Guulaha uu horseeday hubka casriga ah ee Reer Galbeedku ay ku taageeraan Ukraine

Hubka Caesar ee lagu farsameeyay Faransiiska

Ciidamada ku sugan furinta dagaalka ee bariga Ukraine ayaa sheegay in hub casri ah oo dalalka Galbeedka lagu sameeyay ay xagal daaciyeen duqeymihii ba'naa ee Ruushka. Balse tani ma waqti kooban baa, mise waxay calaamad u tahay isbeddel ku yimid dagaalka?

Qiiq ayaa is qabsaday cirka buluugga ee nadiifka ah ee ku yaalla meel waqooyi ka xigta Bakhmut, oo ah magaalo beereed ku dhow inay saxare noqoto, taas oo muddo toddobaadyo ah ay ku socdeen duqeymaha Ruushka.

"Tani nolol iima aha. Meelna ammaan ma aha. Waxaan runtii jeclaan lahaa inaan iska dhinto," ayay tiri Anna Ivanova, oo 86 jir ah, iyadoo hoos u foorarta oo ul ku tukubeysa, isla markaana dooneysa inay cawska ka xaaqdo beerteeda, iyadoo labo diyaaradood oo Ukraine ay leedahay ay jawi hoose ku heehaabayaan hawada.

Qof walba oo gaari ku kaxeynaya meel u dhow furinta dagaalka ee gobolka bariga Ukraine ku yaalla ee Donbas - laga soo billaabo magaalada digada laga dhigay ee Slovyansk ee waqooyiga, ilaa xaafadaha beeraha ee cidna aysan deggeneyn ee ku yaalla meel u dhow Donetsk oo koofurta ah- waxay u muuqdaan sida in duqeymaha Ruushka ee aan loo meel dayin aysan weligood joogsan doonin.

Balse geesta beer uu qamadigu ka baxo oo ku taalla bannaanka Donetsk, taliyaha guutada madaafiicda ee Ukraine oo codsaday in keliya loogu yeero magaciisa hore, Dmitro, wuxuu ahaa mid dafirsan arrintaas. "Duqeymuhu ma aha kuwo aalaaba dhaca. Xaddiga duqeymaha madaafiicda [ee ciidamada Ruushka ka imaanaya] kala bar way yaraadeen. Laga yaabee xitaa ka badan, laga yaabee inay labo meelood meel yaraadeen," ayuu yiri, isagoo ku tiirsanaya gaari weyn oo cagaaran oo meel ka dambeysa yaallay.

Gaariga - oo ah kuwa aan la wadin ee madaafiicda gana kuna wajahan koofurta deegaan uu Ruushku heysto- waa mid lagu sameeyay gudaha Faransiiska, waana mid ka mid ah hubka ugu badan ee casriga ah ee ka imaanaya Galbeedka, kuwaas oo lagu arki karo gudaha Donbas.

Dmitro, iyo kuwo kale oo badan oo halkan jooga, waxay aaminsan yihiin inay gacan ka geysanayaan iska caabbinta Ruushka.

Kaddib qarax uu dhawaqiisu xoog badnaa, gaariga ayaa saddexdii gantaal ee ugu horreysay ku ganay waxa uu Dmitro ku sheegay inay ahaayeen guuto lugeyneysa oo Ruush ah iyo dhowr madfac oo kale, halkaas oo fogaan ahaan jirta 27km (16 meyl).

"Hadda in badan waan saxannahay. Waxaana beegsan karnaa meelo aad uga sii fog," ayuu yiri isagoo dhoolla-caddeynaya. Daqiiqad gudaheed, kooxda madaafiicda ayaa ganay labo gantaal oo kale, gaariga ayaana sii dhaqaaqayay, si xowli ah, kahor inta aysan kooxda madaafiicda Ruushka fursad u helin inay baadi-goobaan halka uu ku sugnaa ayna dib gantaal ugu weeraraan.

Toddobaadyadii la soo dhaafay dadka rayidka ah ee Ukrain iyo ciidamada ayaa si farxad ay ku dheehan tahay u daawanayay muuqaallada diyaaradaha aan duuliyuhu wadin iyo muuqaallo kale oo la soo geliyay internet-ka oo muujinayay dhowr qarax oo is-xigxiga oo lala beegsaday dhulka uu Ruushku heysto.

Yuri Bereza
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa aad loo werinayay in kuwani ay yihiin bakhaarro waaweyn oo rasaas ay ku jirto, oo lagu keydiyay meel fog oo ka dambeysa furimaha dagaalka, balse hadda la keenay meel u dhow hubka dhowaan ka yimid Galbeedka, oo ay ka mid yihiin kuwa Mareykanka lagu sameeyo ee Himar iyo kuwa Poland ka yimid ee Krab howitzer loo yaqaanno.

