Muxuu Bariga dhexe muhiim iyo istaraatiji ugu yahay dunida

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bariga Dhexe waa gobol ay si joogto ah u saameeyaan xasarado siyaasadeed, balse wuxuu sidoo kale yahay mid aad muhiim ugu ah adduunka. Marka ay dhacdo xiisad amni ama dhacdo gaar ah oo ka dhacda Bariga Dhexe, si degdeg ah ayay xaaladdaasi u saamaysaa dareenka caalamka.
Gobolkan wuxuu isku xidhaa qaaradaha Yurub, Afrika iyo Aasiya, wuxuuna ka kooban yahay 17 dal, oo ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, Masar, Israa'iil, Suuriya, Iiraan, Turkiga iyo Yemen. Meesha uu ku yaal ayaa ka dhigaysa Bariga Dhexe goob istiraatiiji ah, oo jaangoysa arrimo badan oo saameeya siyaasadda iyo dhaqaalaha caalamka.
Bud-dhigga Diimaha Waaweyn ee Adduunka
Bariga Dhexe wuxuu hoy u yahay diimaha waaweyn ee caalamka sida Kiristaanka iyo Islaamka, taasoo keenta in malaayiin dad ah oo dunida ku kala sugan oo diimaha kal aamminsani ay si dhow ula socdaan waxa ka dhacaya gobolka. Dalalka sida Sacuudi Carabiya, Israa'iil iyo Iiraan waxaa loo arkaa inay yihiin dhulal taariikhi ah oo aad u qiimo badan markay tahay diimaha Islaamka iyo Kiristaanka.
Magaalooyinka sida Qudus (Jerusalem), Maka iyo Madiina waxay indhaha caalamka ku jeediyaan Bariga Dhexe. Magaalada Qudus ayaa si gaar ah u kasbatay indhaha caalamka maadaama ay tahay meel ay wada qiimeeyaan Muslimiinta, Kiristaanka iyo Yuhuudda. Khilaafka u dhexeeya Israa'iil iyo Falastiiniyiinta ee magaaladaasi wuxuu si sahal ah u soo jiitaa dareenka caalamka.
Masjidka Al-Aqsa oo ku yaalla Qudus ayaa noqonaya mid xiisad badan dhalin kara. Yuhuuddu waxay sheegtaan in meesha uu masjidku ku yaallo ay ahayd goobtii macbadkooda, halka Muslimiintuna u arkaan meel barakeysan. Booqashooyinka siyaasiyiinta Israa'iil ay ku tagaan xaruntaas ayaa keena mudaaharaadyo iyo rabshado u dhexeeya booliiska Israa'iil iyo Falastiiniyiinta — taasoo ahayd mid ka mid ah sababihii ay Xamaas u sheegtay in ay weerar ugu qaadday Israa'iil bishii Oktoobar 2023.
Xarunta Tamarta Caalamka
Bariga Dhexe waa goob aad muhiim ugu ah dhaqaalaha caalamka, gaar ahaan dhanka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah. Sacuudi Carabiya ayaa kaalinta koowaad kaga jirta soosaaridda iyo dhoofinta saliidda. Dalalka sida Iiraan, Ciraaq, Kuwait, Cumaan iyo Qatar waxay dhaqaalahooda ku tiirsan yihiin shidaalka.
Markii 1938 shirkad Mareykan ah ay ka heshay dhulka bari ee Sacuudiga ceelka shidaalka ugu weyn dunida, taariikhda gobolka ayaa is beddeshay. Tan iyo markaas, saliidda waxay noqotay laf-dhabarta dhaqaalaha dunida. Khubaro ayaa sheegaya in 30% saliidda ceedhin iyo 20% gaaska dabiiciga ah ee dunida laga isticmaalo laga keeno Bariga Dhexe. Taas ayaa gobolka ka dhigaysa mid leh awood dhaqaale iyo istiraatiiji aad u xooggan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Goobaha Ganacsiga Caalamiga ah iyo Badda
Meesha uu ku yaal Bariga Dhexe ayaa ka dhigtay marin muhiim ah oo ay maraan maraakiibta ganacsiga caalamka. Meelaha muhiimka ah waxaa ka mid ah Badda Cas, Badda Dhexe, Badweynta Hindiya, Badda Carabta iyo Gacanka Faaris.
