Suuragal ma tahay in uu Ruushka ku guuleysto dagaalka ukraine?

Burbur xooggan ayaa ka dhashay dagaalka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Burbur xooggan ayaa ka dhashay dagaalka

Dagaalka dalka Ukraine ayaa waxaa uu galay marxalado cusub islamarkana waxaa ka dhashay khasaaro badan.

Markii hore waxaa jirtay cabsi laga qabay in Ruushku uu guul degdeg ah gaaro, balse iska caabinta Ukraine iyo ka bixitaanka Ruushka ayaa meesha ka saartay cabsidaas, sidaas darteed Ruushku wuxuu u weeciyay weerarkiisa dhanka bari.

Iyadoo uu dagaalku marayo maalintii 100-aad, halkee ayuu dagaalkani ku wajahan yahay mustaqbalka?

Waxaan halkan idinku soo gudbinaynaa 5 qaab oo laga yaabo in dagaalka uu ku soo afjarmo.

Dagaal fool-ka fool ah

Dagaalku wuxuu socon karaa bilo, haddaysan ahayn sannado, markaas oo ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine ay wada gali doonaan dagaal daba dheeraada.

Dagaal kor iyo hoos ayaa u dhexeeya labada dhinac, labada dhinacna waxay gaaraan guulo mararka qaarkood, halka mararka qaar uu khasaara kala gaaro. Labada dhinac midkoodna ma rabo inuu quusto.

Gantaalaha Ruushka oo duqeeynaya fariisimaha ciidamada Ukraine ee Donetsk

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Gantaalaha Ruushka oo duqeeynaya fariisimaha ciidamada Ukraine ee Donetsk

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa aaminsan in uu ku guulaysan karo dagaalka isagoo muujinaya dulqaad istiraatijiyadeed iyo ballanqaad ah in dalalka reer galbeedku ay dareemi doonaan "dagaalka Ukraine" oo ay diiradda saaraan dhibaatooyinka dhaqaale ee iyaga u gaarka ah iyo khatarta Shiinaha kaga imanaysa.

Laakiin reer galbeedku way ku adkaysanayaan go'aankooda waxayna sii wadaan inay hub siiyaan Ukraine. Waxaa la abuuraa furumo dagaal oo joogto ah, dagaalkuna wuxuu isu beddelaa khilaaf joogto ah oo heer hoose ah, wuxuuna noqdaa "dagaal weligiis taagnaan doona."

Mick Ryan, oo ah saynisyahan u dhashay Australia oo hawlgab ah ayaa yiri "Waxa jirta rajo yar oo laga qabo in labada dhinacba guul istiraatijiyadeed ay ku gaaraan muddo kooban."

2:Putin oo ku dhawaaqa xabbad joojin

Ka warran haddii madaxweyne Putin uu adduunka kaga yaabiyo xabbad joojin hal dhinac ah? Wuxuu ku faani karaa guulaha uu gaaray ee dhanka dhulka wuxuuna ku dhawaaqi karaa in uu dagaalka "guul ka gaaray".

Waxa uu ku andacoon karaa in "hawlgalkiisa millatari" uu yahay mid dhameystiran: gooni-goosadka Ruushku uu taageero ee gobolka Donbas-na amnigooda la sugay .

Putin wuxuu sameeyay marin dhuleed ah ilaa gobolka Crimea, ka dibna wuxuu raadin karaa inuu cadaadis uu ku saaro Ukraine in ay dagaalka joojiso.

Madaxwayne Putin

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Madaxwayne Putin

Ker Giles, oo ah khabiir u dhashay Ruushka kana tirsan machadka Chatham House ayaa yiri: "Tani waa xeelad uu Ruushku isticmaali karo wakhti kasta haddii uu doonayo inuu ka faa'iidaysto cadaadiska Yurub ee Ukraine si uu u wareejiyo qayb ka mid ah dhulkiisa si uu u helo nabad .

Doodaha noocan oo kale ah ayaa horay uga soo yeeray Paris, Berlin iyo Rome: looma baahna in uu daba dheeraado dagaalka, waxaana la joogaa waqtigii la joojin lahaa dhibaatada dhaqaalaha caalamiga ee ka dhalatay.

Si kastaba ha ahaatee, Maraykanka, Ingiriiska iyo inta badan Yurubta Bari ayaa ka soo horjeeda qaabkan iyada oo siyaasiyiintoodu iyaga oo doonaya in Ruushka uu ku fashilmo duullaanka Ukraine.

Markaa xabbad-joojin hal dhinac ah oo Ruushku sameeyo ayaa laga yaabaa inay beddesho wajiga dagaalka, laakiin ma joojinayso dagaalka.

3: Dagaalka oo la isku mari waayo

Maxaa dhacaya haddii Ukraine iyo Ruushku ay soo gabagabeeyaan dagaalka socda ayna galaan wadahadalo heshiis siyaasadeed ah?

Ciidamada labada dal waa ay ka dhamaaday tabartii, waxaana ay la il daran yihiin cudud iyo saanad la'aan.

Khasaaraha nafeed iyo midka maadiguba mar-ba marka ka dambeysa waa uu sii kordhayaa.

Khasaaraha militari iyo midka dhaqaale ee Ruushka ayaa ah sidoo kale mid aan laga soo kabsan karin halka dadka reer Ukraine ay ka daaleen dagaal.

