Maxaa ka jira in shilal badeed oo ka dhacayn Marin-biyoodka Hormuz iyo Badda Cumaan?

Xigashada Sawirka, Reuters
Iyadoo wararka laga helayo ilo wareedyo Iiraan ah ay sheegayaan in markab shidaal oo laga leeyahay Sacuudiga lagu hakiyay marinka koonfureed ee Marin-biyoodka Hormuz, hadana Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa beeniyay sheegashada Ilaalada Kacaanka Iraan.
Dhanka kale, Xarunta Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada UK (UKMTO) ayaa Isniintii, sheegtay inay heshay warbixin sheegeysa in shil dhex maray markab shidaal iyo ciidamo milatari oo ka dhacday Badweynta Hindiya. Hase yeeshee, waxay sheegtay in dhacdadu dhacday Axaddii, 30-ka Agoosto.
Sida lagu sheegay digniinta lambarkeedu yahay 123-26 ee hay’adda la socota ganacsiga badda, dhacdadu waxay dhacday 30-ka Agoosto 2026, saacaddu markay ahayd 16:24 waqtiga caalamiga ah ee UTC.
Hay’adda Ganacsiga Badda ee Britain, iyadoo aan faahfaahin ka bixin magaca ama aqoonsiga markabka shidaalka iyo ciidamada milatari ee ku lugta lahaa dhacdada, ayaa sheegtay in mas’uuliyiintu ay ka war hayaan dhacdada, baaritaankuna uu weli socdo.
Wararkan ayaa soo baxaya xilli maalmihii u dambeeyay la soo sheegay dhowr dhacdo oo kale oo ku lug leh maraakiib shidaal oo ka dhacay Marin-biyoodka Hormuz, iyadoo heerka digniinta iyo khatarta maraakiibta ganacsiga ee gobolka uu weli yahay mid sare.
Sidoo kale akhri:



















