Dagaalka Ukraine: Ruushka oo diiday inuu qorshaynayo inuu si rasmi ah dagaal ugu dhawaaqayo 9-ka May

A Russian Su-35S combat aircraft and a Tu-95ms strategic bomber fly in formation above a church during a rehearsal for the flypast,

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Diyaargarowga dabaaldegga guusha sanadlaha ah ayaa waxaa Arbacadii lagu qabtay hawada Moscow

Ruushka ayaa gaashaanka u daruuray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya inuu maalmaha soo socdo ku dhawaaqayo dagaal ka dhan ah Ukraine, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid "aan waxba ka jirin".

Moscow ayaa illaa hadda diidaysay inay dagaal ku jirto, taa badelkeedana waxa ay duullaankeeda ku tilmaamaysay "howlgal milateri oo gaar ah".

Hasayeeshee saraakiisha reer Galbeedka ayaa waxa ay isla dhexmarayeen in Madaxweyne Vladimir Putin uu Bandhigga Guusha ee 9-ka May uu kaga faa'iidaysan doono inuu ku dhawaaqo ballaarinta tallaabadiisa milateri.

Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka ee loogaga taliyo waddankaasi, Dmitry Peskov, ayaa sikasta oo uu xaalku ahaadaba sheegay in warkaasi uu "gebi ahaanba" runta ka fogyahay.

Xoghayaha Gaashaandhigga ee UK, Ben Wallace, ayaa todobaadkii tegay sheegay in bandhigga Moscow ee lagu xusayo guushii laga gaaray Naziyiinta ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka - ay suuragal tahay inay taageero u raadiso abaabulka ciidammo badan oo hab cusub u riixa dagaalka Ukraine.

"Walow aanan xog ka ahayn arrintaasi, haddana la yaabi maayo, in maalintaas May uu ku dhawaaqi doono in "aynaan dagaal kula jirin Naaziyiinta Adduunka haddana waxaanan u baahannahay inaan abaabulno dadka Ruushka," ayuu u sheegay raadiyaha LBC.

Saraakiisha Ruushka ayaa duullaanka waxa ay ku tilmaamaan uun "howlgal milateri oo gaar ah" si ay "u hubka uga dhigaan" ama "Nazinimada uga saaraan" dalkaasi, iyagoo soo qaadanaya sheegasho aanan sal lahayn oo ku saabsan Naziyiinta dowladda Ukraine taas oo ay Moscow ku bannaysanayso duullaankeeda.

Sidoo kale dabbaaldegga sanadlaha ah ee Moscow lagu qabto, ayaa sidoo kale waxaa jiray warar muddo dheer soo socday oo sheegaya in Kremlin-ka uu qorshaynayo in ciidammo kale oo dheeraad ah uu geeyo magaalada Mariupol ee koonfurta Ukraine, halkaas oo inta badan haatan ay gacanta ku hayaa Ruushka. Ciidammada Ukraine ayaa waxa ay ku sugan yihiin hal aag oo magaaladaasi ah - waa warshadda birta lagu farsameeyo ee Azovstal.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa tilmaamaya in kaddib markii halkaas laga soo saaray qaar kamid ah dadkii rayidka ahaa, ay dib u bilowdeen weerrarada lagu hayo warshadda sidaas daraadeedna xiriirkii ciidammadii ugu dambeeyay ee gudaha ku haray uu go'ay.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegaya in waddooyinka mara bartamaha magaalada laga nadiifinayo burburka, maydadka, iyo bambooyinka aanan qarxin. Qeyba badan oo magaalada ah ayaa burburtay kaddib markii ciidammada Ruushka ay si arxandarra ah u duqeeyeen muddo todobaadyo ah oo ay go'doomin ku hayeen magaalada.Wararkii ugu dambeeyay ayaa tilmaamaya in kaddib markii halkaas laga soo saaray qaar kamid ah dadkii rayidka ahaa, ay dib u bilowdeen weerrarada lagu hayo warshadda sidaas daraadeedna xiriirkii ciidammadii ugu dambeeyay ee gudaha ku haray uu go'ay.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegaya in waddooyinka mara bartamaha magaalada laga nadiifinayo burburka, maydadka, iyo bambooyinka aanan qarxin. Qeyba badan oo magaalada ah ayaa burburtay kaddib markii ciidammada Ruushka ay si arxandarra ah u duqeeyeen muddo todobaadyo ah oo ay go'doomin ku hayeen magaalada.