Colaadda Ukarine: "Muddo laba bilood ah wax qorrax ma aanan arag, waxay ahayd nolol cadaab ah oo lama ilaabaan ah"

Xigashada Sawirka, ED JONES/AFP/Getty Images
Weerarada ayaa dib uga bilowday warshadda birta ee Mariupol, inkastoo boqolaal rayid ah ay ku xayiran yihiin gudaha, sida uu sheegay sarkaal reer Ukrain ah.
Warshada Azovstal waxaa lagu duqeeyay "hubka noocyadiisa kala duwan", ayuu Isniintii yiri taliyaha ciidamada qaranka Ukraine Denys Shlega.
Axadiina tiro dad rayid ah oo gabaad ka dhigtay dhufeysyadii ugu dambeeyay ee iska caabinta ayay u suurtagashay in ay baxsadaan.
Laakin taliyaha ayaa sidoo kale tibaaxay in "dhowr iyo toban caruur ah ay weli ku jiraan dhufeysyada geedaha hoostooda ah",
Duqeymaha lagu hayo warshadda ku taal magaalada dekedda leh ee koonfurta, oo ay toddobaadyo ka socdeen duqeymo xooggan oo Ruushku ku hayo, ayaa u billowday isla markii laga daadgureeyay dadkii rayidka ee halkaasi ku go'doon-sanaa, waa sida uu u sheegay telefishinka Qaranka Ukraine.
Fiidnimadii Isniintana, waxaa soo baxay muuqaal muujinaya dab xooggan oo ka kacay Azovstal, taasoo dadka isticmaala baraha bulshada ay sheegeen inuu ka dhashay duqeymaha Ruushka.
Kooxdii ugu horreysay ee laga soo daadgureeyo birta ayaa la filayay in Isniinta ay gaaraan magaalada ay Ukraine maamusho ee Zaporizhzhia - laakiin dadaallada samatabbixinta ayaa dib u dhac ku yimid, sida ay ku soo warramayso weriyaha BBC Laura Bicker, oo ku sugan magaalada waxayna tibaaxday inaysan caddeyn sababta weli dadkaasi loo hayo.
Kolonyada baaburta ayaa weli ku sii socoda, laakiin basaska ayay Khasab tahay in boqolaal mayl ay jaraan si ay halkaasi u gaaran.
Waxaa intaasi dheer in qaar ka mikd ah waddooyinkaasi burbursan yihiin Sidoo kale basaska waa inay maraan dhowr isbaaro oo Ruushku leeyahay.
Kuwii ka tagay Mariupol Isniintii ayaa la daadgureeyay iyaga oo taageero ka helaya Qaramada Midoobay iyo Hay'adda Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas.

Ruushka ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkii la soo daad gureeyay la geeyay tuulo ay maamulaan kooxaha gooni u goosadka ah ee ay baritaarto xukuumadda Moscow. Laakin warbaahinta dowladda ayaa markii dambe sheegtay in ay xor u yihiin in ay u sii safraan dhulka ay maamusho Ukraine haysto haddii ay rabaan.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa soo dhoweeyay warka ku saabsan in ku dhawaad 100 qof ay ku wajahan yihiin magaalada Zaporizhzhia, oo qiyaastii 140 mayl (230km) waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Mariupol.
Dadka qaar ayaa toddobaadyo badan ku hoyday dhismaha birta ee Azovstal, iyadoo warbixinada ay soo sheegayaan in cuntada, biyaha iyo dawooyinka ay dhammaan sii yaraanayaan.
Haweeney ka mid ah dadkii laga soo saaray warshadda birta ee Azovstal ayaa sheegtay in aysan arag wax qorrax ah muddo laba bilood ah.
"Waxay xaaladahaasi muujinayaan inay jirto masiibo bini'aadantinimo oo dhab ah," ayay tiri Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Ukraine Iryna Vereshchuk.
Mid ka mid ah warbixinnada Ruushka ayaa ku qiyaastay in tirada dadka rayidka ah ee weli ku sugan warshadda ay ka badan tahay 500.
Dhawr qof oo laga soo daadgureeyay Mariupol oo aan gabaad ka dhiganin warshadda ayaa yimid magaalada Zaporizhzhia gelinkii hore ee Isniintii ka dib markii ay si madaxbanaan u safreen.
"Waxaan ku noolayn qolalkayaga hoose laga soo bilaabo 27-kii Febraayo," Natalya Tsyntomirska ayaa sidaasi u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. "Waqtigaas oo dhan, waxaa nalagu garaacayay bamboyin, ka dibna duqeymo xagga cirka ah ayaa billowday, gurigayagii gebi ahaanba waa uu burburay."






![A woman [crying] sits with children as evacuees, including civilians who left the area near Azovstal steel plant in Mariupol, arrive at a temporary accommodation centre](https://ichef.bbci.co.uk/ace/ws/660/cpsprodpb/C36C/production/_124382005_womanreuters.jpg.webp)