"Dhegeyso aamusnaantaas,"ayuu yiri Yuri Bereza, oo ah 52 jir gar leh oo horkacaya guuto mutadawiciin ah oo u xil saaran difaaca Slovyansk. Mar subax aan booqasho hal saac ah ku joognay meel bariga magaalada ah, xitaa hal qarax lama maqlin.

"Taasi waa sababta hubka aad na siiseen - sababo la xiriira sax ahaanshihiisa," ayuu yiri Bereza."Markii hore, Ruushka hub naga badan ayuu heystay."

Balse Bereza, sida Dmitro, wuxuu carrabka ku adkeeyay in Ukraine ay u baahneyd hub badan oo kuwa Galbeedka lagu sameeyay ah si ay si fiican isaga caabbiyaan Ruushka.

"Nagama reyn karaan, annaguna halkan ugama reyn karno. Waxaan u baahannahay qalab badan, gaar ahaan difaaca xabbadaha, taangiyaal, hubka cirka. Kuwaas la'aantood dad badan baa dhiman doona. Taasi waa sababta uu Ruushku caanka ugu yahay bilaabidda dagaalka. Nafo badan ayay gooyaan," ayuu yiri Bereza.

"Qiyaas ahaan, waxaan rabi lahayn kuwo saddex jeer ka badan [hubka Galbeedka] ee ay haatan inoo soo direen si degdeg ah,"ayuu yiri Dmitro.

Balse hub la'aan ma aha waxa keliya ee carqaladeynaya sida ay Ukraine uga go'an tahay xoreynta dhulka laga qabsaday. Inkastoo ay yaraadeen duqeymaha Ruushka, ciidamada Kremlin ayaa weli ku sii siqaya meel u dhow magaalada istaraatiijiga ah ee Bakhmut, taas oo walaac ku abuurtay ciidamada Ukraine oo ka cabanaya ciidan-yaraan iyo tababar-la'aan.

"Sir fudud ayaan idiin sheegayaa," ayuu ku qeyliyay nin ku jiifa gaari weyn oo wasakh leh isagoo qorigiisa hagaajisanaya, ayna ku hareereysan yihiin afartan ciidamo Ukraine ah.

"Lugtiinna sidan oo kale kor ugu qaada," ayuu yiri ninka, oo ah sarkaal hore oo Britain u dhashay, qeybna ka ah koox gaar ah oo caawineysa kuwa Ukraine ee dhowaan loo keenay inay xoojiyaan ciidamada jooga furinta dagaalka.

Kuwa Ukraine waxay dhammaantood ahaayeen mutadawaciin, keliya heystay labo bil oo tababar aasaasi ah. Taliyeyaashooda ayaa heshiis aan rasmi ahayn la gaaray tabarayeyaasha Galbeedka, inay bixiyaan koorso shan maalin ah.

"Dabcan, waa cabsi. Hore dagaal uma arkin," ayuu yiri taliyaha guutada ee 22 jirka ah, isla markaana ah qareen, codsaday inaan magaciisa la sheegin.

"Waxaa walaac leh in xaqiiqda ah in raggan… aysan lahayn xirfadaha aasaasiga ah ee ciidannimada ee Galbeedka," ayuu yiri tababare kale, oo lagu magacaabo Rob, oo hore uga tirsanaa ciidamada badda ee Mareykanka.

Ciidan madaxbannaan oo qeyb ka ah dagaalka Ukraine

Haatan, dowladaha Galbeedka ayaa diiday inay Ukraine u soo diraan saraakiil, amaba qandaraasleyaal si ay gacan uga geystaan shaqaaleystiinta militariga iyo dadaallada tababarka. Ururro kooban oo madaxbannaan ayaa halkan ka howlgala.

"Waa dhibic ku dhacday badda. Balse isbeddel ayay sameyneysaa, mid yar," ayuu yiri Andy Milburn, oo ah korneel ka tirsanaa ciidamada badda Mareykanka oo hadda howlgab ah, isagoo korjoogteynayay tababar socday.

Wuxuu sheegay in kooxdiisa Mozart aysan "wax caawinaad ah" ka helin dowladda Mareykanka, balse wuxuu Galbeedka ku eedeeyay in aysan dooneyn inay si toos ah ugu lug yeeshaan.

"Waa wax lala yaabo. Balse raggan waxay dad badan u waayeen iyagoo aan heysan [tababareyaal ku filan oo Ukraine u dhashay]," ayuu yiri. "Galbeedku waxay u baahan yihiin inay taas hadda qorsheeyaan."