Wax ka baro saldhigyada militariga Mareykanka ee Bariga Dhexe ee Iran ay bartilmaameedsatay

Markabka USS Carl Vinson waa mid ka mid ah kuwa diyaaradaha xambaara oo ka howlgala gobolka.

Xigashada Sawirka, Allen J. Schaben / Los Angeles Times via Getty Images

Maraykanka ayaa awood ciidan oo la taaban karo ku leh Bariga Dhexe, isagoo ciidamo ka joogaan in ka badan toban waddan iyo maraakiibta badda ee gobolka.

Isku soo wada duuboo, Maraykanku waxa uu saldhigyo ciidan ku leeyahay ugu yaraan 19 goobood, kuwaas oo sideed ka mid ah ay u aqoonsan yihiin saldhigyo joogto ah falanqeeyayaasha gobolka.

Xeryahaan waxaa hadda ku sugan 40,000 oo askari, oo ay ku jiraan dad rayid ah, iyo sidoo kale nidaamyada difaaca hawada, diyaarado dagaal, iyo maraakiib dagaal.

Ka dib weerarkii Mareykanka uu ku qaaday saddex xarumood oo Nukliyeer ah oo ku yaalla Iran, saldhigyadan ayaa noqday bartilmaameedka ay Iran ka aargoosanayso, iyadoo dowladda Iran ay horay uga digtay inay "ay ka fikirayso dhammaan fursadaha" si ay uga jawaabto.

Joogitaanka Maraykanka ee gobolka ee dagaaladii Ciraaq iyo Afgaanistaan ​​ay gaaray in ka badan 160,000 oo askari, waxaana la sii xoojiyay sannadkii hore ka dib xiisadda u dhaxaysay Israa'iil iyo Iran iyo jawaab celinta weerarrada joogtada ah ee Xuutiyiinta Yemen ee maraakiibta ganacsiga iyo kuwa milatariga ah ee ku sugan badda cas.

Laakiin maalmihii la soo dhaafay, iyadoo la filayo weeraro iyo in la ilaaliyo ciidamada haddii ay dhacdo jawaab weyn oo ka timaada Tehraan, Mareykanka ayaa codsaday in si iskood ah looga saaro ciidamada xarumaha gobolka.

Isku soo wada duuboo, Maraykanku waxa uu saldhigyo milatari ku leeyahay ugu yaraan 19 goobood oo gobolka ah, siddeed ka mid ah kuwaas oo falanqeeyayaasha gobolku u arkaan inay joogto yihiin: Baxreyn, Masar, Ciraq, Israel, Urdun, Kuwait, Qatar, Sacuudiga, Imaraadka, iyo suuriya.

Sida laga soo xigtay kooxda cilmi-baarista madaxa-bannaan ee Golaha Xiriirka Dibadda, militariga Mareykanka ayaa sidoo kale ka howlgala saldhigyo waaweyn oo ku yaal Jabuuti iyo Turkiga, kuwaas oo qayb ka ah talisyada kale ee gobolka, laakiin inta badan gacan weyn ka geysta howlgallada Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waa Kuwaanaa liiska saldhigyada waaweyn ee Maraykanku ku leeyahay gobolka, kuwaas oo dhamaantood hoos yimaada Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM).

Baxreyn

Boqortooyadan yar waxay hoy u tahay Kooxda Shanaad ee ciidamada Mareykanka, oo mas'uul ka ah ciidamada badda ee Gacanka Faaris, Badda Cas, Badda Carabta, iyo xeebta Bariga Afrika ee koonfurta ilaa Kenya.

Saldhigan waxaa loo yaqaanaa Hawsha Taageerada Badda ee Baxrayn waxayna sidoo kale ku taal xarunta dhexe ee Ciidanka Badda Mareykanka.

9,000 oo askari oo Maraykan ah ayaa la geeyay halkaasi.

Maraakiib dhowr ah oo ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka ayaa saldhigyo ku leh dekedda Baxreyn, kuwaasoo leh biyo qoto dheer oo qaadi kara maraakiibta badda hoosteeda mara, sida USS Carl Vinson iyo kuwa kale ee xambaara diyaaradaha.

Waxa kale oo ka mid ah afar markab oo miino-saar iyo laba markab oobixiya taageero dhanka saadka ah.

Ilaalada xeebaha Mareykanka ayaa sidoo kale dalka ku sugan maraakiib ay ku jiraan lix doonyood oo dheereeya, sida ay sheegtay AFP.

Kuwait

Kuwait ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee saldhigyada ciidamada Mareykanka ku leeyahay gobolka.

Waxaa ka mid ah Camp Arifjan, oo ay ku taal xarunta ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ee qaybta CENTCOM.

Xaruntu waxay u adeegtaa sidii xarun hawlgal iyo saadka ee ciidamada Maraykanka ee ku sugan Bariga Dhexe, iyadoo ay taallo sahay badan oo lagu taageerayo hawlgallada kala duwan.

