Ukraine: Waa sidee duruufta samaysay duuliyaha loogu magacdaray 'Rooxaantii Kyiv'?

Ukrainian MiG-29 - file pic, 2016

Xigashada Sawirka, Reuters

Duuliyayaasha dagaalka ee Ukraine ayaa si aad ah looga tiro badan yahay marka loo eego Ruushka, waxayse noqdeen halyeeyo - waxaana mahaddaas qayb ka ah sheekada duuliye la sheegay in loo yaqaan "Rooxaantii Kyiv".

Halyeygan ayaa la sheegay in uu soo riday illaa 40 diyaaradood oo cadawgu leeyahay - waana arrin cajiib ah oo ka dhacday fagaaraha uu Ruushku maamulo hawada sare.

Laakiin hadda Taliska Ciidanka Cirka ee Ukraine ayaa kusoo qoray digniin ah Facebook-ga in "Rooxaanta Kyiv inuu yahay halyey geesinimo leh oo dabeecadiisa ay abuureen dadka reer Ukraine!"

"Waxaan weydiisaneynaa bulshada Ukraine inaysan dayacin xeerarka aasaasiga ah ee nadaafadda macluumaadka," ayaa lagu yiri fariinta, iyadoo dadka ku boorrinaysa inay "hubiyaan ilaha macluumaadka, ka hor intaysan faafin".

Warar hore ayaa ninkan magaciisa lagu sheegay Major Stepan Tarabalka, oo 29 jir ah. Maamulka ayaa xaqiijiyay in lagu dilay dagaal dhacay 13-kii March, waxaana lagu sharfay bilad geesinimo oo ka timi Ukraine.

Hadda, ciidamada cirku waxay ku nuuxnuuxsadeen in "Tarabalka uusan ahayn Rooxaanta Kyiv', isla markaana ma uu soo ridin 40 diyaaradood".

Waxay ku qeexeen "Rooxaanta Kyiv" in uu yahay "sawir wadareed ay ku midaysan yihiin duuliyayaasha ciidanka Cirka ee guutada 40-aad ee, kuwaas oo ka difaaca cirka caasimadda dalkaas", halkii ay ka ahaan lahayd hal nin oo jebiyay rikoor dagaal.

Muddo toddobaadyo ah, dadka reer Ukraine ma uu jirin qof ay astaantan u raacaan se taasi kama ay joojin in aad loogu hadal hayey baraha bulshada "Rooxaanta Kyiv"

Waxa loo isticmaalay sumad suuqgeyn ah oo ay samaysay shirkad diyaaradeed oo Yukreeniyaan ah, halka Yukreeniyaanka Iryna Kostyrenko ay muujisay calaamad milatari oo lagu dhiiri galinayay halyeeygaas.

Waxayna wasaaradda gaashaandhigga soo dhigtay barteeda twitter-ka muuqaal ay ugu dabaal-degayso geesinimada Tarabalka.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

1px transparent line

Khubaro dhanka militariga ah ayaa BBC-da u sheegay in ay shaki ka qabaan in hal duuliye uu soo ridi karo ilaa 40 diyaaradood oo laga leeyahay Ruushka.

Taariikhyahan u dhashay dalka Ukraine Mikhail Zhirohov ayaa ku tilmaamay sheekada Rooxaanta Kyiv in ay tahay "dacaayad kor loogu qaadayo niyadda". Isaga oo BBC-da la hadlay isaga oo jooga Chernihiv, waxa uu sheegay in horaantii dagaalka ay Ruushku maamulayeen hawada Ukraine, sidaas darteed duuliyaha Ukraine "uu soo ridi kara laba ama saddex oo keliya".

"Waa lagama maarmaan in la helo dacaayaddahan oo kale, sababtoo ah ciidamadeena qalabka sida waa ka yar yihiin, qaar badanna waxay u maleynayaan inaanan la mid noqon karin iyaga [Ruushka. Waxaan u baahanahay tan wakhtiga dagaalka," ayuu yidhi.

Maamulka Yukreeniyaanka ayaa huriyay oo baahiyey sheekada Rooxaanta Halyeyga ah ee Kyiv maalmo yar markii uu dagaalku socday.

Ukraine Security Service (SBU) post on Telegram, 27 Feb 22

Xigashada Sawirka, SBU

1px transparent line

Khabiir u dhashay dalka Ukraine oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa BBC-da u sheegay sheekada Rooxaanta ee Kyiv "ay gacan ka geysatay kor u qaadista niyadda xilli dadku ay u baahan yihiin sheekooyin fudud".

Sidoo kale niyada Ukraine waxaa kor u qaaday sheekada Moskva.

Ruushka laftiisa ayaa ammaanay naf-hurnimadii duuliyayaashii Dagaalkii Labaad ee Adduunka, kuwaas oo Jarmalku ka adkaaday. Qaar ka mid ah ayaa si bareer ah ugu dhacay diyaarada cadawga kadib markii ay rasaasta ka dhamaatay.

Halyeeyada sida Rooxaanta Kyiv ma ahan wax la yaab leh marka ay jiraan tirooyin isbarbar dhigaya oo lagu bixiyo khasaaraha Ruushka iyo Yukreeniyaan: waxaa jira meelo badan oo la qurxiyo.

30kii Abriil, Saraakiisha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Ukraine ayaa sheegay in dagaalkan ilaa hadda Ruushka uu ku waayay 190 diyaaradood iyo 155 helikobter ah.

Laakiin falanqeeyayaasha millatariga ee madaxa-banaan ee Oryx waxay ku qiyaaseen khasaaraha Ruushka inuu yahay 26 diyaaradood iyo 39 helikobtar ah, iyo sidoo kale 48 diyaaradood oo ah nooca (UAVs).

Ruushka iyo Ukraine labaduba aad bay isugu deyayaan in ay qariyaan khasaarahooda. Tirinta waxa soo gaadhayna waa adag tahay, sababtoo ah inta badan diyaaraduhu waxay ku burburaan dhulka uu Ruushka haysto, qaarna waxay ku guulaystaan inay ku degaan Ruushka.

A Ukrainian army soldier takes aim with an anti-aircraft missile, March 4, 2022, in Irpin, Ukraine.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Portable anti-aircraft missiles are a key part of defending the skies

Khubarada ayaa isku raacday in inta badan diyaaradaha Ruushka lagu soo rido gantaalada hawada ee waaweyn, gaar ahaan nidaamyada difaaca hawada ee la qaadan karo ee loo yaqaan (Manpads).