Ruushka oo isaga baxay Jasiirad ku taalla Ukraine

Xigashada Sawirka, Reuters
Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay kala baxday jasiiradda Snake oo ahayd mid aad diiradda loo saarayay maalmihii ugu horreeyay ee dagaalka uu ku qaaday Ukraine. Waxaa xilliyadaas la dhegeystay codad laga duubay koox yar oo ka tirsan ciidanka Ukraine oo jasiiradda difaacayay, kuwaas oo markab dagaal oo uu Ruuskha leeyahay oo cod baahiyaha ku baahinayey farriin ah “Bax oo cadaabta gal.”
“Si niyad wanaag ah, ciidamada Ruushka waxay maanta soo gabagabeeyeen howlgalkii ay ka hayeen Jasiiradda Snake, waxayna kala baxeen askartii halkaas ku sugneaa,” ayay tiri wasaaradda.
Ukraine ayaa sidoo kale xaqiijisay in ciidamada Ruushka ay isaga baxeen Jasiirada Snake, oo ah goob istiraatiiji ah oo ku taalla Badda Madow.
Andriy Yermak oo madax ka ah xafiiska madaxweyne Zelensky ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray: " Ma jiraan ciidamo Ruush ah oo jooga Jasiiradda Snake. Ciidankeenna qalabka-sida waxay qabteen shaqo aad u wanaagsan.” ayuu ku soo qoray.
Muhiimadda Jasiiradda
Tan iyo billowgii duulaanka Ruushka ee Ukraine, Jasiiradda Snake waxaa loola macaamilay inay xaaladdeedu gaar tahay ama muhiim – wax ku dhow xaalad dagaal oo khiyaali ah.
Waa meel aan sidaas mudnaan u sii lahayn, oo u eg dhagax weyn oo ka soo dhex baxay Badda Madow. Waxaa horay u qabsaday Ruushka. Hadda Ukraine ayaa dib u soo ceshatay maamulkeeda.
Jasiiradda Snake ama Zmiinyi waa qayb yar oo ka mid ah kiiloomitir labo jibbaaran, magaca kama dhigna inay meesha joogaan masas ama laga hadlo, balse masiirkeeda ayaa qayb weyn ka ah dagaalka.
"Haddii ciidamada Ruushku ay ku guulaystaan inay qabsadaan jasiiradda Snake oo ay dejiyaan nidaamkooda fog ee difaaca hawada, waxay maamuli doonaan badda, dhulka iyo hawada qaybta waqooyi-galbeed ee Badda Madow iyo koonfurta Ukraine," ayuu yiri khabiir militari oo Ukraine u dhashay, laguna magacaabo Oleh Zhdanov, kaas oo BBC-da la hadlay bishii May.
Taariikh ahaan, Jasiiradda Snake waxay ahayd dhul uu leeyahay dalka Roomaaniya ilaa sanadkii 1948-kii ilaa xilligii Midowga Soofiyeeti oo u adeegsan jiray saldhig (radar) lagala socdo diyaaradaha ku jira hawada.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhoofka cuntada
Wasaaradda Difaaca ee Ruushka waxay sheegtay in tallaabadani ay u muujinayso bulshada caalamka "Federaalka Ruushku in uusan carqaladaynayn dadaalka Qaramada Midoobay ee lagu abaabulayo marin bini'aadannimo oo lagu daabbulo wax-soo-saarka beeraha ee Ukraine".
Waxay sheegtay in go'aanka uu la macno noqon doono in Ukraine aysan mar dambe soo jeedin karin in dhibaato kasta oo cunto iyo awood la'aanta in la dhoofiyo hadhuudh ay sabab u tahay gacan-ku-haynta guud ee Ruushka ee qaybta waqooyi-galbeed ee Badda Madow.
"Hadda waxay ku xiran tahay dhinaca Ukraine oo aan weli nadiifin xeebta Badda Madow, oo ay ku jiraan biyaha dekedda," ayay wasaaraddu tiri.
Jasiiradda waxay wax ka yar 40km u jirtaa xeebaha Ukraine, waxaana si weyn loogu loollamayay tan iyo markii uu billowday duulaanka Ruushka.
Maalintii ugu horreysay, difaacayaasha jasiiraddu waxay noqdeen geesiyaal qaran oo u dagaallamaya jasiiradda yar ee cawska ah, iyagoo si joogta ah u ridayay gantaallada.
Inkastoo khasaare uu jiro, haddana waxay u muuqatay in Ruushku uu xoojiyay qabashadiisa jasiiradda; Madaafiic, gantaallo iyo ciiddan ayuu u daabbulay si ay aaggaa u sii haystaan.
Jasiiraddan ayaa had iyo jeer ahayd meel ay adag tahay in Ruushka uu sii haysto sida uu sheegay Justin Bronk oo ka socda Mac-hadka Difaaca ee Royal United Services Institute.
Wuxuu xusay in Ukraine ay wadday weerarro farsamo oo cusub oo uu u adeegsanayo diyaarado dheereeya, kuwaas oo si guul leh u burburiyay qalabka Ruushka ee jasiiradda.
Dhanka kale, wuxuu tilmaamay in Ruushka lagu qasbay inuu si joogto ah u soo raro qalab cusub, kaas oo waddada loo galayay.













