Colaadda Ukraine: Ilaa hadda maxaan ognahay dagaalka Ukraine? maxaa dhacay?

Xigashada Sawirka, EUROPA PRESS NEWS/GETTY IMAGES
Maalintii saddexaad ayuu galay duulaanka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine, Ilaa hadda, askarta Ruushka ayaa soo gaaray deegaano badan oo ka tirsan Ukraine
Waxaa sidoo kale jiraa warar sheegayo in iska horimaad xooggan oo u dhexeeyo ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine uu ka socdo magaalada caasimadda ah ee Kiev.
Waxaa cirka isku shaereertay xiisadda ka taagan Ukraine, dadka waxay isku dayayaan inay ka baxsadaan halkaas.
Khudbad uu dhawaan Mr Putin ka jeediyay taleefishinka ayuu ku dhawaaqay "howlgal milateri" oo laga fulinayo gobolka ku yaal bariga dalkaasi ee Donbas. Halkaas waxaa deggan dad badan oo u dhashay waddanka Ukraine oo ku hadla luuqadda Ruushka.
Ilaa iyo hadda maxaan ka ognahay dagaalka Ukraine.
Dagaalka
Ciidamada Ruushka ayaa ku dhaw inay galaan Kiev balse waxay iska caabin xooggan kala kulmeen ciidamada Ukraine xilli waddooyinka caasimadda laga maqlayo dhawaqa rasaasta.
Dagaal ayaa ka qarxay waddooyinka caasimadda Kiev, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Ukraine ee Interfax.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmitro Kuleba ayaa sheegay weeraradii gantaalada ahaa ee "naxdinta lahaa" ee lagu qaaday Kiev uu lamid yahay weerarkii Nazi-ga Jarmalka uu geystay dagaalkii labaad ee aduunka.
Ciidamada Ukraine ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar ay ku soo qaadeen ciidamada Ruushka mid ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee dhaca galbeedka Kiev.
Weriyeyaasha ku sugan caasimadda Ukraine ayaa baraha bulshada kusoo qoraya in dagaalka uu ka qarxay waddooyinka caasimadda, qaarkood waxay sheegayaan in rasaas xooggan laga maqlayo bartamaha magaalada.
Mareykanka wuxuu sheegay in uu cunaqabateyno kusoo rogayo madaxweyanaha Ruushka, Vladamir Putin iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda, Sergey Lavrov isla markaana uu xayiri hantida ka taalla Mareykanka kadib markii dhawaan Midowga Yurub iyo Britain ay ku dhawaaqeen cunaqabateyn ka dhan ah Ruushka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Waxay sidoo kale sheegeen in dagaal uu ka dhacay agagaarka garoon diyaaradeed oo dhanka koonfureed ku yaalla.
Kiev ayaa waxaa laga maqlay qarax weyn oo ka dhacay agagaarka fagaaraha Maidan, waxaana la soo sheegayaa in qaraxyo kale ay ka dhaceen agagaarka Troieshchyna ee isla Kiev.
Weerarkan - oo BBC-da aysan weli xaqiijin - ayaa la sheegay in uu ka dhacay waddada Peremohy (Victory).
Ukraine waxay sheegtay inay soo rideen diyaarad weyn oo Ruushka leeyahay oo siday ciidamo.
Dhinaca kale, Ruushka wuxuu sheegay inay ciidamadiisa ay gudaha u galeen magaalada Melitopol oo u dhow gobolka Crimea, inkasta oo aan arrintan la xaqiijin.
Sidoo kale dagaallo xooggan ayaa laga soo sheegayaa inay ka socdaan magaalada Kharkiv oo dhacda xadka Ukraine iyo Ruushka.
Dhinaca kale, Kumanaan qof oo u dhashay Ukraine ayaa u qaxaya dhinaca dalalka deriska sida Poland, Romania, Hungary iyo Solvakia iyaga oo ka cararaya dagaalka iyo duulaanka ciidamada Ruushaka, inta badan dadkan waa dumar iyo carruur,.

Xigashada Sawirka, AFP VIA GETTY IMAGE
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka uu doonayo inuu ka takhaluso balse uusan ka bixi doonin Kiev.
Dhanka kale, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa a saxiixay amar uu ku amrayo abaabul guud.Dhammaan dadka reer Ukrain ee qaadi kara hubka ayaa loogu baaqay inay difaacaan dalkooda hooyo.Sidoo kale waxaa loo yeedhayaa ciidamada keydka ah, sida lagu sheegay wareegtada ka soo baxday oo soconeysa muddo 90 maalmood ah.
Qaylo dhaanta madaxweynaha Ukraine
Jimcihii, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa wadahadalo la yeeshay madaxda dalal dhowr ah, isagoo ka codsaday inay ku cadaadiyaan Ruushka inuu joojiyo weerarada. Sidoo kale waxa uu sheegay in cunaqabataynta Ruushka la sii adkeeyo.
Zelensky wuxuu la hadlay dalal ay ka mid yihiin France, Sweden, Poland, Canada, America wuxuuna uga warbixiyay xaalada Ukraine isla markaana ka codsaday taageero.
Wuxuu ku eedeeyay madaxda Yurub inay ka gaabiyeen waxka qabashada duulaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hubka oo la siiyay shacabka Ukraine
Wasaaradda Difaaca ee Ukraine ayaa ka codsatay dadka inay ku biiraan ciidanka, iyadoo sheegtay in ciidamada Ruushka ay geli karaan caasimadda Kiev.
Ukraine waxay sheegtay in ragga da'doodu u dhexeyso 18 ilaa 60 ay tahay inay dalka joogaan si ay uga hortaggaan duulaanka Ruushka, 18,000 qoryahay machine guns ah ayaa la siiyay dad isa soo bixiyay oo ku nool Kiev.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Ukraine ayaa sidoo kale barteeda bulshada kula wadaagtay xogta ku saabsan samaynta bambooyinka shidaalka, waxayna dadka Kiev ka codsatay inay ka aargoostaan askarta Ruushka.

