Ayatollah Cali Khamenei: Hoggaamiyihii awoodda badnaa ee sida adag u maamulayay Iiraan

Iiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Ayatollah Ali Khamenei, oo 86-sano jir ahaa, ahaana hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Iran, ayaa la dilay maalintii ugu horreysay ee duqeymaha ba'an ee diyaaradaha Mareykanka iyo Israa;iil ay ku bartilmaameedsanayaan Iran.

Wuxuu joogay xafiis awood leh - hoggaamiyaha ugu sarreeya wuxuuna ahaa madaxa qaranka iyo taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, oo ay ku jiraan Ilaalada Kacaanka ee sare.

Iran waxa ay lahayd labo hoggaamiye oo kaliya tan iyo 1979kii Kacaankii Islaamiga ahaa. Sannadkii 1989-kii, Khamenei waxa uu beddelay Aayatullah Ruhollah Khomeini, geeridiisii ​​kaddib, isaga oo 86 jir ah.

Dhalinyarada Iiraaniyiinta ah weligood nolol kuma soo marin isaga oo aan xilka heyn.

Iiraan

Xigashada Sawirka, khamenei.ir

Qoraalka sawirka, Guushii Khatami ee doorashooyinkii 1997

Ayatollah Khamenei wuxuu lahaa go'aanka ugu dambeeya ee wax kasta oo ka dhaca Iran, isaga oo ahaa shakhsiga ugu awoodda badan dalka, isla markaana isu arkayay wakiilka Ilaah ee dhulka. Wuxuu xukunka qabtay sanadkii 1989 kadib geeridii Ayatollah Khomeini, kaas oo aasaasay Jamhuuriyadda Islaamiga ah toban sano ka hor, isla markaana noqday hoggaamiye siyaasadeed iyo mid diimeed. Waxaa la sheegay in Ali Khamenei uu u doortay inuu beddelo isaga, wuxuuna sii waday dagaalkii reer Galbeedka.

Wuxuu ku soo koray magaalada barakeysan ee Mashhad, wuxuuna noqday wadaad isagoo da' yar, balse ma ahayn mid caan ama saamayn weyn leh. Markii uu noqday hoggaamiyaha ugu sarreeya, wuxuu u baahday inuu dhisto saldhiggiisa awoodda. Wuxuu sidaas ku sameeyay isagoo la midoobay ciidanka adag ee militariga Iran, Ilaalada Kacaanka.

Sanadkii 1997, markii wadaad dhexdhexaad ah, Mohammed Khatami, loo doortay madaxweyne, Ayatollah Khamenei wuxuu ka hor yimid isku daygiisii dib-u-habaynta nidaamka. Isaga ayaa go'aaminayay masiirka dalka, ma ahayn madaxweynaha.

Iiraan

Xigashada Sawirka, Mahsa Amini family

Qoraalka sawirka, Mahsa Amini,oo kasoo jeedday magaalada waqooyi-galbeed ku taalla ee Saqez, ayaa ku geeriyootay isbitaal kadib markii saddex maalmood ay koomo ku jirtay

Sanadkii 2009 waxaa ka hortimid caqabaddii ugu horreysay ee weyn ee xukunkiisa, mudaaharaadyo ballaaran oo ka dhashay doorasho madaxweyne oo dad badan oo Iiraaniyiin ah ay u arkeen in nidaamku ku shubtay doorashadana uuna rabay musharrax muxaafid ah. Nidaamku wuxuu kaga jawaabay muquunin, isagoo soo afjaraymudaharaadyadii, taasoo keentay walaac caalami ah.

Kadib waxaa timid khatar ka sii weyn oo ku wajahan Jamhuuriyadda Islaamiga ah, kacdoon ay hoggaaminayeen haween ka soo horjeeday mid ka mid ah tiirarka nidaamka, xijaabka khasabka ah.

Waxaa kiciyay dhimashada haweeney dhalinyaro ah oo ku jirtay xabsi laguna magacaabi jiray Mahsa Amini, mar kale jawaabtu waxay noqotay cadaadis iyo xoog adeegsasho arxan darro ah. Ayatollah Khamenei wuxuu mar walba qalalaasaha ku eedeyn jiray quwadaha dibadda, cadawga soo jireenka ah ee Iran, Mareykanka iyo dabcan Israa'iil.

Iiraan

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dibadbaxyadii waaweynaa ee ka dhashay doorashadii madaxtinnimo ee 2009

Laakiin sumcaddiisu waxay sii ahaaneysay mid sii xumaaneysa. Mudaharaadyo dhaqaale oo billowday Diseembar 2025 ayaa si degdeg ah isugu beddelay caro qaran oo ka dhan ah tobanaan sano oo cadaadis ah oo uu hoggaaminayay isaga. Dadku waxay ku dhawaaqayeen "Geeri haku timaaddo kaligii-taliyaha," iyagoo ula jeeda Ayatollah Khamenei.

Kumannaan qof oo lagu dilay kacdoonnada ayaa sii kordhiyay nacaybka loo qabay.

Mid ka mid ah siyaasadaha aadka loo neceb yahay ee xukunkiisa waxay ahayd taageeridda Iran ee shabakad xoogag wakiillo ah, kuwa ugu muhiimsan oo ay ka mid yihiin Hezbollah ee Lubnaan, kuwaas oo loogu talagalay inay ka hortag u noqdaan weerar kasta oo Israa'iil ka yimaada.

Iiraan

Xigashada Sawirka, EPA

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dunida dibaddeeda, barnaamijka nukliyeerka ee Iran wuxuu ahaa welwel joogto ah oo sababay xiisado is daba joog ah. Sanadkii 2015, Ayatollah Khamenei wuxuu oggolaaday heshiis xaddidaya hawlaha nukliyeerka ee nidaamka, beddelkeedana cunaqabataynta laga qaado. Sanadihii ka dambeeyay saxiixa heshiiska, gardarrada Iran ayaa korortay.

Markii dambe, Donald Trump ayaa ka baxay heshiiska sanadkii 2018 muddo-xileedkiisii ugu horreeyay. Sannadkii xigay, Iran waxay kordhisay soo saarista uranium la kobciyay ilaa heer ku dhow mid hub ahaan loo isticmaali karo. Mar walba waxay ku doodayeen in barnaamijku yahay mid rayid ah, ma ahan mid loogu talagalay bam nukliyeer ah. Laakiin Israa'iil iyo Mareykanku ma aysan rumaysan, waxayna duqeeyeen goobo muhiim ah oo nukliyeer ah bishii Juun ee la soo dhaafay.

Ayatollah Ali Khamenei wuxuu ahaa nin fikrad adag leh oo diiday inuu u jilco cadaadiska kaga imaanaya dibadda iyo gudaha dalka. Ilaa dhammaadka, wuxuu ahaa difaac adag oo Jamhuuriyadda Islaamiga ah, taasoo wax weyn u dhintay dad badan oo Iiraaniyiin ah, kuwaas oo uu sii kordhayay rabitaankooda xorriyad ka madaxbannaan xukunkiisa.