NATO iyo Ruushka: Isbarbardhigga awoodda labada dhinac

Flags outside the Nato headquarters in Brussels

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta sheegay in ay suuragal tahay in Ruushka uu weerari doono Ukraine, balse waxa uu ka digay in Mareykanka uu ka bixin doono jawaab adag haddii dalkaasi isku dayo in uu tijaabiyo dulqaadka reer galbeedka.

Biden wuxuu sheegay inuu Viladmir Putin uu la kulmayo cunaqabateyn abidkii aan soo marin haddii ay Ukraine weerar ku soo qaado.

Intee ayay gaadhsiisan tahay awoodda NATO?

Mabda'a asaasiga ah ee isbahaysiga militari ee caalamiga ah ee NATO waa nidaam difaac oo wadajir ah, taasoo la macno ah haddii waddan kasta oo xubin ka ah ay soo weerarto cid saddexaad, markaas waddan kasta oo xubin ka ah waa inuu u soo galo si uu u difaaco dalkaas si wadar ah.

Nasiib wanaag dalka ay danta u Nato waxaa ka mid ah waddamada sida Montenegro, oo kaliya £ 67m ku bixiya sanadkii difaacooda, waxaa jira qaar ka mid ah waddammada waaweyn oo hanti intaa ka badan ku bixiya isbahaysigaas.

Maraykanku waxa uu ku kharash gareeyaa in ka badan labanlaab inta kale ee Nato marka la isku daro, iyada oo 2021 kharashka ku baxay lagu qiyaasay $705bn (£516bn), sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga.

Marka laga soo tago inuu yahay dalkaasi dalka dhaqaalaha ugu badan geliya difaaca adduunka, Maraykanku sida oo kale waxa uu leeyahay hub awood badan iyo tiro aad u badan oo ciidan tababaran ah - 1.3 milyan ayaa ah ciidanka diiwaan gashan ee shaqaynaya, kuwaas oo sida oo kale leh 865,000 kale oo kayd ah, sida lagu sheegay New York Times 2017.

UK waa tan labaad ee ugu weyn. guud ahaan kharashka ku baxa NATO, iyaga oo geliya ku dhawaad £ 50bn sanad walba marka la barbar dhigo Jarmalka £ 45bn, Faransiiska £ 42bn iyo Talyaaniga £ 20bn.

US v Russia flags on fists

Xigashada Sawirka, Thinkstock

In kasta oo aysan jirin ciidan go'an oo NATO ah, Isbahaysigu wuxuu ka faa'iidaysanayaa ku xisaabtanka awoodaha milatari iyo khibradda waddan kasta oo xubin ka ah isbahaysigaas. Dal kastaa wax ay miiska soo saaraan oo ay ku jiraan ciidan, ltaangiyo, doon-dagaal xitaa diyaaradaha casriga ah ee dagaalka.

Maanta waxay awood u leeyihiin in loo tiriyo ku dhawaad 3.5-milyan oo qof oo isugu jira shaqaale, ciidan iyo rayid. Waddan kasta oo xubin ka ah waxa uu oggolaadaa in uu wax ku biiriyo iyada oo loo eegayo miisaan istaraatiijiyadeed oo kala duwan iyo saameyno kala geddisan, oo dhinac kastaaba hawl gaar ah ku aadayo.

Si guud dalalka NATO xubinta ka ah ayaa gaadhsiisan 30 xubnood.

Intee ayay gaadhsiisan tahay awoodda Ruushku?

Waa dalka ugu weyn dunida ee ballaciisu yahay in ka badan 17 milyan kiilo mitir oo isku wareeg ah.

Waa dalka labaad ee ugu weyn dunida ee shidaal soo saara (markalaga soo tago Mareykanka) isagoo soo saara 10.27 milyan oo barmiil oo shidaal ah maalintii.

Waa dalka labaad ee ugu weyn ee leh hubka nukliyeerka, marka laga soo tago Mareykanka.

Waa dalka afaraad dunida ee lacagta ugu badan ku kharash gareeya gaashaandhigga. Sanadkii 2020 wuuxu ku kharash gareeyay $ 66,840 milyan doolar.

Hubka culus ee Ruushka
Qoraalka sawirka, Hubka culus ee Ruushka

Awoodda militari ee Ruushka maaha mid xogteeda si fudud lagu ururin karo ama lagu qeexi karo kolka la isticmaalayo kuwa ugu awooda badan aduunka.

Sida laga soo xigtay Hay'adda Heritage Foundation ee fadhigeedu yahay Washington, agabka dagaal ee dalkaas waxaa ka mid ah "336 gantaalaha ballistic-ga ah ee qaaradaha isaga kala goosha, 2,840 taangiyada dagaalka ah, 5,220 baabuurta gaashaaman ah, in ka badan 6,100 askari oo qalabkoodu u dhan yahay iyo in ka badan 4,684 dhuumood oo madaafiic ah".

Sida uu sheegay machadka nabadda ee SIPRI ee fadhigiisu yahay Stockholm , Ruushka waxa uu haystaa wax ka badan 50 madax oo hubka Nuyuukleerka xambaara.

Diyaaradaha Ruushka
Qoraalka sawirka, Diyaaradaha Ruushka

Laakiin waxaa ka maqan qaybo ka mid ah hubka ku shaqeeya tignoolajiyada casriga ah, oo ay ku jiraan awoodda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, qaybaha elektaroonigga ah, iyo sahanka radaalka iyo dayax gacmeedyada.

Kaddib markii uu burburay Midowga Soofiyeetka, Ruushka ayaa wuxuu la wareegay tiro badan oo hubka nukliyeerka ah oo Soofiyeetku lahaa.