Maxaa dhacaya haddii hoggaanka Kyiv, oo aan ku kalsoonayn taageerada reer galbeedka ee sii socota, ay gar-waaqsadan in la gaaray waqtigii lala hadli lahaa Ruushka? Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa si cad u qirtay in hadafka Mareykanka uu yahay in Ukraine ay fadhido "mawqifka ugu adag ee suurtagalka ah ee miiska wadahadalka."

Laakiin waxaa laga yaabaa inaysan jirin wax ismariwaa ah oo ka dhaca goobta dagaalka muddo dhowr bilood ah, xal kasta oo siyaasadeedna way adkaan doontaa, ugu yaraan sababtoo ah kalsoonida Ukraine ee Ruushka. Ma dhici karto in heshiis nabadeed la gaaro, waxaana dhici karta in dagaalka uu sii daba dheeraado.

Maraykanka ayaa ballan qaaday in uu Ukraine siin doono hub hor leh, sida gantaalkan oo kale, kaasi oo gaaraya masaafo dhan 50 mayl.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Maraykanka ayaa ballan qaaday in uu Ukraine siin doono hub hor leh, sida gantaalkan oo kale, kaasi oo gaaraya masaafo dhan 50 mayl.

4:Ukraine oo guul gaarta

Ukraine ma ka hortagi kartaa dhammaan filashooyinka oo ma gaari kartaa wax u dhow guusha? Ukraine ma ku qasbi kartaa ciidamada Ruushka inay dib ugu laabtaan goobihii duulaanka ay ka soo qaadeen ?

"Ukrayn xaqiiqdii way ku guulaysan doontaa dagaalkan" sidaa waxa yiri madaxwaynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky oo u waramayay taleefishinka dalka Holland todobaadkan.

Maxaa dhici kara haddii Ruushku ku guuldareysto inuu qabsado dhammaan Donbass oo uu la kulmo khasaare badan? Cunaqabataynta reer galbeedka ayaa dharbaaxo ku ah mashiinka dagaalka ee Ruushka.

Ukraine ayaa qaaday weeraro rogaal celis ah iyadoo adeegsanaysa gantaalada cusub ee la helay waxayna qabsatay dhul ku yaal goobaha uu ciidamada Ruushka u soo maro saadka . Ukraine waxa ay ku guulaysatey in ay ciidankeeda ka beddesho mid difaac ah una badasho mid weerar ah.

Dhacdadani waa mid macquul ah oo ku filan in ay siyaasad dejiyayaashu mar horeba ka welwelaan cawaaqibkeeda. Haddii Putin uu la kulmo guuldarro, taasi ma kordhin kartaa in uu adeegsado hubka kiimikada ama nukliyeerka?

"Waxay u muuqataa mid aan suurtogal ahayn in Putin uu aqbalo guuldarada caadiga ah ee milatariga haddii uu haysto ikhtiyaarka nukliyeerka," taariikhyahan Niall Ferguson ayaa sidaasi ka sheegay siminaar dhowaan ka dhacay King's College London.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo booqasho ku tagay jiidda hore ee dagaalka ee Kharkiv

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo booqasho ku tagay jiidda hore ee dagaalka ee Kharkiv

5: Ruushka oo guulo ka gaara dagaalka

Maxaa dhacaya haddii Ruushku gaaro "guul" ay tahay suurtagal ? Saraakiisha reer galbeedka ayaa sheegaya in Ruushka, inkastoo dib u dhac hore uu ku yimid, uu weli qorsheynayo inuu qabsado caasimadda Kyiv, oo uu ku soo rogo maamulkiisa inta badan dalka Ukraine.

Gaaritaanka yoolalkan aadka u adag ayaa weli miiska saaran," ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha.

Ruushku waxa uu ka faa'iidaysan karaa guulihii uu ka gaaray Donbass waxana qaadan kraa go'aan inciidamada loo isticmaalo meelo kale oo laga yaabo in uu mar kale bartilmaameedsado Kyiv.

Waxaan la iska indho tiri karin in tirada badan ee ka dhimatay ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine ay khasaare ay tahay mid khasaaro ugu filan labada dhinac.

Madaxweyne Zelensky ayaa horey u qirtay in ilaa 100 askari oo Ukraine u dhashay lagu dilay dagaalka islamarkana 500 oo kale lagu dhaawaco maalin kasta dagaalka.

Dadka reer Ukraine ayaa laga yaabaa inay u kala qaybsamaan laba qaybood, kuwa doonaya inay dagaalka sii wadaan iyo kuwa kale oo raadinaya waddo ay nabad ku gaaraan.

Qaar ka mid ah wadamada reer galbeedka ayaa laga yaabaa inay ku daaleen taageerada Ukraine. Dhanka kale, haddii ay dareemeyso in Ruushku uu ku socdo jidkii guusha, qaarkood ayaa laga yaabaa inay rabaan inay kordhiyaan taageerada militari ee ay siiyaan Ukraine.

Diblomaasi reer galbeed ah ayaa si gaar ah iigu sheegay in reer galbeedku ay tijaabiyaan Nukliyeerka Badweynta Baasifigga taasoo digniin u ah Ruushka.

Mustaqbalka dagaalkan weli lama saadaalin karo, maalmaha soo socdana waa ku filan yihiin in ay soo baxaan waxyaabo aan imika ogeyn.