Gantaalka uu Mareykanka siiyay Ukraine ee loo haysta inuu beddelay jihada dagaalka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Ukraine Volodmyr Zelenesky wuxuu sheegay gantaalaha Himars iney baddelayaan jihada dagaalka ka dhanka ah Ruushka.
Gantaalkan oo uu sameeyey Mareykanka ayaa loo adeegsaday bartilmaameedyo badan uu Ruushka leeyahay oo ay ka mid yihiin xaruumaha taliska ciidammada iyo bakhaarrada hubka.
Sida oo kale waxaa gantaalkaasi loo adeegsaday bartilmaameedyo ay ka mid yihiin buundooyin ay adeegsadaan ciidamada Ruushka oo marin u ah magaalada Kherson uu Ruushka haysto oo ay Ukraine isku dayeyso iney dib u soo ceshato.
Muxuu yahay gantaalka Himar?
Himars M142 waa gantaal uu xambaaro gaari shan tan qaada wuxuuna nidaamka Himars uu si degdeg ah u ridi karaa lix gantaal oo la hagayo.
Gantaalka cusub ee lagu hubeeyey Ukraine ayaa wuxuu awood u leeyahay 80km inuu wax ka duqeeyo, taasoo ka dhigan inuu laba jibbaar uu ka dheereeyo gantaalka howtize uu Mareykanka horay u siiyey Ukraine.
Himar wuxuu sida oo kale uu ridi karaa gantaal socon karo masaafo dhan 300km, inkasta oo Mareykanka uu hubkaasi weli Ukraine siinin.
Masaafada 80km uu gantaalka Himar uu soconaya wuxuu la mid yahay gantaalka Smerch uu Ruushku leeyahay, hase yeeshee wuxuu kaga duwan yahay gantaalkan in lagu hago GPS oo waxaa si fudud loola socon karaa bartilmaameedka looga talagalay ilaa uu ka gaaro.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ukraine sidey u isticmaashay gantaalkan?
Barafasoor Phillips O'Brien oo jaamacadda St Adrews ka tirsan wuxuu sheegay gantaalka Himar waxaa markii ugu horreysay gudaha Ukraine laga isticmaalay dabayaaqadii bishii June oo ay billaabmeysay bisha July.
Waxaana gantaalkaasi markii ugu horreysay lagu beegsaday talisyada ciidamada Ruushka laga amro oo ku yaalla bariga Ukraine.
Ukraine waxay haatan qorsheyneysaa iney gantaalka Himar u isticmaasho dhammaan talisyada, saldhigyada iyo goob kasta oo ay ku sugan yihiin ciidamada Ruushka ee dagaalka ka wado gudaha dalkaasi.
Ukraine waxay ku doodeysaa duqeymo ay u adeegsatay saldhigyada Ruushka oo ku yaalla Lysychansk iney ku dileen in ka badan 200 oo askari oo Ruush ah.
Mareykankana wuxuu sheegay dalka Ukraine inuu gaarsiiyey 16 ka mid ah nidaamka gantaalaha Himars oo ka mid ah heshiiska iskaashiga amni oo ay Kyiv la gashay oo ay ku kaceyso $9 balyan oo doolar.
“Gantaalka Himar wuxuu gacan ka geystay inuu jaro dhammaan waddooyinkii saanadaha militari lagu soo gaarsiinayey ciidamada Ruushka,” ayuu yiri Barafasoor O’Brien.
Halka Dr Marina Miron oo ah khabiir dhinaca dagaallada oo ka tirsan Kings College London ay aaminsan tahay waxtarka iyo waxyeellada gantaalka Himars uu leeyahay in la buunbuuniyey.
“Himar waa gantaal ku habboon in loo isticmaalo bartilmaameedyada la hubo, halka aan loo isticmaali karin gaadiidka iyo wax kasta oo dhaqdhaqaaqa sameeya,” ayey tiri Marina.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidu Ruushka u dagaallamayaa?
Ruushka wuxuu diiradda saarayey sidii uu u burburin lahaa nidaamka gantaalaha Himars laga soo rido tani iyo markii gantaalahaasi la gaarsiiyey jiidaha hore ee dagaalka.
Waxayna ciidamada Ruushka marar badan sheegeen iney burburiyeen in ka badan 100 ka mid ah nidaamka gantaalaha inkasta oo la haynin wax caddeynayo sheegashada Moscow.
Ruushka inuu si fudud u burburiyo gantaalka Himars waxaa ku adkeynaya gantaalka oo ah mid dhaqdhaqaaqo oo aan hawada laga arki karin diyaaradaha Ruushkana ay si fudud u bartilmaameedsan karin.












