Sawir ay wada galeen Putin iyo Macron oo baraha bulshada maadeysi ka dhex abuuray

Xigashada Sawirka, AFP
Sawir laga qaaday Madaxweynaha Ruushka Viladmir Putin iyo dhiggiisa Faransiiska Emanuel Macron oo kursi dheer labada cirif ka fadhiya ayaa hadal heyn aad u weyn ka dhex abuuray baraha bulshada. Labada madaxweyne ayaa Isniintii ku kulmay magaalada Moscow si ay uga wada hadlaan xiisadda Ukraine.
Siyaasiyiin iyo shaqsiyaad caan ah ayaa sawirkaasi siyaaba kala duwan u fasiray iyaga oo baraha bulshada gaar ahaanna Twitter-ka fasiraadda kala duwan ee sawirka ka qaateen ku baahiyey.
Qaar kursiga labada madaxweyne ay wada fadhiyaan waxay ku tilmaameen kursi la mid ah diyaarad iyaga oo tilmaamaya kursiga inuu weyn yahay ayna ka habbooneyd kursi labada madaxweyne isku soo dhaweynayo ay wada fariistaan.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1
Vladimir Putin ayaa maadeysi xooggan kala kulmay Kursiga dheer ee ay ay isaga iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ay labada dhinac ka fadhiyaan.
Dadka qaar sawirka aqalka looga arrimiya Ruushka ee Kirimilin ay labada madaxweyne ku wada galeen ay ku tilmaameen mid muujineyso xilka ay labada madaxweyne iska saareen iney u hoggaansamaan sharciga kala fogaanshaha ee qaybta ka ah xakameynta faafitaanka fayraska Covid-19.
Halka qaarna ay ku tilmaameen iney kala fogaanshaha cudurka la xiriira uu muujineyn balse sawir dhab ah uu ka bixinayo Moscow iyo reer galbeedka sida ay siyaasad ahaan u kala fog yihiin.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2
Halka qaar kalana ay u fasireen fadhiga labada madaxweyne iyo kursiga dheer ee ay ku fadhiyaan inuu xusuusiyey filimkii magaciisu ahaa "Basaaski i jeclaa" oo jilaaga filimka uu fadhiyey kursi dheer oo kan la mid ah iyaga oo sawirka hoosana farriintooda soo raacinayey.

Xigashada Sawirka, Twitter
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 3
Afhayeen u hadlay madaxweyne Putin oo ka hadlay arrinta miiska dheer ayaa ku sheegay sababtu inay tahay kala fogaansha la xiriirta fayraska Karona.

Macron dhankiisa waa uu ka gaabsaday inuu faalleeyo sawirkaasi hadal haynta badan dhaliyey.
Madaxweyne Macron oo dhawaan booqasho ku tagay magaalada Moscow ayaa Putin kala hadlay sida loo dajin karo xiisadda Ruushka iyo Ukraine u dhaxeyso.
Macron ayaa booqasho uu xal ugu raadinayo xiisadda u dhaxeysay Ruushka iyo Ukraine ku tagay Kirimlin. Wuxuuna shegay kulanka uu la yeeshay Putin inuu ahaa mid waxtar leh oo rajo geliyey.
Labada hoggaamiye wadahadlkooda oo saacado badan qaatay haddana go'aan mideysan kama eysan qaadan arrimihi ay saacadaha badan ka wada hadalayeen.

Xigashada Sawirka, AFP
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay inuu diyaar u yahay tanaasul, uuna eegi doono soo jeedinta uu soo jeediyay Mr Macron wadahadalada Isniinta.
Balse Putin ayaa weli waddamada reer galbeedka ku eedeynaya xiisadda Ukraine iney iyagu sii hurinayaan.
Labada hogaamiye ayaa rajo ka muujiyay in xal loo heli karo qalalaasihii ugu xumaa ee u dhaxeeya Ruushka iyo reer galbeedka oo dhaca tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii qaboobaa.
Putin oo mahadnaq isdaba joog ah u soo jeediyey booqashada uu Macron ku yimid Moscow ayaa shir jaraa'id oo ay wadajir u qabteen ku sheegay in hoggaamiyaha Faransiiska inuu u soo bandhigay fikrado dhowr ah oo mudan in la darso.
Mr Putin ayaa mar kale beeniyay in Ruushku uu si gardarro ah u dhaqmayo, inkastoo ay reer galbeedku ka cabsi qabaan duullaan ay ku qaadaan dalka Ukraine kadib markii Ruushka uu tobannaan kun oo ciidamadiisa ah uu soo dhoobay xuduudihiisa."Ma nihin anaga kuwa u dhaqaaqaya dhanka xuduudaha NATO," ayuu yidhi, isaga oo tixraacaya hawlgalinta xulafada ee bariga Yurub.

Kulanka Isniinti Moscow ku dhex maray labada madaxweyne ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisadda Ukraine ay hareysay xiriirka diblumaasiyadeede ee Ruushka iyo waddamada reer galbeedka.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu Moscow uga digay haddii ay Ukraine soo weerarto in laga xirayo dhuumaha gaaska qaada ee ay Moscow leedahay ee Yurub tagay.
"Waxaan idiin ballan qaadayaa inaan soo afjarayo" ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka oo hadalkiisa sii wata.
Ruushka ayaa la rumeysan yahay xadka Ukraine inuu keenay ciidamo kor u dhaafay 110,000 oo hubkooda u dhammeystiran yahay, halka uu Ruushka uu marar badan sheegay ciidankaasi inuu Ruushka leeyahay ayna joogaan dalkooda taasina ay cidna fasaxa uga baahneyn.










