Dhegeyso: Subac-Soonka Salaad Cali Jeelle iyo xertiisa ay sannad kasta isugu yimaadaan

Qoraalka Codka,
Dhegeyso: Subac-Soonka Salaad Cali Jeelle iyo xertiisa ay sannad kasta isugu yimaadaan

Bisha Barakaysan ee Ramadan meelo kala duwan waxay Soomaalidu isugu yimaadaan quraan akhris, ayagoo ka faa'iidaysanaya fadliga Bishan, laakin waxaan aad u badnayn in si wadajir ah loo subciyo.

Caadiyan ilaa dhowr iyo toban qof ayaa isla subciya saacado dheer, inta badan habeenkii, kuwaasoo dhamaantood ah dad quraanka xafidsan.

Culumada marka laga yimaado, siyaasiyiinta Soomaalida ee sannad kasta bisha Ramadan subciya waxaa ka mid ah Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuuti Salad cali Jeelle.

Sannad kasta, bisha Ramadan, isaga iyo xertiisu waxay dhameeyaan quraanka ayagoo subcinaya.

Haddaba ayaga oo si wadajir ah u subcinaya fiidnimadii Arbacada ayuu weriye Maxamed Baashi Khaliif telefoonka kula xiriiray, waxaana u suurto gashay inuu dhowr daqiiqo kala sheekeysto danjiraha subaca ay sannad kasta isugu yimaadaan bisha Ramadan.