Dagaalka Ukraine oo galay maalinti labaad haddaba saaka xaalku waa sidee?

Xigashada Sawirka, Office of the president of Ukraine
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay dagaalka Ukraine ka billaawday khamiisti shalay ahayd iney ku dhinteen 137 qof oo isugu jira ciidamo iyo dad rayad ah.
Volodymyr oo farriin muuqaal ah warbaahinta la wadaagay wuxuu sheegay Ruushka inuu doonayo iney siyaasad ahaan baab'iso Ukraine madaxweynaha dalkana ay khaarijiso.
Milateriga Ukraine ayaa sheegay in istaraatiijiyadda Ruushka ay tahay inay isku hareereeyaan caasimadda Kyiv, iyagoo ka sameynaya waddo dhulka ah oo ku teedsan xeebta Badda Madow.
Ciidamada Ukraine ayaa weerar rogaal celis ah ku qaaday ciidamada cirka ee Ruushka oo qabsaday garoon diyaaradeed oo shan iyo toban KM dhanka waqooyi kaga beegan Kyiv.
Shacabka ku nool caasimadda Kyiv ayaa xalay ku baryay dhufeysyada iyo dhismayasha hoostooda si ay uga gaashaantaan duqeymaha dhinaca cirka ee ay ciidamada Ruushka magaladaasi ka fulinayaan.
Kumannaan shacab ah ayaa u qaxay dalalka deriska la ah Ukraine iyaga oo ka cabsi qabo iney waxyello ka soo gaaro dagaalka dalkooda ka socda.
"Cadowgu bartilmaameedka koobaad waxa u ah aniga halka bartilmaameedka labadna uu u yahay qoyskeyga," ayuu yiri.
Wuxuuna madaxweynuhu sheegay isaga iyo qoyskiisaba iney ku sugan yihiin caasimadda Kyiev inkasta oo faahfaahin intaa dheer uu ka bixinin.

Danjiraha Ukraine u fadhiya dalka UK Vadym Prystaiko waddamada reer galbeedka iyo gaashaan buurta NATO wuxuu ugu baaqay iney qaadaan tallaabbooyin wax ku ool ah oo looga horatagyo waxa uu ugu yeeray dagaalka gardarrada ah oo ay Moscow ku soo qaadday dalka Ukraine.
Danjiraha Ukraine u fadhida Washington DC Oksana Markarova waxay beesha caalamka ugu baaqday cunaqabateenno hor leh in la saaro Ruushka taagero militarina lala gaaro dalka Ukraine.
Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamada gaashaaman ee Ruushka oo ka soo dhaqaaqay gobolka Crimea ay dagaalka sameeyeen horumar degdeg ah.
Milateriga Ukraine ayaa sheegay in tobaneeyo taangiyada Ruushka ah la burburiyay, sidoo kale diyaarado helikobter ah iyo diyaarado dagaalna ay soo rideen.
Kumannaan shacab ah oo ka cabsi qabo iney dagaalka dalkooda ka socda waxyeello ka soo gaarto ayaa u qaxay waddamada deriska la ah dalkaasi iyo deegaannada ka baxsan magaalooyinka dalkaasi.
Caasimadda Kyiv oo laga dhaqan geliyey bandoow habeenki ah xarumaha tareenka waxaa gabbaad ka dhigtay kumannaan shacab ah oo guriyahooda duqeymaha uga soo cararay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Ruushka Viladmir Putin oo difaacay dagaalka uu dalkiisa ku qaaday Ukraine ayaa sheegay iney u bannaaneen waddo kale uu ku difaaci karay dalka Ruushka oo aan ahayn inuu dagaal qaado.
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in duqaymo dhanka cirka iyo gantaalaha ah lagu garaacay in ka badan siddeetan saldhig oo ay leeyihiin ciidamada Ukraine maalintii ugu horeysay ee dagaalka.
Moscow waxay sheegtay in bartilmaameedyada ay ka mid yihiin saldhigyada cirka, xarumaha taliska, saldhigyada raadaarka iyo nidaamka difaaca gantaalaha.
Ruushka wuxuu sheegay iney soo rideen afar diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Ukraine iyo afar diyaaradood oo hubaysnaa.
Waddamada kale sida ay dagaalka uga falceliyeen
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu sheegay dagaalka uu Ruushka waxba la harin uu qaaday Ukraine iney waxyeello ba'an ay u geysaneyso shacabka Ukraine, ayna dhici karto dagaalka inuu sii ballaarto kadibna uu saameyn xooggan uu u geysto amniga guud ee qaaradda Yurub.

