Maxaan ka ognahay xarumaha Nukliyeerka Iran ee Mareykanku weeraray?

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweyne Donald Trump waxa uu sheegay in uu guuleystay weerar bam oo lagu qaaday saddexada xarumood ee nukliyeerka Iran, wuxuu kaloo sheegay in la "burburiyay".
Israel waxay sheegtay in ay si buuxda "ugala shaqeysay" Mareykanka qorsheynta weeraradaas. Mas'uuilyiinta Iran waxay xaqiijiyeen in la weeraray xarumaha balse way beeniyeen in waxyeelo weyn soo gaartay.
Weeraradan ayaa astaan u ah in uu kordhay dagaalka hadda u dhexeeyay Iran iyo Israel.
Muxuu duqeeyay Mareykanka, hub ceynkee ah ayuu isticmaalay?
Fardo ayaa ka mid ah goobaha la duqeeyay. Waa warshad lagu naaxiyo yuraaniyamka taas oo ku hoos taal dhul buuraley ah, waana u muhiim damac nukliyeerka Iran. Weli ma ogin waxyeelada soo gaartay warshadan.
Mareykanka waxay sheegeen in sidoo kale ay duqeeyeen xarumaha kale sida Natanz iyo Isfahan.

Fardo waxay ku taaal dhulka hoose ee buuraleyda koonfurta Tehran, waxaana la rumeysan yahay in ay ka qoto dheer tahay jidka badda hoose mara ee isku xira UK iyo Faransiiska.
Maadama ay meel aad u hooseeysa ku taal, waxa kaliya oo qarxin kara waa bamka weyn ee Mareykanku haysto. Bamkaas waxaa lagu magacaabaa GBU-57 waa mid si weyn uga dhex-baxa dhulka. Culeyskiisu waa 13,000kg, wuxuuna awoodaa in uu ka gudbo ilaa iyo 18 mitir oo shub ah ama 61 mitir oo dhulka caadiga ah ka hor inta uusan qarxin sida ay sheegayaan khubarada.
Marka la fiiriyo sida dhulka uu god u yahay, lama hubo in uu guuleysanayo bamkan dhulka dhexmara. Warbaahinta Mareykanka waxay sheegeen in bamkan la adeegsaday.

Maxaan ka ognahay waxyeellada weerarka?
Ma cadda waxyeellada weerarada Mareykanku u geysteen xarumaha nukliyeerka Iran ama hadii ay cid wax ku noqotay.
Ururka Atoomikada Iran waxay sheegeen, duqeynta saddexda xarumood in ay qeynuunka caalamiga ku tahay "xadgudub bahalnimo ah".
Sacuudiga iyo hay'ada Qaramada Midoobay u qaabilsan in ay la socoto nukliyeerka adduunka IAEA waxay sheegeen in heerka shucaaca uusan kordhin kaddib weerarka. Madaxa IAEA, Rafaelle Grossi, wuxuu ku baaqay in Isniinta ay kulan degdeg ah ay isugu yimaadaan guddiga ururka.
Agaasime ku xigeenka warhaabinta Iran, Xassan Abedini, waxa uu sheegay in mar hore ay Iran ka guurtay xarumahaasi.
Madaxweyne Trump waxa uu isna sheegay in xarumaha lagu naaxiyo yuraaniyamka gabi ahaanba la burburiyay.
Balse kaaliyahii xoghayihii hore arrimaha dibadda Mareykanka, Mark Kimmitt ayaa BBC-da u sheegay in aysan taasi jirin
"ma jirto wax muujinaya in gabi ahaan la burburiyay".
Sidee Iran ugu jawaabeysaa?
Wariyaha ammaanka ee BBC-da Frank Gardner waxa uu sheegay in Iran ay hadda sameyneyso saddex un midood. In aysan waxba sameyn, in degdeg ay jawaab adag u bixiso ama in ay aargoosato markale ay iyada doorato.
Saacado gudahood weerarka Mareykanka kaddib Iran waxay weeraro hor leh ku qaaday Israel iyadoo duqeysay Tel Aviv iyo sidoo kale magaalada waqooyiga ee Haifa. Isreal waxay sheegtay in ugu yaraan 16 qof ay ku dhaawacmeen weerarka.
Xubno ka tirsan xisbiga Trump ee Jamhuuriga ayaa soo dhigay baraha bulshada qoraal ay ku taageerayaan tallaabada. Sanetorka Texas, Ted Cruz, ayaa ammaanay madaxweyne Trump iyo militeriga Mareykanka ee weerarada ka qeybqaatay.
Xisbiga jamhuuriga dhammaantood kuma faraxsana weerarada. "Dagaalkan ma ahan keena", ayey tiri Marjorie Taylor Greene. Hakeem Jeffries oo hormuud u ah Dimuqraadiga waxa uu sheegay in Trump uu geliyay dagaalka Bariga Dhexe.
Sidee uga jawaabeen hoggaamiyayaasha caalamka?
Raysalwasaaraha UK, Sir Keir Starmer, waxa uu sheegay in Mareykanka uu qaaday tallaabo uu hoos ugu dhigayay wax uu ugu yeeray khatarta barnaamijka nukliyeerka Iran. Wuxuu ugu baaqay Tehran in ay timaado miiska wadahadalka si loo gaaro xal diblomaasiyadeed.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, waxa uu sheegay in duqeymaha Mareykanka ay yihiin khatar sii hurineysa dagaalka. Madaxa siyaasada arrimaha dibadda Midowga Yurub, Kaja Kallas waxa uu ku adkeeyay in dhammaan dhinacyada ay dib ugu soo laabtan miiska wadaxaajoodka.
Sacuudiga walaac ayey ka muujiyeen halka Cumaan oo martigelisay wadahadaladii dhawaan dhexmaray Mareykanka iyo Iran ay cambaareysay weerarka iyadoo ku baaqday in xaalada la qaboojiyo.
Sidee dagaalka ku bilowday?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Israel ayaa weerar kaddis ah ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran iyo bartilmaameedyo militiri 13-kii bishan Juun. Waxay sheegtay in ujeedkeedu ahaa in ay burburiso barnaamijka nukliyeerka Iran iyadoo raysalwasaare Benjamin Netanyahu uu sheegay in dhawaan ay awood u yeelaneyso Iran in soo saarto bam nukliyeer ah.
Iran waxay ku adkeysaneysaa in damaceeda nukliyeerka uu yahay mid nabadeed. Iyadoo ka jawaabeysa weerarada Israel, Iran waxay drone iyo gantaalo ku weerartay Israel. Ilaa markaa kaddib labada dal midba kan kale ayuu weeraray.
Bishii maarso, madaxa sirdoonka Mareykanka Tulsi Gabbard, ayaa sheegtay in Iran ay si weyn u kordhisay keydka Yuraaniyamka , hadana ma sameysaneyso hub nukliyeer ah. Trump ayaa hadalkaas dhawaan ku tilmaamay in uu khalad yahay.
Mareykanka iyo Iran waxa u socday wadahadalo ku saabsan nukliyeerka markii Israel ay qaaday weerarka lama filaanka ahaa. Labo maalin ka hor ayuu Trump sheegay in Iran uu siinayo labo toddobaad ka hor inta uusan weerarin balse waqtigaas waa ka soo gaabtay sida uu sheegay.













