Maxay tahay sababta liiska argagixisada loogu daray saraakiisha iyo ciidanka Laftagareen?

Xigashada Sawirka, Facebook
Shir aan caadi ahayn oo ay Isniintii yeesheen golaha wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga soo saaray go'aan liiska argagixisada ku daraya ciidanka Cabdicasiis Laftagareen ee fadhiya duleedka magaalada Baydhabo.
Ciidankan oo ay hoggaaminayaan wasiirro iyo saraakiil horey uga tirsanaa maamulkii Laftagareen, ayaa dhawr jeer oo hore weerarro dad badani ku dhinteen ku qaaday magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed.
Go'aankan ayuu sheegay afhayeenka maamulka KGS in loo cuskaday caddeymo uu sheegay in loo helay inuu xiriir ka dhaxeeyo ciidanka Laftagreen iyo ururka al-Shabaab.
Afhayeenka cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Sheekh Cabdullaahi Xaayow, oo ka hadlay go'aanka liiska argagixisada loogu daray ciidanka Laftagareen ayaa sheegay in "shir deg deg ah oo ay iskugu yimaadeyn golaha wasiirrada KGS, oo uu shir guddoominayey madaxweynaha KGS, waxaa aad iyo aad loogu fallanqeeyey arrimahaas, si guud waxaa la iskugu raacay , qoladaasu kamid yihiin, ay la shaqeeyaan, ay ku dhex noolyiihin Alshabaab".

Xigashada Sawirka, Telefishinka Koofur Galbeed
Qodobbada loo sababeeyey in lagu daro liiska AS
Maxamed Sheekh Cabdillaahi ayaa tilmaamay in qodobbo dhowr ah loo cuksaday, go'aanka ay gaareyn golaha wasiiradda, waxa uu tusaale usoo qaatay in ay adag tahay in AS lagu dhex noolaado, iyada oo dowlad la yahay, isaga ka jawaabayey su'aal ahayd, muxuu ahaa saldhigga go'aanka ayuu yiri Afhayeenka
"waxaa lagu saleeyey, dhaqanka AS maaha mid ogol isdhex-gel, meesha ay joogaan waxaa jooga dhul uu Alshabaab haysto, marka sidee ku joogaan? balse waxa ay ku joogaan halkaa is-af-garad, isfahan, haddii aysan AS raali ahay daqiiqad lama joogi karo daliilka koowaad waa kaas".
Waxa uu intaas ku daray Afhayeenka, isaga oo soo hadal qaaday weeraradii 17 Agoosto ka dhacay Baydhabo in ay ku jireen qaraxyo uu sheegay in ay tahay astaan kale oo lagu garan karo in Al Shabaab qeyb ka ahaayeen dagaalkaasi, "Weerarradii dhacay waxaa ku jiray qaraxyo, astaamooyin badan, qaraxyo ayaa ku jiray, sida aan naqaanno Soomaaliya gudaheeda wax qarax sameyn, ismiidaamin sameyn kara, ama gaari haku qarxo ama naftiisa haku xiro oo an AS ahay ma jiro," ayuu yiri.
Illaa toddobo qarax oo shaqsiyaad ismiidaamiyey ayuu sheegay afhayeenku in ay dagaalkaas ay dhacayn, inkasta oo BBC-du aysan si madax bannaan u xaqiijin karin arriintaas.
Arrinta kale, oo ay golaha wasiirradu caddeyn ahaan u heleyn ayuu ku sheegay Afhayeenka cusub ee KGS Maxamed Sheekh Cabdullaahi in jireyn "dad la yaqaanno oo reer Bakool ah oo awalba lagu ogaa in AS ka tirsanayeen, kuwaas oo meydkooda Baydhabo la keenay bulshadana ay wada arkeyn", sida uu yiri.
Maxay ka yiraahdeyn Ciidanka Laftagareen?

Xigashada Sawirka, Xassan Cabdi Maxamed
Dhanka kale, waxaan khadka taleefanka kula hadlnay wasiirkii hore ee amniga ee Koonfur Galbeed Xasan Cabdiqaadir oo ku sugan miyiga magaalada Baydhabo kana mid ah saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka Laftagareen, waxa uuna sheegay in aysan waxba ka jirin in ay AS la socdeen dagaalka ay galeyn, waxa uuna dhankiisa tibaaxay in liiska iyagu hore ugu dareyn "Hebel shabaab uu noqday haddii AS lagu noqonaayo mar horaa AS la noqon lahaa, innaga lafteena liiska arga-gaxisada ayaan ku darnay, dadka meeshaas jooga oo hadda Baydhabo xoogga ku qabsaday", ayuu yiri wasiirkii hore ee amniga ee Koonfur Galbeed Xasan Cabdiqaadir.
Qodobbada loo cuskaday ayuu sheegay Xasan Cabdiqaadir in ay tahay been abuur, balse ay jiraan maxaabiis laga qabsaday oo ay ku jiraan xabsiga magaalada Baydhabo. Mar uu arrintaas ka hadlaayey ayuu yiri "runtii qofkasta dagaal ku jira oo dad kasoo horjeedaan ay jiraan, runtii wax kasta oo uu kusoo bandhigi karo waa uu sameyn lahaa, waxaa nagala qabtay dad maxbuus ah oo xabsiga ku jira, haddii Shabaab la leeyahay maa laga soo dhex bixiyo".
Waxa uu diiday in ay gawaari laga qabsaday, kuwaas oo maamulka KGS ay sheegeyn in ay ahaayen kuwii ay weerarka kusoo qaadeyn, qeybtoodna ay qaraxeyn.

Xigashada Sawirka, LAFTAGAREEN/FACEBOOK
Weerarkii ugu dambeeyey ee Baydhabo ka dhacay
Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay dagaal culus oo ka dhacay hareerraha iyo gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, bartamihii bishii Agoosto, sida ay BBC-da u sheegeen illo wareedyo ku sugan gobolka.
Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa sheegtay, in dagaalamayaal ka tirsan al-Shabaab iyo mileeshiyo daacad u ah hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ay weerarreen, xeryo ciidan oo ku yaala magaalada Baydhabo, balse weerarradaasi lagu jabiyay.
Dhanka dowlad goboleedka KGS, waxay xaqiijiyeen in uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, halka dhanka ciidamadii soo weeraray magaalada ay sheegeen in wali aysan xog rasmi ah ka helin khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse filashadoodu ay tahay in dhaawac iyo dhimasho labaduba suuragal yihiin.
Maamulkii uu hogaaminayey Cabdicasiis Laftgareen ayaa magaalada looga saarat dagaal dhex maray ciidan ay hogaaminayeen siyaasiyiin kasoo hor jeeday xukunkiisa oo garab ka haleyey ciidamada dowladda FS iyo ciidanka isaga taabacsanaa.
Dhanka kale, Sheekh Adan Maxamed Nuur oo ku magac dheer Adan Madoobe ayaa horraantii bishii Juun 2026, baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur galbeed u doorteen xilka hugaamiyaha ee dowlad goboleedka sida uu ku dhawaaqay guddoonka baarlmaanka ee dowlad goboleedka.
Sida uu ku dhawaaqay guddoomiyuhu, cod qarsoodi ah oo ay dhiibteen xubnaha baarlamaanka ayuu Aadan helay 88 cod, kaa oo uu ku noqday hugaamiyaha cusub ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed.











