Maxaa ka haray nukliyeerka Iran, weli khatar ma yahay?

Xigashada Sawirka, Anadolu Agency
Israel iyo Mareykanka ayaa sabtigii ku qaaday Iran weerar ay Israel ku tilmaantay "ka hortag". Weerarka ayaa dhacay kaddib wadahadalo ay Cumaan dhexdhexaadineysay oo kii ugu dambeeyay khamiistii lagu qabtay Geneva
Mareykanku wuxuu diyaaradihiisa iyo maraakiibtiisa dagaal keenay Bariga Dhexe si uu Iran u weeraro haddii Tehran aysan ku heshiin arrimaha la xiriira barnaamijkeeda Nukliyeerka.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 19-kii Feberaayo ku hanjabay "In waxyaabo xun dhici doonaan" haddii aan la gaarin "heshiis macno leh", isagoo ku celceliyay mowqifkiisa ah in Iraniyiintu "ayaan haysan karin hub Nukliyeer,... nabadi kma jireyso Bariga Dhexe haddii ay Iran haysto hub Nukliyeer."
Iran way beenisay in ay dooneyso in ay haysato hubka Nukliyeerka balse dalal badan iyo Hay'ada Atoomikada adduunka ee IAEA taasi ma aaminsana.
Waa sidee xaaladda barnaamijka Nukliyeerka ee Iran?
Xaaladda barnaamijka Nukliyeerka Iran ayaan wali la ogaan, tan iyo markii la beegsaday goobihii muhiimka ahaa ee Nukliyeerka intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood ee Israel iyo Iran.
Mareykanku wuu ku lug lahaa duqeynta Iran, isagoo weeraray saddex goob oo Nukliyeerka Iran ah, oo ay ku jirto xaruntii ugu weyneyd ee cilmi-baarista Nukliyeerka ee Isfahan, iyo tan ku taal Fordow.
Kaddib weerarradii Mareykanka, Trump wuxuu ku dhawaaqay in gabi ahaan la burburay xarumahaasi. Toddobaad kaddib madaxa hay'ada Atoomikada adduunka, Rafael Grossi, ayaa sheegay in duqeymaha ay sababeen waxyeelo weyn, wuxuuna sheegay in qaar ka mid ah howlaha bacriminta dib loo bilaabi karo bilooyin gudaheed.
Grossi wuxuu wakaaladda wararka AP u sheegay bishii Oktobar ee sanadkii hore hadii la kordhiyo heerka bacriminta in ay ku filan tahay in lagu sameeyo 10 bam oo nukliyeer ah.
Wasiirka arrimaha dibadda Iran Abbas Araqchi ayaa u sheegay wargeyska The Economist bishii Nofember ee sanadkii hore in la joojiyay naaxinta Yuraniyamka.
Bishii Janaayo wuxuu Grossi u sheegay wakaaladda wararka Reuters in hay'adda Atoomikada Caalamiga ay kormeertay 13 goobood oo Iran ku yaal kuwaas oo aan la duqeyn isagoo intaas ku daray in hay'adda ay aragtay tiro badan oo Yuraniyam ah oo aad loo naaxiyay.
Wax badan oo muhiim ah lagama oga arrimaha xasaasiga ah iyo diiwaanka nukliyeerka Iran sida halka hadda lagu keydiyo iyo xaaladda goobaha naaxinta.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidee halkan ku soo gaarnay?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dowladda Iran waxay ku adkeystaa in ujeedka howlaheeda Nukliyeerka ay la xiriiraan oo kaliya arrimo rayid.
Iiraan waxay ka mid tahay saxiixayaasha Heshiiska Ka-hortagga Faafitaanka Hubka Nukliyeerka, waxayna oggolaatay oo keliya in nukliyeerka loo isticmaalo hab nabadeed sida ujeeddooyinka daawada, beeraha iyo tamarta.
Baaritaan 10-sano ah oo ay samaysay Hay'ada Caalamiga ah ee Atoomikada ayaa daaha ka qaaday in Iran ay fulisay "hawlo kala duwan oo la xiriira sameynta qarxa Nukliyeerka" laga bilaabo dabayaaqadii 1980-meeyadii ilaa 2003.
