Muxuu yahay walaaca soo food saaray dadka la nool HIV/AIDS-ka iyo Qaaxadda ee Somalialnd?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saameyn taban ayay ku yeelaneysaa dadka la nool xanuunka HIV/AIDS ee degan meelo badan oo Afrika ah deeqaha USAID ee uu hakiyay maamulka madaxweyne Trump, sida ay ka dhawaajisay Hay'adda Caafimaadka Adduunka WHO.
Madaxa Hay'adda , Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo Isniintii shir jaraa'id qabtay, ayaa ka digay in kala go'id ku timaada dawooyinka bukaannada la nool xanuunkan ay masiibo horseedi karto. Wadamada laga baqdin qabo in cillidaani soo wajahdo waxaa ka mid ah Nigeria, Kenya iyo Lesotho , kuwaas oo halis ugu jira jara in ay ka dhamaadaan dawooyinka loo yaqaan anti-retroviral (ARV) bilaha soo socda.
Meelaha walaaca laga qabo in ay saameyn ku yeelato dawooyinkan ay ka digtay WHO, waxa ka mid ah Somaliland, oo dadka la nool xanuunka HIV/AIDS-ka iyo Qaaxadu ay si lacag la'aan ah bil kasta ku helaan dawooyinkaasi oo ay bixiso Hay'adda Global Fund, oo deeqo ka hesha dalal Mareykanku ugu muhiimsan yahay.
Saameynta ay ku yeelanayso dadka la nool HIV/AIDS-ka iyo Qaaxadda ee Somaliland
Sida uu BBC-da u sheegay Dr. Mustafe Cabdilaahi Xuseen (Guraaye), oo ka mid ah dhakhaatiirta ka hawl gasha Isbitaalka Qaaxadda ee Magaalada Hargeysa, waxay hakinta deeqaha Mareykanka ay saamayn ku yeelanayaan dadka bukaannada ah ee la nool HIV/AIDS-ka iyo Qaaxadda, kuwaas oo si bille ah u heli jiray dawooyinka lacag la'aanta ah.
Dr. Mustafe, waxa uu tilmaamay in dawooyinkan oo la waayo ay horseedi karto in dadka bukaannada ah ee qaba xanuunka ay halis geli karto noloshoodu.
"Saameynta kale ee ka dhalan karta waxa ka mid ah oo suurto gal ah, haddii dawooyinkaas la waayo in tirada dhimashu ay korodho, gaar ahaan dadka la nool HIV/AIDS-ka, Qaaxadda iyo Kaneecada, gaar ahaan dadka u nugul, sida hooyada uurka leh, caruurta shan jir ka yaryar iyo dadka waaweyn ee xanuunnada kale la nool"
Waxa kale oo uu Dr. Mustafe , sheegay in aanay saameyntu ku koobnayn oo keliya dawooyinkaas, balse ay jiraan adeegyo kale oo dhinaca caafimaadka ah oo ay ka mid yihiin qalabka caafimaadka oo ay siin jireen xarumaha caafimaadka iyo weliba tababarro iyo aqoon dhis la siiyo xirfadlayaasha caafimaadka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Walaaca ay qabaan dadka la nool HIV/AIDS-ka Somaliland
Dadka qaba xanuunka HIV/AIDS-ka, ee qaata dawooyinka ee ku nool deegaannada Somaliland ayaa tiradoodu gaadhaysa laba kun iyo laba iyo sagaashan (2, 092) qof, kuwaas oo xarumaha caafimaadka si toos ah uga qaata dawooyin, sida uu BBC-da hore ugu sheegay Agaasimaha fulinta ee Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka, Dr. Ismaaciil Muxumed Aye.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dadka la nool xanuunka xanuunkan ee ku nool Somaliland, waxa ay helaan dawooyin lacag la'aan ah, oo ay ka helaan Ha'yadda Global Fund, oo iyadu ka shaqaysa la dagaalanka HIV/AIDS-ka, bixisana dhaqaalaha dawada lagu iibiyo.