Xigashada Sawirka, EPA
Wadahadal ma lagu dhameyn karaa xiisadda?
Afhayeenka Krimlinka Dmitry Peskov wuxuu sheegay in Ruushka uu diyaar yahay in wadahadal lagu soo afjaro dagaalka balse wuxuu wadahadallada ku saleeyay in Ukraine ay noqoto 'dal dhexdhexaad' isla markaana uu hoos u dhimo daabulidda ciidamada.
Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ukraine ay diyaar u tahay in wadahadal ay la yeelato Ruushka si xabad joojin loogu dhawaaqo.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa ku doodaya in howlgallada milateri ee lagu qaaday Ukraine looga dan leeyahay in shacabka Ukraine laga xoreeyo cadaadiska si shacabka Ukraine ay mustaqbalkooda uga tashadaan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Khasaaraha ka dhashay dagaalka
Wasaaradda gaashaandhigga ee Ukraine ayaa sheegtay in in ka badan 1,000 askari oo Ruush ah lagu dilay iska horimaadka.
Wasiirka ciidamada qalabka sida ee Britain James Hippy ayaa u sheegay baarlamaanka in ugu yaraan 194 oo reer Ukraine ah ay ku dhinteen, oo ay ku jiraan 450 askari oo Ruush ah iyo 57 rayid ah.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 25 qof oo rayid ah ay ku dhinteen 102 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo dhinaca cirka ah oo ka dhacay dalka Ukraine.
Ruushka ayaa sheegay in ay "ka takhaluseen" 200 oo askari oo Ukraine ah xilli ay qabsadeen garoon muhiim ah oo ku dhow Kiev. Waxaa jira warar sheegaya in 13 qof oo kale laga dilay Ruushka.
Khamiistii, Ukraine waxay sheegtay in in ka badan 40 ka mid ah askarteeda la dilay, tobaneeyo kalena la dhaawacay.
Taangiyo iyo ciidammo galay Ukraine
Taangiyo iyo ciidamo ayaa ku qulqulaya Ukraine iyagoo ka soo galaya xuduudaha bariga, koonfurta iyo waqooyiga, Ukraine ayaa sidaasi sheegtay.
Kolonyada milateriga Ruushka ayaa waxa ay ka gudbeen Belarus oo waxa ay galeen gobolka waqooyi ee Ukraine ee Chernihiv, halka Ruushkana ay ka soo galeen gobolka Sumy, kaas oo sidoo kale ku yaal waqooyiga, ciidammada ilaaliya xadka Ukraine ee (DPSU) ayaa sidaasi sheegay.
Belarus waxa ay muddo dheer xulafo la aheyd Ruushka. Khubaradana waxa ay ku tilmaamaan dalkaasi inuu yahay dal yar oo "macmiil qaran" u ah Ruushka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Kolonyada ayaa sidoo kala waxa ay galeen gobollada bariga Luhansk iyo Kharkiv, waxa ayna u jihaysteen gobolka Kherson halkaas oo ay ka soo galeen dhanka Crimea - halkaas oo ah dhul Ruushka uu Ukraine xoog kula wareegay 2014.
Weerrarka Ruushka ayaa waxa uu ku bilowday hub altilari ah waxaana la sheegay inay jiraan dhaawacyo, sida DPSU ay sheegtay.
Sidoo kale waxaa jiray warar shegaya in ciidamo ay dhulka ka soo galeen Badda Black Sea oo ay ku soo dageen magaalooyinka Mariupol iyo Odesa ee koonfurta dalkaasi. Qarax wayn ayaa waxaa laga maqlay bartamaha magaalada Odesa, iyadoo qof u dhashay waddanka Britain oo deggan magaalada qadiimiga ah uu BBCda u sheegay in dad badan ay halkaas isaga baxayaan.
Ukraine waxa ay leedahay waan isdifaacayaa
Milateriga Ukraine ayaa sheegay inay soo rideen shan ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah, sidoo kalana ay khasaare gaarsiiyeen ciidammada weerrarka soo qaaday.
"Isdajiya aaminana ciidammada Ukraine difaacaya", ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay ciidammada Ukraine.
Sikastaba xaalku ha ahaadee, wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa gaashaanka u daruurtay in diyaarado laga soo riday.

Xigashada Sawirka, Reuters
Ukraine ayaa waxa ay ku dhawaaqday xukun degdeg ah - kaas oo ka dhigan in milateriga uu si ku meel gaar ah awoodda ula wareegayo - waxa ayna xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay Ruushka.
Madaxweyne Zelensky ayaa ugu baaqay dadka Ruushka inay ka dibadbaxaan xoogga dalkiisa lagu soo galay waxa uuna sheegay in hubka uu burburin doono qofkasta oo Ukraine ku sugan oo iyaga doonaya.
Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine, Dmytro Kuleba ayaa dunida ka codsaday in cunaqabatayn adag lagu soo rogo Ruushka oo ay ku jirto in dalkaas laga mamnuuco hannaanka lacagaha caalamka la isaga kala xawilo ee Swift-ga loo yaqaan.