Wuxuuna sheegay dalkiisa iyo xulafada NATO iney qaadayaan tallaabbooyin Ruushka ka dhan ah oo ay kaga hortagayaan dagaalka gardarrada ah uu ku qaaday Moscow.
Ra'isal wasaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa sheegtay iney ka fiirsaneyso sidi loo eryi lahaa danjiraha Ruushka u jooga New Zealand.
Jacinda waxay intaa ku dartay laga billaabo Khamiisti shalay ahayd iney xayiraado dhinaca socdaalka ah ay ku soo rogtay mas'uuliyiinta Ruushka ee xiriirka la leh dagaalka ay Moscow ku qaadday Ukraine meeshana ay ka saartay dhamman xiriirki dalkeeda uu la sameynayey wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka.
New Zealnad waxay sida oo kale joojisay waxsoo saarki dalkeeda ee loo dhoofin jiray Ruushka oo ay isticmaalayeen Militariga iyo sirdoonka Ruushka.
Dalalka Japan iyo Australia waxay ku soo biireen dalalka cunaqabateennada ku soo rogay Ruushka, cunaqabateynadaasi oo ay si gaar ah ugu bartilmaameedsanayan siyaasiin iyo shaqsiyaadka go'aamiyo go'aannada siyaasadeed ee dalkaasi.
Ra'isal wasaraha Australiya Scott Morison wuxuu sheegay cunaqabateynnada dalkiisa uu ku bartilmaameedsanayo Ruushka inuu sii ballaadhinayo.

Ra'isal wasaraaha Japan Fumio Kishida wuxuu sheegay inuu dalkiisa uu Ruushka cunaqabateyn uu kaga soo rogay seddex qaybood oo la xiriira agabka militari uu dalkiisa u dhoofin jiray dalkaasi.
Jasiiradda Thailand waxay iyaduna sheegtay iney ku soo biirtay waddamada dimuqradiyadiga ah ee Ruushka ku soo rogay cunaqabateynada inaksata oo cunaqabateynadaasi waxa ay yihiin ay faahfaahin ka bixin.
Jamhuuriyadda Lithuania ee ku taalla bariga fog ee Yurub waxay sheegtay iney diyaar u tahay iney difaacdo waxa ay ugu yeertay dalkeeda hooyo ee Ukraine.
Wasaaradda gaashaan dhigga UK waxay sheegtay Ruushka inuu weli gaarin hadafki siyaasadeed uu ka lahaa dagaalka ballaadhan uu maalinti shalay ahayd ku qaaday dalka Ukraine.
Wasaaraddu waxay intaasi ku dartay Ruushka inuu qabsaday xaruunta Niyuukilarka ee Chernoby, iyada oo ciidamada Ruushka ay qafaasheen dhammaan shaqaalihi xaruuntaasi ka shaqeynayey.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mudaharaadyo dagaalka looga soo horjeedo
Dowladda Ruushka ayaa ka hortagtay mudaaharaadyo baahsan oo ka dhacay guud ahaan Ruushka, kuwaas oo looga soo horjeeday duullaanka lagu qaaday Ukraine.
Kooxda dabagalka xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in 54 magaalo lagu xiray ku dhawaad 1,800 oo qof. Magaalada Moscow oo kali ahna lagu xiray 900 oo qof.
Waxaa sidoo kale baraha bulshada lagu faafiyay cambaareyn loo jeedinayo Ruushka oo dagaalka ka dhan ah.
Mudaaharaadyo looga soo horjeedo duullaanka Ruushka ayaa sidoo kale ka dhacay magaalooyinka caalamka.
Boqollaal mudaaharaadayaal ah oo mudaharaad ka dhigay magaalada New York iyadoo mudaharaadayaasha qaarkoodna ay ruuxayeen calanka Ukraine.