Aamina, oo ah haweenayd la nool xanuunka HIV oo la hadashay BBC-da, ayaa walaac ka muujisay dawo la'aan soo food saarta, iyada oo sheegtay in xarunta ay ka qaataan dawada in ay u sheegtay in dawadii la siin jiray ay gabaabsi tahay.
"Dawada waxaan ka qaadan jirnay qaybta bukaan socodka dadka la nool HIV/AIDS-ka Isbitaalka Guud...waxaa na loo sheegay in ay dawadu gaabaabsi tahay, oo hay'adda lacagtii ka yaraatay, oo ilaa bishii hore dawooyinka sidii loo heli jiray aan loo helin." Ayey tidhi hooyadaan.
Inkasta oo Aamina sheegtay in lagu war geliyey in dawada la siin jiray gabaabsi tahay, haddana arrintan si ay BBC-du u xaqiijiso waxa ay la xidhiidhay Axmed Muuse Ibraahim oo ka hawl gala qaybta bukaan socodka dadka la nool HIV/AIDS-ka ee Magaalada Hargeysa, waxaanu xusay in aanu jirin walaac weyn oo dhinaca dawada ah, balse ay wax ka beddel ku sameeyeen qaabkii dawada loo siin jiray dadkaasi, oo uu xusay in wakhtigii Xannuunka COVID-19, dadka bukaanka ah la isu raacin jiray saddex, saddex bilood, imikase la joojiyey oo si bile ah loo siiyo.
Aamina waxa kale oo ay sheegtay in noloshoodu si weyn ugu tiirsan tahay dawooyinkan ay helaan, haddii la waayo ama ka kala go'do ay noloshoodu khatar gelayso.
"Nolosha Ilaahay haya, haddii dawadaas la waayo dadka way u dhamaatay ayaan filayaa, waayo Dadkan la nool xanuunka HIV/AIDS-ka, waxa ay ku nool yihiin dawadaas, oo dawadani xannuunka ayey difaacdaa, markaa haddii qofku dawada cuni waayo, difaaciisu hoos ayuu u dhacaa, xanuunnadaa ku dhaca, wuu shubmaa, aakhirna wuu dhintaa, markaa Ilaahay ayaanu leedahay.".

Maxay ka tidhi Somaliland?
Sida uu BBC-da u sheegay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xuseen Bashiir Xirsi, waxa ka dhalanaysa saameyn deeqaha Mareykanku hakiyey, gaar ahaan dhinaca caafimaadka, balse waxa uu sheegay in dowlad ahaan ay ka diyaargaboobeen.
"Madaxweyne Trump waakan jaray taageeradii hay'addaha la siin jiray ee USAID la soo marin jiray, saameyn badan way nagu yeelanaysaa, laakiin macnuhu maaha dadkii bukaannada ahaa ee dawada la siin jiray ayaa dawooyinkii waayaya maaha, waanu ka hawl galnay, waan diyaar garownay, meelihii ay naga taageeri jireen haddii bannaanaa ka timaado, annaga ayaa halkii daboolayna."
Wasiirka Caafimaadka Xuseen Bashiir Xirsi, waxa xusay in dawooyinka ay helaan dadka la nool HIV/AIDS-ka iyo Qaaxadda, haddii la waayo ay Wasaaradda Caafimaadku u soo iibsin doonto dadka bukaannada ah.
"Dawooyinka waan soo iibsan karnaa, madaama oo la yareeyey ama la jaray macnaheedu maaha in halkaas loo fadhiisanayo oo dadkii bukaanka ahaa dawo la'aan ku dhacayso TB-da ha ahaato ama HIV-ga. Bukaanku sidiisa ayuu dawada u helayaa, hawshaana waa mid qaran, Wasaaradda Caafimaadka ayaana masuul ka ah, waana ka diyaargarownay." Ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka Xuseen Bashiir Xirsi, oo u warramayey BBC-da













