Tanzania oo mamnuucday daawo-dhaqameed la sheegay inay kordhiso dareenka ragga

Xigashada Sawirka, Jamii Forums
Waaxda caafimaadka ee Tanzania ayaa mamnuucday isticmaalka daawo-dhaqameed caan ah oo ku magacaaban Hensha taas oo dadka looga iibiyo inay kordhiso dareenka ragga.
Guddoomiyaha golaha caafimaadka dalkaas, Prof Hamisi Malebo, ayaa sheegay in go'aanka lagu mamnuucayo daawada uu yimid kaddib baaritaan la sameeyay.
Wuxuu sheegay in baaritaanno sheybaar oo lagu sameeyay daawo-dhaqameeddan ay muujiyeen inay ku jiraan walxaha sildenafil, oo loo yaqaanno Viagra. Wuxuu sheegay in Hensha aysan caafimaadka u wanaagsaneyn maaddaama shirkadda soo saartay aysan u hoggaansamin shuruucda golaha.
Daawo-dhaqameeddan oo budo ah ayaa waxaa laga sameeyaa calleenta, jiridda iyo qolofta geedka Mkongo, oo laga helo Bariga Afrika.
Waxaa iibiya shirkado kale oo magacyo kala duwan ku qora.
Shirkadda soo saartay Hensha ayaa lagu war geliyay inay degdeg daawadan uga saarto suuqa.
Prof Malepo ayaa sheegay in xayeysiimaha daawo-dhaqameedka amaba kuwo kaleba "iyadoo aan la heysan diwaangelinta iyo ansixinta golaha ay tahay khalad".
Tanzania ayaa dhiirrigelisa isticmaalka daawo-dhaqameedka iyadoo sanadkii 2020 ansixisay isticmaalka shan daawo-dhaqameed oo suuqa yaallay kuwaasoo kordhiya dareenka ragga.
Waa maxay daawada Hensha 'Mkongo'?
Waa daawo dabiici ah oo lagu sameeyo Isbitaalka Nyasosi Traditional ee magaalada Dar es Salaam, oo sidoo kale soo saara daawooyin-dhaqameed kale oo badan.
Waxay caan ka noqotay Tanzania, dad badan ayaa xitaa uga xaraabeysta baraha bulshada iyagoo ugu yeera 'Congo Dust'.
Daawadan waxaa caadiyan laga sameeyaa calleenta, jiridda iyo qolofta geedka Mkongo oo laga helo Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo.
Mamnuucidda daawadan ayaa waxaa ka dhashay falcelinno badan oo ay sameynayaan dadka isticmaala baraha bulshada, iyadoo qaarkood ay weli ka xaraabeysanayaan.
Maxaa 'Mkongo' loo mamnuucay?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Guddoomiyaha golaha caafimaadka Tanzania, Professor Hamis Malepo, ayaa sheegay in kaddib tijaabo la sameeyay lagu ogaaday inaysan caafimaadka u fiicneyn.
Natiijada ka soo baxday tijaabada waxay muujineysaa:
• Dulduleello yar oo ku saabsan qaabka loo xir xiray caagadaha daawada iyo warbixinta ku dul qoran warqadda.
• Sidoo kale, daawada ayaa la ogaaday in lagu dhafay daawada kordhisa dareenka ragga ee sildenafil, oo caan ku ah magaca Viagra, taasoo ah dhaqan sharciga ka soo horjeeda sida ay qabaan golaha.
• Sabab dhanka faya-dhowrka ah.
Golaha ayaa sheegay inay khalad tahay in la xayeysiiyo daawo-dhaqameed amaba kuwa caadiga ah iyadoo aan fasax loo heysan.
Mkongo waa daawo qabsatay baraha bulshada, balse sidoo kale shirkadda daawada sameysa ayaa aad ugu xayeysiineysay barta YouTube.
Guddoomiyaha golaha ayaa sheegay in qofka u baahan inuu daawadiisa xayeysiiyo looga baahan yahay inuu raaco hannaanka golaha.
Dadweynaha ayaa loogu baaqay inay isticmaalaan waxyaabaha nafaqada leh si ay caafimaadkooda sare ugu qaadaan ayna uga difaacaan cudurrada kala duwan.