Waxa kale oo jira Saldhigga Hawada ee Ali al-Salem, oo ay ku taal 386-aad ee Airlift Wing, "xarun weyn oo laga fulin karo daabulidda ciidamada dagaalka si loogu biiriyo ciidamada isbahaysiga ee gobolka," sida ay sheegtay AFP.

Mareykanka ayaa sidoo kale Kuwait waxa u yaalla diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, oo ay ku jiraan MQ-9 Reaper.

Saldhigga ciidamada cirka ee Camp Arifjan iyo Ali al-Salem oo kaliya, ayaa ciidamada Mareykanka waxa ay geeyeen 13,500 oo askari, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi.

Qatar

Trump ayaa bishii May ee sanadkii hore booqday ciidamada Mareykanka ee ku sugan saldhigga cirka ee Al Udeid ee dalka Qatar.

Xigashada Sawirka, Reuters

Saldhigga ciidamada cirka ee Al Udeid ee Qatar ayaa ah kan ugu weyn gobolka, waxaana saldhig uu u yahya taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee CENTCOM iyo ciidamada cirka.

Al Udeid ayaa gacan weyn ka geystay howlgallada ciidamada Mareykanka ee Ciraaq, Suuriya iyo Afgaanistaan.

Ciidanka Cirka ee marekanka guutada 379th ayaa sidoo kale la geeyay halkaas.

Madaxweyne Donald Trump ayaa booqday xerada 15-kii May intii uu ku guda jiray socdaalkiisa Bariga Dhexe.

Maalmihii la soo dhaafay, Washington ayaa tobanaan diyaaradood ka saartay garoonka Al Udeid, sida ka muuqata sawirrada dayax-gacmeedka, taasoo sii kordhisay shakiga ah inay doonayso inay ka difaacdo weerarrada Iran oo ay kaga jawaabayso faragelinta Maraykanka.

Ku dhawaad ​​10,000 oo askari oo Maraykan ah ayaa ku sugan Qatar.

Reapers.

Imaaraadka Carabta

Diyaarada aan duuliyaha lahayn ee RQ-4 Global Hawk oo ku sugan saldhiga hawada ee Al Dhafra ee dalka Imaaraadka Carabta.

Xigashada Sawirka, United States Air Force via EPA

Milateriga Mareykanka ayaa ka howlgala Saldhigga Hawada ee Al Dhafra ee Imaaraadka Carabta, oo ah xarun istiraatiiji ah oo qaabilsan sahminta, xog uruurin islmarkana taageerta howlgallada hawada.

Saldhigan ayaa hoy u ah 380-aad ee cirbixiyeenada, ciidamadaas oo ka kooban 10 ka mid ah ciidamada cirka iyo sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha wadin sida MQ-9

Ciraaq

Maraykanka ayaa ilaa 160,000 oo askari ka joogay dalka Ciraaq in ka badan 500 oo saldhig intii uu socday duulaankii lagu riday Saddaam Xuseen, kaas oo socday 2001 ilaa 2003.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa hadda dalka ku sugan 2,500 oo askari oo Maraykan ah, waxaana Washington ay wadahadal kula jirtaa xukuumadda Baqdaad si ay si tartiib-tartiib ah ugala soo baxdo ciidamadaas.

Askartan ayaa qeyb ka ah isbaheysiga caalamiga ah ee dagaalka kula jira kooxda dowladda Islaamiga ah ee Jihaad doonka ah, waxayna inta badan ka howlgalaan labo saldhig oo ciidamada cirka ah oo kala ah Al Asad iyo Erbil oo ka tirsan Kurdistan Ciraaq.

Suuriya

Joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Suuriya ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa dagaalka ka dhanka ah dowladda Islaamiga ah ee ka soo ifbaxday dagaaladii sokeeye ee ka qarxay dalkaasi sanadkii 2011, ugu dambeyntiina qabsaday qeybo badan oo ka mid ah Suuriya iyo Ciraaq.

Mareykanka ayaa waxaa kaga sugan Suuriya ilaa 2,000 oo askari oo ku sugan xeryo kala duwan oo ku yaala dalka Suuriya, kuwaasi oo la shaqeeya ciidamada ammaanka ee dalkaasi si ay uga hortagaan soo laabashada kooxda Jihaadiga ah.

Bishii Jun, Washington waxay ku dhawaaqday inay dhimayso tirada saldhigyada millatari ee dalka oo ahaa 8 laguna so reebayo oo kali ah 1 saldhig , waxayna sheegtay inay beddeli doonto siyaasaddeeda.

Trump ayaa si lama filaan ah u go'aansaday in uu cunaqabateynta ka qaado Suuriya bishii May ee la soo dhaafay, waxaana maamulkiisu uu muujiyay xiisaha uu u qabo in uu wadahadal la yeesho hogaamiyaha cusub ee dalkaas, Axmed Sharaa, oo maleeshiyaadkiisu ay ku guuleysteen in ay afgambiyaan Bashaar Al-Asad dhammaadkii 2024-kii.