Maraykanka oo shaaca ka qaaday tirada weerarrada uu bishii Janaayo oo kaliya ka gaystay gudaha Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Reuters
Sarkaal ka tirsan taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP usbuucii hore in AFRICOM ay bishii Janaayo ee sanadkan 23 weerar oo cirka ah ka fuliyeen Soomaaliya.
Kadib markii warbixinta la daabacay ayuu talisku ku dhawaaqay laba duqaymood oo kale oo ka dhacay Soomaaliya, mid ka mid ah 29-kii janaayo ayuu dhacay, kaasoo uu sheegay in lagu beegsaday al-Shabaabka koonfurta Soomaaliya, midna 30-kii Janaayo, kaas oo lagu beegsaday ururka Daacish ee ku sugan waqooyi bari ee Puntland.
AFRICOM ayaan faah faahin ka bixin duqeynta, iyadoo joojisay baahinta xogta khasaaraha iyo qiyaasta waxyeelada dadka rayidka ah horaantii sanadkii hore. "Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan unugyada iyo bartilmaameedyada lama siidayn doono si loo xaqiijiyo sii socoshada ammaanka hawlgalka," taliska ayaa ku yiri labada war saxaafadeed.
Shan iyo labaatan duqeyn oo hal bil gudaheed ah oo Soomaaliya ka dhacay ayaa ka dhigan weerarro aan horay loo arag oo Mareykanka uu qaaday.
Haddii ay sidaan ku sii socdaan sanadka oo dhan waxay horseedi doontaa arrintan in ku dhawaad 300 oo duqeymo ah uu Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya sanadkan 2026-ka.
AFRICOM ayaa ugu yaraan 124 weerar oo xagga cirka ah ka fulisay Soomaaliya sanadkii 2025-kii, taasoo jabisay rikoor sanadle ah oo ah duqaymaha uu Mareykanku ka geystay gudaha Soomaaliya, xilligaas oo Trump uu ahaa 63 jir, muddo xileedkiisii ugu horreeyey ee 2019.
Sida laga soo xigtay New America oo ah hay'ad la socota dagaalka hawada, Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay duqeymo ka badan 2025-kii, marka loo eego xilligii ay maamulayeen Joe Biden, Barack Obama iyo George W. Bush oo la isku daray. Inkastoo duqeymahan aan horay loo arag, haddana dagaalka cirka ee Mareykanka ee Soomaaliya ma helo ku tebinta warbaahinta ee gudaha Mareykanka.
Horraantii sannadkii 2025 ayuu madaxweyne Trump duqayntii ugu horreysay ee xagga cirka ah amray in laga fuliyo buuraleyda Calmiskaad ee Puntland, tan iyo markii xafiiska loo dhaariyey muddo xileedkiisii labaad, halkaas oo ilaa wakhti xaadirkan uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidanka Puntland oo helaya taageerada cirka ee Maraykanka iyo dagaallamayaasha Daacish.