Hay'addu waxay sheegtay in macluumaadkaas ay muujinayaan in barnaamijkan, oo loo yaqaan "Project Amad", markii dambe la joojiyay. Balse 2009-kii waxay hay'ado sirdoon oo reer Galbeed ah ogaadeen saldhigga Foddow.
Madaxweyne Donald Trump markii uu xukunka yimid ayuu go'aansaday in uu ka baxo heshiiska, wuxuuna ku dooday in heshiiska ku guuldareystay in uu Iran ka joojiyo helista bam nukliyeer ah, wuxuuna go'aansaday in uu cunaqabateyn ku soo rogo.
Iran waxay taas kaga jawaabtay in ay jabiso qodobada heshiiska iyadoo naaxinta Yuraniyamka gaarsiisay 60 boqolkiiba.
Bishii June sanadkii hore ee 2025-kii ayey hay'adda Atoomikada ku dhawaaqday in Iran ay jabisay heshiiska markii ugu horeysay muddo 20 sano ah. Maalintii xigtay waxaa weerar ku qaaday Israel.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ma shaqeynayaan xarumaha nukliyeerka Iran?
Muuqaallo uu qaaday dayaxgacmeedka bilihii u dambeeyay ayaa muujinaya in shaqo ay ka socoto xarumaha Natanz iyoIsfahan.
Dhammaan meelaha laga galo Isfahan ayaa u muuqday in la xiray iyadoo saqafka korena la dhisay sida ay muujinayaan muuqaallada uu qaaday dayaxgacmeedka.
Sawiradii ugu dambeeyay ee dayax-gacmeedka, oo markii ugu horreysay ay sharaxeen Machadka Sayniska iyo Amniga Caalamiga ah, ayaa muujinaya in Iran ay xoojisay dhismah dhulka hoostiis ah ee loo yaqaan Mount Kolang Gas La, sidoo kale loo yaqaan Mount Axe. Goobtan, oo aanay weerarin Israel iyo Mareykanka, waxay ku taal qiyaastii laba kiiloomitir koonfurta xarunta Nukliyeerka ee Natanz.
Imisa ayay Iran ku qaadanaysaa sameynta hubka Nukliyeer?
Soo saarista Yuraniyam hub laga sameyn karo waxay dedejineysaa sameynta bam qarxa, laakiin habka bacriminta ma ahan mid keenaya hub diyaar ah, farsamo kale oo dheeri ah ayaa loo baahan yahay si loo gaaro sameynta bam Nukliyeer ah.
Ka hor weerarkii Isreal iyo Mareykanka ee sanadkii hore, waxay qiimayntii ay samaysay Hay'ada Sirdoonka Difaaca ee Mareykanka bishii May 2025 ku sheegtay in Iran ay awood u lahayd, "waxay u badan tahay in ka yar toddobaad gudahood", in ay soo saarto Yuraniyam hub laga sameyn karo.
Wuxuu Mareykanka sheegay "waan hubnaa in Iran aysan hub nukliyeer ah sameyneyn balse sanadihii dhawaa waxay qaaday howlo ay ku xoojineyso awoodeeda.
Dr. Patricia Lewis oo ah khabiir madax-bannaan oo ku takhasustay xakamaynta hubka, ayaa sheegtay, "Iran waxay horumarineysay awoodaheeda hubka ilaa iyo 2003-dii".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxay muhiim u tahay in Iran ay haysato hub nukliyeer ah?
Hoggaamiyayaasha galbeedka ayaa muddo dheer ka hadlayay in loo baahan yahay in Iran laga joojiyo in ay haysato hub nukliyeer ah.
Bishii May 2025, Trump wuxuu ka digay in "haddii Iran hesho hub Nukliyeer, ay dunida burburin doonto."
Raysalwasaaraha Britain, Sir Keir Starmer, ayaa ku tilmaamay in hadii Iran ay nukliyeer yeelato ay tahay, "khatarta ugu weyn ee xasiloonida gobolka".
Falanqeeyayaashu waxay aaminsan yihiin hadii ay Iran hesho hub Nukliyeer ay ku dhiirran karto dagaal.