Waddooyinka ganacsiga ee caanka ah ee Bariga Dhexe waxaa ka mid ah marinada Suez, Hormuz, Baabul-Mandab iyo Gacanka Aqaba. Marka ay kacaan dagaallo ama xiisado siyaasadeed, waddooyinkaas ayaa khatar gala, taas oo saameysa ganacsiga caalamiga ah.
Tusaale, Iiraan waxay marar badan ku hanjabtay inay xishi doonto marin-badeedka Hormuz — oo ah halka uu Gacanka Faaris kaga xishanyahay Gacanka Cumaan — haddii ay sii korhdaan dagaallada kala dhexeeya Israa'iil. Sidoo kale, weerarada Xuutiyiinta Yemen ee maraakiibta Israa'iil ka dib dagaalka Qasa ayaa carqaladeeyay maraakiibtii mari jirtay Badda Cas.
Marinka Suez oo Masar leedahay ayaa sidoo kale ah marin muhiim ah. Wuxuu isku xidhaa Afrika iyo Aasiya, waxaana sannad kasta ka gudba in ka badan 20,000 oo markab ganacsi ah. Marinkaasi wuxuu xidhmay muddo kadib dagaalkii lixda maalmood ee 1967, balse Masar ayaa dib u furtay sanadkii 1975.
Israa'iil iyo Xiisadaha Joogtada ah
Mid ka mid ah sababaha Bariga Dhexe u noqday bartilmaameed indhaha dunida ah waa aasaaskii dalka Israa'iil kadib Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Yuhuudii ka badbaaday xasuuqii Hitler waxay u haajireen Falastiin waxayna aasaaseen Israa'iil. Tan iyo markaas, Israa'iil waxay la gashay dagaallo dalalka dariska la ah sida Masar, Suuriya, Urdun iyo Lubnaan.
Dad ka badan nus milyan Falastiiniyiin ah ayaa guryahoodii laga raray, waxayna bilaabeen halgan hubeysan oo ay ku doonayaan dal madax bannaan. Kooxo ay ka mid yihiin Xamaas, Jihad Islaami iyo PLO ayaa dagaallo kala duwan la galay Israa'iil. PLO waxay heshiis la gashay Israa'iil waxayna hadda maamushaa Daanta Galbeed, balse Xamaas weli waxay maamushaa Qasa waxayna la dagaallantay Israa'iil.
Hirdanka quwaaha waaweyn
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kadib burburkii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta 1922, Ingiriiska ayaa si weyn uga taliyay Bariga Dhexe. Laakiin kadib Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Mareykanku wuxuu noqday awoodda ugu weyn ee gobolka. Mareykanka ayaa dhisay saldhig ciidan oo dhanka bari ee Sacuudi Carabiya ku yaalla sanadkii 1945 — kaasoo noqday saldhiggii ugu horreeyay ee Maraykanku ka sameeyo gobolka.
Maanta Mareykanka wuxuu leeyahay ilaa 19 saldhig ciidan ah oo ku kala yaalla dalal badan sida Imaaraadka, Masar, Urdun, Baxrayn iyo kuwo kale. Waxaa halkaas ku sugan 40,000 ilaa 50,000 oo ah askar Mareykan ah. Taasi waxay muujinaysaa sida muhiimka ah ee gobolka loogu arko siyaasadda iyo amniga caalamka.
Ingiriiska ayaa ah dalka labaad ee reer Galbeed ah ee saameyn weyn ku leh Bariga Dhexe, wuxuuna saldhig weyn ku leeyahay jasiiradda Qubrus. Ruushkuna sidoo kale wuxuu si weyn uga dhex muuqdaa gobolka, gaar ahaan dalalka Suuriya iyo Masar. Xukuumadda Bashar al-Assad ee Suuriya ayaa awoodda ku sii negaatay illaa 2025 iyadoo ay taageereyso Ruushka, inkastoo reer Galbeedku doonayeen in laga tuuro, ugu danbaynna uu Meesha ka baxay
Gabagabadii, Bariga Dhexe waa xarun muhiim ah oo ay dunidu si joogto ah ugu fiirsato, sababo la xidhiidha diimaha, khayraadka dabiiciga ah, ganacsiga, iyo siyaasadda caalamka. Indhaha caalamka ayaa mar walba ku jeeda gobolkaas.













