweeya khatarta ah:

"Anigu ma rabo inaan abuuro xaalado halis ah. Waan ogahay inay leeyihiin awood u gaar ah oo ka sarreysa aqoonta aan leeyahay."

Markii Idara la qabtay — isagoo laga helay saqafka guriga isagoo gacanta ku haya mindi — Mr Tarawallie wuxuu bilaabay baaritaanka guriga si uu caddeymo u helo, isagoo sheegay inuu halkaas ka helay lafaha bini'aadamka, timo bini'aadam, iyo buuro u ek ciid laga soo qaaday xabaalaha.

Arrintan kaliya ayaa ku filnayd in boolisku xiraan Idara iyo labo nin oo kale, kuwaas oo bishii Juun lagu soo oogay inay ku dhaqmayeen sixir iyo inay haysteen hub dhaqameed oo loo adeegsado dilalka caado-dhaqameedka.

Dhammaan waxay ku doodeen inaanay dembiga gelin, markaa ka dibna waa la damiintay, iyadoo ay baaritaanno dheeraad ah socdaan.

Booliiska ayaa galay gurigan waxayna soo xireen dadkii degganaa, oo uu ka mid yahay Idara, oo markii dambe la xukumay
Qoraalka sawirka, Booliiska ayaa galay gurigan waxayna soo xireen dadkii degganaa, oo uu ka mid yahay Idara, oo markii dambe la xukumay

Maaddaama aanu wax jawaab ah ka helin booliiska Kambia ee ku saabsan Kanu, waxaan isku dayay inaan aniga waco si aan si toos ah ugala hortago eedeymaha, laakiin lama gaarin.

Mararka qaar xitaa kiisaska caan baxa ayaa istaaga. Labo sano ka hor, borofisar jaamacadeed ayaa ku maqnaa Freetown, waxaana markii dambe maydkiisa laga helay isagoo lagu aasay meel ay booliisku sheegeen inay ahayd shrine uu leeyahay herbalist ku sugan Waterloo.

Kiiskaas waxay bishii Agoosto 2023 maxkamad hoose u gudbisay Maxkamadda Sare si loo qaado dacwadda, laakiin labo ilo oo u hadlay BBC-da ayaa sheegay in aan waxba laga qaban, dadkii loo xirayna lagu sii daayay dammiin.

Qoyskeyga ayaa wajahaya dhibaato taas la mid ah si ay u helaan caddaalad. Bishii May, intii ay socotay baaritaanka BBC-da, ina adeertey oo 28 jir ah Fatmata Conteh ayaa lagu dilay Makeni.

Waxay ahayd qof timo-hagaajisa iyo hooyo labo carruur ah leh, maydkeedana waxaa maalinta ku xigtay dhalashadeeda lagu tuuray waddada dhinaceeda, meel qof deegaanka ahi BBC-da u sheegay in labo mayd oo kale laga helay toddobaadyadii u dambeeyay.

Qaar ka mid ah ilkaha hore ayaa ka maqnaa, taas oo bulshada ku dhalisay rumaynta in ay ahayd dil loo geystay ujeeddo caado-dhameed awgeed.

"Waxay ahayd haweeney aan cidna dhibaato u geysan. Aad bay u degganayd oo u shaqo-badnayd," ayuu yiri mid ka mid ah dadkii barooranayay, iyadoo qoys, asxaab iyo shaqaalaha ay isugu yimaadeen aas weyn oo ka dhacay masaajidka xaafadda.

Waxaa laga yaabaa inaan marnaba ogaan ujeeddada dhabta ah ee dilka Fatmata. Qoyska ayaa bixiyay kharashka lagu geeyay maydka Freetown si loogu sameeyo post-mortem (baaritaanka meydka), maaddaama maamulka xaafadda aysan awoodin kharashkaas — balse baaritaanka meydka wax natiijo ah ma keenin, welina cidna looma qaban.

Sida ku dhacday hooyada Papayo, jiritaan la'aanta caddaalad iyo dareenka ah in booliisku dayaceen ayaa sii hurinaya cabsi iyo argagax ka dhex jirta bulshooyinka saboolka ah sida Makeni.

Warbixinno dheeraad ah waxaa ku daray Chris Alcock iyo Luis Barrucho