Maxaynu ka ognahay weerarada Israa'iil ee goobaha Nukliyeerka Iran iyo Taliyayaashii Milatariga ee la dilay?

Xigashada Sawirka, Reuters
Israa'iil ayaa maanta duqaymo ka gaysatay guud ahaan Iiraan, iyaga oo sheegay inay bartilmaameedsadeen "wadnaha" barnaamijka Nukliyeerka Iiraan. Duqeymaha ayaa lagu dilay Hossein Salami oo ahaa madaxii ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan oo ah qayb awood badan oo ka tirsan ciidamada dalkaasi, waxaa sidoo kale lagu dilay saraakiil kale oo milatari iyo dhowr saynisyahan oo dhanka Nukliyeerka ah.
Dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadka la dilay, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iiran. BBC -du si madax banaan uma xaqiijin karto wararkan.
Milatariga Israa'iill ayaa sheegay in Iiran ay saaka kusoo qaadday weerar ilaa 100 diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn ah, kuwaas oo ay ciidamada difaaca Israa'iil (IDF) sheegeen in ay ka hortageen.
Xaalad degdeg ah ayaa lagu soo rogay Israa'iil. Mareykanka ayaa sheegay in aysan wax lug ah ku laheyn duqeymahaasi, balse madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu ka warqabay qorshaha Israa'iil.
Weerarro kala duwan oo goobo kala duwan lagu qaaday ayaa la soo sheegay, oo ay ku jirto xarunta ugu weyn ee lagu kobciyo nukliyeerka Iiran.
Goorma iyo halkee ayay duqaymuhu ka dhaceen?
Telefishinka dowladda Iiraan ayaa sheegay in aag deegaan ah oo ku yaalla Tehran la duqeeyay, iyada oo sidoo kale laga maqlay qaraxyo waqooyi-bari caasimadda.
Israa'iil gudaheeda, dadka deggan waxaa hurdada ka toosiyay seeriga duullaanka hawada isku mar, waxayna heleen digniino taleefoon oo degdeg ah.
Milateriga Israa'iil ayaa sheegay in ay duqeeyeen "tobaneeyo bartilmaameed oo militari, oo ay ku jiraan bartilmaameedyo Nukliyeer ah oo ku yaalla meelo kala duwan oo Iiran ka tirsan".
Saacado ka dib weeraradii bilowga ahaa ayaa waxaa la sheegay in qarax uu ka dhacay xarunta Nukliyeerka ee Natanz, oo ku taal meel 225-km u jirta koonfurta caasimadda, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iiraan.
Ciidamada IDF ayaa markii dambe xaqiijiyay in ay weerareen goobta, waxaana ay sheegeen in weerarkooda uu ka dhashay khasaare badan.
Hay'adda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah (IAEA), ayaa sheegtay inay ku wargeliyeen mas'uuliyiinta Iiraan inaysan jirin wax koror ah oo ku yimid heerarka shucaaca ee warshadda Natanz.
Madaxa IAEA Rafael Grossi ayaa sheegay in xarumaha Nukliyeerka ay tahay in aan weligeed la weerarin iyada oo weerarrada noocan oo kale ah ay leeyihiin saameyn halis ah oo ku saabsan badbaadada nukliyeerka, amniga iyo ilaalinta, sidoo kale nabadda iyo amniga gobolka iyo tan caalamiga ah.

Sidee lagu soo gaaray heerkan?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in duqaymaha ay ugu magac dareen ''howlgalka Libaaxa soo kacaya'' uu yahay hawlgal milatari oo bartilmaameed ah oo lagu yaraynayo khatarta Iiraan, isagoo sheegay in howlgalkan uu sii socon doono.
Netanyahu ayaa sheegay in Iiraan ay qaadday tallaabooyin is-hubayn ah bilihii la soo dhaafay ''haddii aan la joojin Iiraan waxaa ay soo saaraysaa hub Nukliyeer wakhti yar gudihiis''.
Sarkaal ka tirsan milatariga Israa'iil ayaa BBC-da u sheegay in Iiraan ay haysato walxo nukliyeer ah oo ku filan oo ay ku abuuri karto bambaanooyin nukliyeer ah ''maalmo gudahood''.
Netanyahu ayaa sidoo kale uga mahadceliyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump "inuu ka hor yimid barnaamijka hubka nukliyeerka ee Iiraan".
Duqeymahan ayaa ku soo aadaya iyada oo maalmihii la soo dhaafay ay u muuqdeen kuwo hakad galay wada hadalladii Mareykanka ee barnaamijka Nukliyeerka Iiran oo soo bilowday bishii Abriil. Wareegga xiga ee wadahadalka ayaa la qorsheeyay Axadda.
Trump waxa uu rajaynayay in uu galo heshiis lagu joojinayo in Tehran ay samaysato hubka nukliyeerka. Iiran ayaa muddo dheer ku adkaysanaysay in hawlaheeda Nukliyeerka ay yihiin kuwo nabadeed.
Horaantii toddobaadkan, Trump ayaa la sheegay in taleefon ay ku wada hadleen Netanyahu oo muddo dheer ku doodayay howlgal milatari, halkii hab diblomaasiyadeed lagu wajihi lahaa awoodda Nukliyeerka ee Iiraan.
Sanadkii la soo dhaafay, Iiraan iyo Israa'iil ayaa qaaday tiro duqaymo hawada ah oo midba midka kale uu ku beegsaday Abriil iyo Oktoobar – Inkasta oo duqaymihii sanadkii hore ee Israa'iil la' aaminsanyahay inay u ballaarnayeen sida kuwa hadda dhacay.

