Wiil yar oo 'aad loogu amaanay' sidii yaabka lahayd ee uu qoyskooda u badbaadiyey

Xigashada Sawirka, ABC via AFP
Wiil 13 jir ah ayaa lagu ammaanay adkaysigiisa iyo geesinimadiisa kadib markii uu ku dabaashay biyo kacsan, ayadoo iftiin yarna uu jiray, si uu u badbaadiyo hooyadii iyo laba walaalihiis ah oo ay baddu la tagtay, xeebta Australia.
Booliisku waxay sheegeen in qoyskaasi ay isticmaalayeen doomo yar-yar oo ah kuwa la buufiyo, isla markaana ay ku dabaalanayeen Geograph Cove oo ku taalla koonfurta Galbeedka Australia Jimcihii, markaas oo dabaylo xooggan ay ka weeciyeen jihadii ay ku socdeen.
Wiilka ayaa isku dayay inuu dib ugu laabto xeebta si uu gargaar u baadigoobo, balse doonnidii yarayd ee uu saarnaa ayaa qarraqantay, taasoo ku qasabtay inuu dabaasho masaafo dhan afar kiiloomitir (qiyaastii laba mayl badeed).
Kooxda samata bixinta badda ee sida tabarruca ah hawlahaas uga shaqeeya ee Naturalist ayaa ku qeexay "Geesinimada, xoogga iyo degganaanta uu muujiyay wiilkan iyo qoyskan waxay ahaayeen kuwo aan caadi ahayn, gaar ahaan wiilkan oo dabaashay afar kiiloomitir si uu u wargeliyo kooxaha gurmadka."
Hoggaamiyaha ururka, Paul Pressland, ayaa ku tilmaamay dedaalka wiilka mid aad u layaab leh.
Isagoo la hadlayay ABC News ayuu yidhi: "Wuxuu rumaysnaa inuu labada saacadood ee hore dabbaalanayay isagoo xiran jaakad badbaado. Laakiin wiilka geesiga ah ayaa u maleeyay inuusan sii wadi karin isagoo xiran jaakadda, sidaas darteedna wuu iska bixiyay, wuxuuna dabaashay labada saacadood ee xigay isagoo aan jaakad wadan."
Wiilka ayaa ku guuleystay inuu gargaar waco saacaddu markay ahayd 18:00 waqtiga maxalliga ah (10:00 GMT) fiidnimadii Jimcaha, taas oo keentay hawlgal ballaaran oo lagu baadi-goobayo ehelkiisii ka maqnaa agagaarka Quindalup Beach ee u dhow Busselton, sida ay booliiska Galbeedka Australia ku sheegeen bayaan ay soo saareen Isniintii.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hooyada wiilka oo 47 jir ah, wiilkeeda 12 jirka ah, iyo gabadheeda 8 jirka ah ayaa la helay qiyaastii 8:30 fiidnimo, waxaana helay helikobtar samata bixin ah iyagoo ku dheggan loox dabbaaleed, meel qiyaastii 14 kiiloomitir u jirta xeebta.
Sida ay sheegeen mas'uuliyiinta "Doon samatabbixin badeed oo ay wadeen mutadawiciin ayaa u tagtay goobtaas, waxaana saddexdii qof si guul ah loo soo badbaadiyay loona soo celiyay xeebta."
Kormeeraha booliiska James Bradley ayaa sheegay in dhacdadani ay tahay xasuusin muujinaysa sida ay xaaladda badda si degdeg ah isu beddeli karto, isagoo u sheegay warbaahinta maxalliga ah:
"Nasiib wanaag, saddexda qof dhammaantood waxay xidhnaayeen jaakadaha badbaadada, taas oo ka caawisay inay noolaadaan."
Wuxuu intaas ku daray: "Geesinimada wiilkan lama ammaani karo intay le'eg tahay; adkaysigiisa iyo geesinimadiisa ayaa ugu dambeyn badbaadisay nolosha hooyadii iyo laba walaalihiis."
Booliisku waxay sheegeen in ambalaasyadu ay qiimeeyeen xaaladda qoyska ka hor inta aan loo qaadin isbitaal u dhow.
Sida ay werisay ABC News, qoyska ayaa markii dambe ka baxay isbitaalka, waxayna booqdeen kooxda samatabbixinta badda













