Xogta duqaymo kale oo Maraykanku uu la beegsaday Daacishta ku jirta buuraha Calmiskaad

US Drone

Xigashada Sawirka, X

Sida ay ku warramayso warbaahinta ay dawladdu maamusho ee Puntland oo soo xiganaysa Xafiiska warfaafinta u qaabilsan ciidammada ee la dagaalkanka Daacish, Maraykanka ayaa xalay duqaymo diyaaradeed ka fuliyay Togga Miiraale oo ku yaalla buuralaysa Calmiskaad ee gobolka Bari ee Soomaaliya.

Bayaan kooban ka soo baxay dawladda Puntland ayaa lagu sheegay duqaynta ay diyaaradaha Maraykanku xalay ka fuliyeen Togga Miiraale lagula beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Ururka Daacish.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay duqaymaha Maraykanku ee deegaannadaasi ka dhacay.

Ma aha markii ugu horraysay ee Maraykanku uu dhanka cirka ka duqeeyo kooxda Daacish ee dagaalka kala soo horjeedda ciidamada Puntland oo dhinaca kale garab ka helaya Beesha Caalamka.

Laga soo bilaabo bishii Febraayo, duqayntii uu amray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee laga fuliyey Buuraha Calmiskaad, waxaa xigay dhowr jeer oo kale oo saaxiibbada caalamiga ee Soomaaliya ay duqaymo ka fuliyeen agaggaasi.

Dagaalka Daacish

Buuraylada fog ee gobolka ku yaalla waqooyi-bari Soomaaliya ee Puntland, waxa weli ka socda dagaal u dhaxeeya ciidammada maamul-goboleedkaas iyo dagaalyahannada Ururka Daacish.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta Puntland iyo warar ay baahisay dawladda Maraykanku, in badan oo ka mid ah dagaalyahannada ayaa la dilay tan iyo markii uu bilowday hawlgalka loogu magac daray 'Hillaac'. Dadka dhintay waxa sida la sheegay ku jira dagaallamayaal shisheeye ah. Sidoo kale hogaamiyeyaal ayaa la sheegay hawlgallada.

In dagaallamayaal ajanabi ahi ay ku jiraan ururka Daacish ma aha wax cusub, waxaase sannadihii la soo dhaafay aad u xoogaysanayay walaaca laga qabo in tirada ajaaniibtu ay ka badan tahay qiyaasihii hore loo haystay.

Kooxda sheegata "Khilaafada islaamiga" ayaa dhammaadkii bishii Disembar ee kal hore weerar ku qaadday ciidammada Puntland ee hadda dagaalka tooska ahi uu kala dhaxeeyo, kuwaas oo khasaare uu soo gaadhay, halka iyaguna ay sheegeen in ay dhammaan kooxda weerarka ku soo qaadday ay laayeen, kuwaas oo ay ku jireen dagaallamayaal ajaanib ah.

Kooxdan ayaa muujisay heerka ay awooddoodu gaadhsiisan tahay. Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogayn tirada dagaalyahannada shisheeyaha iyo Soomaalida ee u dagaallamada Kooxda Daacish, mar kale ayaa misna bishii Oktoobar ee sanadkii hore, taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika waxay sheegeen in loo maleynayo in tirada kooxda Daacish ee waqooyiga Soomaaliya ay "laba jibaarantay" sannad gudihiisa.

Weerarkii uu Trump amray

Xigashada Sawirka, Reuters

Muhiimadda Buuraleyda Calmiskaad

Waa deegaan fog oo in lagu noolaado aanay sahal ahayn oo ku yaalla gobolka Bari. Hase ahaatee, sababta ugu weyn ee Daacish ay u xusheen goobtan ayaa loo arkaa in ay tahay meel lagaga dhuuman karo duqaymaha dhinaca cirka ee marar badan ay Marykanku iyo dalalka saaxiibbada la ah Soomaaliya ay ka fuliyaan deegaannadaasi.

Dhammaadka sannadihii la soo dhaafay ayay ahayd markii Puntland ay si rasmi ah ugu dhawaaqday hawlgal ka dhan ah Ururka Daacish ee saldhigoodu yahay deegaanka buuralayda ah ee Calmiskaad.

Inkasta oo sida ay sheegeen masuuliyiinta maamul-goboleedka Puntland ay qabsadeen qaybo ka mid ah saldhigyada ururkaasi, haddana dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ayaan weli la soo afjarin muddo bilooyin ah.