Xigashada Sawirka, AFP VIA GETTY IMAGES
Ku dhawaaqid dagaal"
Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiran Ayatollah Cali Khamenei ayaa sheegay in Israa'iil ay tahay "in ay filato ciqaab adag", halka wasiirka arrimaha dibadda Cabbaas Arakchi uu ku tilmaamay weerarka mid "ku dhawaaqid dagaal ah".
Iiran ayaa ku dhowaad 100 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u dirtay Is dhanka Israa'iil subixii hore ee saaka, balse milatariga Israa'iil ayaa sheegay inay ka hortageen diyaaradahaas.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegtay in ciidamadeeda qalabka sida aysan "ka waaban doonin in ay si buuxda u difaacaan madax banaanida Iiran iyo in talaabo u qaadaan qaabka ay u arkaan in ay tahay mid ku haboon".
War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaraddu waxay ku tilmaantay hawlgalka Israa'iil "ficilo gardarro ah" waxayna sheegtay in "Dawladda Maraykanka oo ah ilaaliyaha koowaad ee nidaamkan, ay sidoo kale qaadi doonto mas'uuliyadda".
Yaa lagu dilay Weerarka?
Ciidamada difaaca Israa'iil (IDF) ayaa sheegay in saddex taliye oo ka tirsanaa militariga Iiran lagu dilay duqaymaha Israa'iil ay ka gaysatay guud ahaan Iiraan. Kuwaasi oo kala ah…
Hossein Salami, oo ahaa taliyaha guud ee ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC)
Gholamali Rashid, oo ahaa taliyihii xarunta dhexe ee Khatam-al Anbiya
Mohammad Bagheri, oo ahaa madaxa guud ee ciidamada qalabka sida ee Iiran
Ilaalada kacaanka Islaamiga ah ayaa markii dambe sheegay in Amir Ali Hajizadeh oo ahaa taliyihii ciidamada cirka sidoo kale lala dilay koox kale oo ka tirsan ciidamada IRGC.
Milateriga Israa'iil ayaa sheegay in weerarkooda diiradda lagu saaray "in ka badan 100 bartilmaameed, oo ay ku jiraan saraakiil sare sare oo ka tirsan shaqaalaha guud iyo hoggaamiyeyaasha barnaamijka Nukliyeerka Iiraan".
Wakaalada wararka ee taabacsan IRGC ee xiriirka la leh Tasnim ayaa sheegtay in lix saynisyahano nukliyeer ah sidoo kale lagu dilay weerarada, kuwaas oo shan ka mid ah lagu kala magacaabay:
Fereydoon Abbasi, madaxii hore ee Ururka Tamarta Atoomikada ee Iiraan,
Mohammad Mahdi Tehranchi oo ku lug lahaa barnaamijka hubka Nukliyeerka
Abdulhamid Minouchehr, madaxii farsamada nukliyeerka ee jaamacadda Shahid Beheshti ee Iiran
Ahmad Reza Zolfaghari, oo ah borofisar dhanka farsamada nukliyeerka ah ee Jaamacadda Shahid Beheshti
Amirhossein Feqhi, oo ah borofisar kale oo nukliyeer ah oo wax ka dhigayay Jaamacadda Shahid Beheshti
Ali Shamkhani, oo la taliye sare u ah hggaamiyaha ugu sareeya Iiran ayaa lagu soo waramayaa in uu dhaawac halis ah soo gaaray, sida ay sheegtay warbaahinta Iiran.
Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in dadka la dilay ay ku jiraan dad rayid ah oo ay kamid yihiin caruur.
BBC madax si banaan uma xaqiijin karto wararkan.













