Muxuu ahaa gantaalka Iran ay adeegsatay ee la sheegay in uu Tel Aviv ku gaari karo toddobo daqiiqo?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dagaalka ka dhex qarxay Israa'iil iyo Iran ayaa tijaabo u ah labada dal awooddooda militari iyo sidoo kale hubkooda.
Markii Iran ay mar kale weerartay Israa'iil habeenkii Arbacada, waxay markii ugu horreysay sheegtay in gantaalka Iran Sajil-2 loo adeegsaday weerarka.
Si kastaba ha ahaatee, Israa'iil ayaa ku andacoonaysa in milatariga Israa'iil ay ka hortageen gantaalka Sajil oo ay si guul leh u qabteen iyaga oo kaashanaya hubka difaaca.
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in weeraradii habeenki Arbacada ay fuliyeen ay qeyb ka ahaayeen "Howlgalka Ballanqaadka Runta 3".
War-saxaafadeedka ay soo saareen ciidamada Kacaanka ayaa lagu sheegay in howlgalkii 12-aad ee aargoosiga ahaa ee loogu magac-daray howlgalka Ballan-qaadka runta lagu billaabay gantaallada riddada dheer ee labada heer ee Saajiil.
Bayaanka oo qeexaya sifooyinka gantaalkan, ayaa lagu sheegay in Sajil uu yahay mid ka mid ah hubka istaraatiijiyadeed ee ugu xooggan uguna bartilmaameedka saxsan ee Iran, kaasoo awood u leh inuu burburiyo bartilmaameedyada muhiimka ah ee cadowga.
Sawirada gantaalkan Iran ee Sejal-II ayaa sidoo kale ku wareegaya baraha bulshada, doodda ku saabsan gantaalka Sejal ayaa sii xoogeysatay ka dib weerarkii Iran.
Awood intee le'eg ayuu leeyahay gantaalka Saajil?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sajil waa gantaal ballistic ah oo ah kuwa riddada dhexe oo awood u leh inuu garaaco bartilmaameedyada ilaa 2,000 oo kilomitir.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xajmigan, gantaalkani waxa uu beegsan karaa bariga dhexe oo dhan, oo ay ku jiraan Israel, koonfur bari Yurub, iyo qaybo ka mid ah Aasiyada dhexe, oo ay Iran ka tirsan tahay.
Haddii laga soo rido magaalada Natanz ee dalka Iiraan, wuxuu ku gaari karaa magaalada Tel Aviv ee Israa'iil muddo toddobo daqiiqo gudahood ah.
Gantaalka Sajil ayaa dhererkiisu dhan yahay 18 mitir, waxaana uu ku socdaa shidaal adag, taasoo ka dhigeysa inuu ka faa'ideysan karo gantaalada isticmaala noocyada kale ee shidaalka.
Isticmaalka shidaalka adag awgeed, waxa loo diyaarin karaa in si degdeg ah loo shido, waxa uu awood u leeyahay in uu kaydiyo walxaha qarxa, waxana uu noqon karaa mid waxtar badan marka dagaalka lagu jiro.
Gantaalkan waxa uu qaadi karaa madax hub ah oo miisaankiisu dhan yahay 700 kiilo garaam, waxa uu leeyahay awood wax-burburin karta.
Tijaabadii ugu horaysay ee gantaalkan oo lagu guulaysto ayaa la sameeyay sanadkii 2008-dii, waxaanu tijaabadaasi ku maray masaafo dhan 800 oo kilomitir.
Tijaabadii labaad waxay dhacday bishii March 2009, iyada oo tijaabisay tignoolajiyada horumarsan iyo nidaamyada hagidda.
Sida laga soo xigtay Xarunta Cilmi-baarista Maraykanka ee caalamiga ah, "Waxaa jiri kara dhowr nooc oo ah gantaallada Sajil, 2009, Iran waxay tijaabisay gantaal la yiraahdo Sajil 2. Warbixin aan la xaqiijin ayaa sheegaysa in Sajil 3 uu ka sii fiicnaan karo. Sajil 3 waa gantaal saddex marxaladood ah oo ugu badnaan 4,000 kilomitir ah gaari kara.
Iran si cad uma tijaabin gantaalka Sajil tan iyo 2012, laakiin waxa la tijaabiyay intii lagu jiray dhoolatus milatari 2021, ku dhawaad toban sano ka dib.
Barnaamijka gantaalada Iran ayaa sii kordhaya in kasta oo cunaqabatayn lagu soo rogay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida laga soo xigtay machadka nabadda ee fadhigiisu yahay Maraykanka, Iran ayaa leh kaydka ugu weyn uguna kala duwan ee gantaalada ballistic-ga ee bariga dhexe. Waxaa xusid mudan in gantaaladeeda ballistic-ga ay gaari karaan masaafo dhan 2,000 oo kilomitir.
Tignoolajiyada Ballistic-ga ayaa la sameeyay intii lagu jiray dagaalkii labaad ee adduunka, laakiin dalal yar oo adduunka ah ayaa awood u leh inay iyagu dhistaan gantaallada ballistic-ga iyagoo isticmaalaya tignoolajiyadan.
Iran waxay heshay tignoolajiyadan waxayna samaysay gantaalada ballistic-ga ah labaatankii sano ee la soo dhaafay inkasta oo cunaqabatayn caalami ah lagu soo rogay.
Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Khamenei ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in militariga iyo barnaamijyada gantaalada ee ay reer galbeedku ka walaacsan yihiin dhamaantood lagu horumariyay intii ay socotay cunaqabataynta.
Iran ayaa hadda soo saarta in ka badan 50 nooc oo isugu jira gantaalo, ballistic-ga iyo gantaalada cruise-ka, sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee militariga, kuwaas oo qaarkood loo adeegsaday colaado caalami ah sida dagaalkii Ruushka iyo Ukraine.
Iran ayaa ku andacootay in jiilkeeda cusub ee gantaaladu ay yihiin hub xoog badan, kaas oo ah nooca hubka ku socda xawliga shan ilaa shan iyo labaatan jeer xawaaraha dhawaqa.
Iran ayaa markii ugu horeysay soo bandhigtay gantaalka 'Fatax' oo ah gantaal nooca hawada sare loo yaqaan oo ah nooca ballistic-ga.
Gantaalka 'Al-Fatah'ayaa gaari kara masaafo dhan 1,400 kilomitir, IRGC ayaa sheegtay in uu awood u leeyahay in uu ka baxsado oo uu burburiyo dhammaan hababka difaaca gantaallada.













