Kaalinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dagaalka Ukraine

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kumannaan diyaaradaha aanu duuliyaha saarneyn ah ayaa loo adeegsanayaa dagaalka Ukraine - si loo ogaado goobaha cadowga, si loo rido gantaallo ama rasaasta tooska ah.
Labada dhinacba si aad ah ayay u adeegsadaan diyaaradaha noocaas ah ee ay milaterigu isticmaalaan, si weynna waa loo iibsanayaa.
Noocyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay haystaan Ukraine iyo Ruushka
Diyaarada aan duuliyaha lahayn ee laga leeyahay dalka Ukraine ayaa lagu farsameeyay dalka Turkiga. Waa nooc lagu magacaabo Bayraktar TB2. Waxa ay la eg tahay cabbirka diyaarad yar, waxaa ku xiran kaamirooyin, waxaana lagu hubayn karaa bambooyinka laysarka lagu hago.
Ukraine waxay dagaalka ku billowday "in ka yar 50" oo diyaaradahaas ah, sida uu sheegay Dr Jack Watling oo ka tirsan machadka Royal United Services Institute (Rusi).
Ruushka inta badan wuxuu adeegsadaa Orlan-10 oo ah "nooc yar, oo aasaasiga", sida uu sheegay dhaqtarka. "Ruushka wuxuu dagaalka ku billaabay kumannaan diyaaradahaas ah, waxaana laga yaabaa in dhowr boqol ay ka hareen." Diyaaradahan waxaa sidoo kale ku xiran kaamirooyin, waxaana ay ridi karaan gantaallo.

Sidee loo adeegsadaa noocyada aan milateriga ahayn ee diyaaradaha aanu duuliyaha saarneyn?
Qiimaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee militarigu aad ayuu u sarreeyaa, dhaqaale badan ayaana ku kacaya in la beddelo – qiimaha hal Bayraktar TB2 waa $2m (£1.7m).
Sidaas daraaddeed, labada dhinac - gaar ahaan Ukraine - waxay u jeesteen noocyo yaryar oo kuwa ganacsiyada ah, sida DJI Mavic 3, oo ku kacaya ilaa £1,700.
Mid ka mid ah shirkadaha soo saara diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ayaa ku qiyaastay in ciidamada waddanku ay haystaan 6,000 oo diyaaradaha duuliye-la’aanta ah, laakiin taasi macquul ma aha in la xaqiijiyo.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ganacsiga ayaa lagu rakibi karaa bambooyin yaryar.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa inta badan loo adeegsadaa in lagu ogaado goobaha ciidamada cadowga iyo in lagu hago weerarrada tooska ah.
"Ukraine ma haysato rasaas badan sida Ruushka," ayay tiri Dr Miron. "In aad hawada kala socon karto si loo ogaado bartilmaameedyada iyo rasaasta tooska ah waxay la macno tahay inay si wanaagsan uga faa'iidaysan karaan waxay haystaan."

Xigashada Sawirka, EPA
Si kastaba ha ahaatee, diyaaradaha duuliye-la’aanta ah ee ganacsiga aad ayay uga awood yar yihiin noocyada milatariga.
Baaxadda ay gaari karto DJI Mavic waa 30km oo kaliya, waxayna duuli kartaa 46 daqiiqo oo kaliya.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qiimo ahaan ka jaban iyo kuwa yaryar ayaa duula xitaa waqti ka yar intaas, waxayna daboolaan masaafo gaaban.
Waa sidee waxtarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee militariga?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Diyaaradaha aanu duuliyaha la socon ee labada dhinac ayaa ahaa kuwa ugu waxtarka badan marka loo adeegsado ogaanshaha bartilmaameedyada cadowga, laguna hago madaafiicda lala beegsanayo.
"Ciidamada Ruushku waxay hubkooda u soo qaadan karaan cadowga saddex ilaa shan daqiiqo gudahood marka diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Orlan-10 ay aragto bartilmaameed," ayuu yiri Dr Watling. Wuxuu intaa ku daray in la'aantood, uu weerarku qaadan kari lahaa 20 ilaa 30 daqiiqo in la fuliyo.
Dr Martina Miron, oo ah cilmi-baare ku takhasusay daraasaadka difaaca ee King's College ee magaalada London ayaa sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay u oggolaadeen Ukraine in ay fidiso ciidamadeeda xaddidan.
"Waqtiyadii hore haddii aad dooneyso in aad raadsato ama aad wax ka ogaato goobaha uu cadowgu ku sugan yahay, waxa aad u diri lahayd cutubyo ciidan oo gaar ah, waxaana laga yaabaa in aad sidaas ku waydo ciidamada qaar," ayay tiri. "Hadda, waxa kaliya ee aad halis gelinayso waa diyaarad aan duuliye lahayn."

Dhowrkii toddobaad ee ugu horreeyay dagaalka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar ee Ukraine ayaa si weyn loo ammaanay.
"Waxay sahleen in la arko bartilmaameedyo ay ku jiraan goobaha rasaasta, waxayna qayb ka qaateen quusinta markabka dagaalka ee Moskva," ayay tiri Dr Miron.
Si kastaba ha ahaatee, diyaarado badan oo Bayraktars ah ayaa waxaa burburiyay nidaamka difaaca hawada ee Ruushka.
"Way waaweyn yihiin, si tartiib ah ayay u socdaan, waxayna ku duulayaan joog dhexdhexaad ah, taasina waxay u fududaynaysaa inay ridaan," ayuu yiri Dr Watling.














