Jasiirad qurux badan oo loo tago in laysku daaweeyo sixirka iyo rooxaanta

Xigashada Sawirka, Simon Urwin
Jasiiradda Siquijor waa meel ahmiyad gooni ah u leh dadka reer Filibiin iyo dhammaan dadka ku nool Koonfur Bari Asia. Waxay caan ku tahay sixirka iyo daawo dhaqameedyada diinta la xiriira.
Siquijor oo ku taal bartamaha gobolka Visayas, waxay soo jiidataa indhaha dad badan oo reer Filibiin ah oo ay ku jiraan kuwa dibadda ku nool. Waxay dhammaan dadkaas u yimaadaan in ay helaan daaweynta jasiiradda laga helo. Waxay leedahay daawooyin ay u arkaan dadka in ay mucjiso yihiin.
Waxyaabaha dadka lagu daaweeyo waxaa ka mid ah rooxaanta, sixirka iyo waxyaabaha kale ee la xiriira dhaqanka.
Luis Nathaniel Borongan waxa uu soo dhaweeya dadka soo booqda jasiirada, waxa uuna sharaxay qaar ka mid ah waxyaabaha loo yimaado jasiiradda.
“Waxaa jira noocyo badan oo sixir ah oo ay ka mid yihiin in la adeegsado cayiyaanka si ay u waxyeeleeyaan dadka kale”
Wuxuu kaloo sheegay Borongon in ay jiraan habab kale oo dabiici ah oo dadka loo daaweeyo.
Aad ayey dadka u aamineen in jasiiradda ay leedahay awood ay wax ku daaweyso sidaa darteed waxay Siquijor soo jiitay dareenka dalxiisayaal badan oo ka yimaada meelo ka baxan Filibiin. Qurbajoogta u dhashay dalka ayaa ka mid ah kuwa u yimaadan halkaas si loo daaweyo.
Kuwa dadka daaweyo waxay aaminsan yihiin xirfadooda in ay tahay hibo uu Alle siiyay.

Xigashada Sawirka, Simon Urwin
Kuwa dadka daaweeya si weyn ayaa loo ixtiraamaa
Dadka u dhashay Siquijor oo loo yalqaan Siquijodnons waxay joogto u booqdaan dadka daawo dhaqameedka wax ku daaweeya halkii ay dhakhtar caafimaadka aqoon u leh u tagi lahaayeen.
“Meelaha ay daawada caadiga ah wax ka qaban ayey ku guuleystaan in ay daaweeyaan” ayuu yiri Borongan. Qeybta ugu muhiimsan daawadooda waa tan ay ku sameeyaan guryaha ee daawo dhaqameedka ah. waxay ka sameeyaan geedaha ka baxa jasiiradda.

Xigashada Sawirka, Simon Urwin
Sumcad weyn ayey ku leeyihiin sixirka
Sahmiyayaashii Spain Juan Aguirre iyo Esteban Rodriguez ayaa ahaa kuwii ugu horeeyay oo ka socda Yurub ee yimaadan Siquijor 1565-tii. Meel fog markii ay ka arkeen ayey moodeen in uu dab ka holcayo, waxayna u bixiyeen jasiiradda Fuego oo ah jasiiradda dabka. Dhacdadaas dabiiciga ah waxay u badan tahay in Siquijor ay ugu horeyn ku kasbatay sixirka ayuu yiri Borongan.
Reer Filibiin waxay diinta katooligga qaateen 1521-kii weli markaas kuwa diinta fidiya ma aysan soo gaarin ilaa iyo 1700. In sixirka wax lagu daawyo waa mid dhaqanka jasiiradda ka mid ah oo aan la badalikarin. Kooxaha diimaha fidiya way badeli waayeen taas ayuu yhiri Borongan. Laakiin muddo kaddib waxay noqdeen labo arrin oo isla socda.

Xigashada Sawirka, Simon Urwin
Waxyaabo laysku daray oo jaceyl, dareen iyo guul leh
Isticmaalka waxyaabaha laysku qasay ayey caan ku tahay jasiradda. Waxaad dukaamada jidadka ku yaal uga iibsan kartaa wax ka yar labo doolar.
Mid ka mid ah daawo dhaqameedkaas waa tan jaceylka. Waxay ka kooban tahay 20 geed oo dabiici ah oo laysku daray ayey tiri Lilia Alom oo in ka bada 30 sano sameyneysay. Waxay kaloo sheegtay in daawadaas ay ku siineyso kalsoonida aad u baahan tahay in aad guul ka gaarto beecmushtarkaaga.
Kuwa dadka daaweeya lacag kuma qaataan howshooda balse waxay kaa dalbanayaan in aad wax yar ku deeqdo. “Waa booqasho daryeel ee ma ahan mid faa’ido, nolol sahlan ayaan ku noolnahay,” ayey tiri Juanita Torremacha oo daawo dhaqameedka ku shaqeysata.
Balse dadka booqda ee daawada ka doonaya ayaa dhawaan hoos u dhacay. Si taas was looga qabto laga bilaabo 2006-dii waxaa sanad kasta la qabtaa toddobaadkii duceysnaa. Dadka deegaanka iyo kuwa dibadda ka yimaada ayaa lagu dhiirogeliyaa in ay soo booqdaan











