Colaadda Ukraine: Su'aasha uu qof walba iska waydiinayo dagaalka Ruushka iyo Ukraine
Weerar xagga cirka, hawada, dhulka iyo badda ah ayuu ku qaaday dalka Ukraine, oo ah waddan dimuqraaddi ah oo ka tirsan Yurub, shacabkiisuna yihiin 44 milyan, ciidamada Ruushka ayaana hadda ku sugan duleedka magaalada caasimadda u ah ee Kyiv.
Muddo bilooyin ah, madaxweyne Vladimir Putin waxa uu inkirayay in uu damacsan yahay qabsashada waddanka deriska la ah, balse kaddib waxa uu ka tallaabsaday heshiis nabadeed, isagoo ciidamo u diray xadka uu la wadaago Ukraine ee dhinacyada waqooyiga, bariga iyo koonfurta.
Hadda oo ay sii badaneyso tirada dhimashada, waa isaga qofka lagu eedeynayo inuu burburiyay nabaddii Yurub. Waxa soo socdana waxay halis galin karaan guud ahaan hannaanka amniga ee qaaradda.
Maxay tahay sababta ay ciidanka Ruushka weerarka u qaadeen?
Tani waa su'aasha uu qof walba is weydiinayo tan iyo markii uu dagaalka billowday.
Ciidamada Ruushka ayaa kusii dhawaanaya caasimadda Ukraine ee Kyiv, oo ay ka weerareen dhowr jiho kaddib markii uu hoggaamiyaha dakaas amray in la billaabo howlgalka. Wararka qaarna waxayba sheegayaan in taangiyada Ruushka lagu arkay meelo ka mid ah caasimadda.
Khudbad uu Vladimir Putin jeediyay waabarigii maalintii Khamiista, oo ay taariikhdu ku beegneyd 24-ka bishan February, ayuu ku sheegay in Ruushka ay dareemi waayeen "nabad, horumar iyo jiritaan" sababtuna ay tahay waxa uu ugu yeeray khatar joogto ah oo uga imaaneysa Ukraine-ta cusub ee hadda jirta.
Garoomada diyaaradaha iyo saldhigyada militeriga ayaa marka hore la duqeeyay, meelaha u dhow magaalooyinka Ukraine, kaddibna taangiyada iyo ciidanka dhulka ayaa gudaha u galay Ukraine iyagoo ka yimid dhinacyada waqooyiga, bariga iyo koonfurta - dhanka Ruushka iyo dhanka Belarus.
In badan oo ka mid ah sheegashooyinka Madaxweyne Putin waxay ahaayeen kuwo aan run ahayn. Waxa uu sheegay in ujeeddadiisu ay tahay difaacidda dadka lagu beegsanayay dhibaatooyinka iyo xasuuqa, kuwaasoo uu doonayo inuu ka badbaadiyo "hab dhaqanka Naasiga" ee Ukraine.
Ma jirin xasuuq ka socday Ukraine: waa waddan dimuqraaddi ah, oo uu hoggaamiyo nin kasoo jeeda Yuhuudda.
"Sideen ku noqon karaa Nazi?" ayuu yidhi Volodymr Zelensky, oo amaanay sida ay Ruushka uga dhiidhiyeen farogelintii Naazigii Jarmalka ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka.


Madaxweyne Putin waxa uu marar badan ku eedeeyay Ukraine in ay maamulkeeda la wareegeen kooxo xagjir ah, tan iyo wixii ka dmabeeyay markii 2014-kii xilka laga tuuray madaxweynihii Ruushka taageeri jiray, Viktor Yanukovych. Mudaharaadyo bilo socday ayaa xafiiska looga eryay Mr Yanukovych.
Ruushku waxa uu arrintaas uga aar goostay la wareegistii gobolka Crimea ee koonfurta Ukraine iyo in uu dhanka bariga ka kiciyay kooxo fallaago ah, waxa uuna taageero siiyay kooxo gooni u goosad doon ah oo ciidamada Ukraine kula jiray dagaal ay ku dhinteen ilaa 14,000 oo ruux.
Dabayaaqadii 2021-kii, Ruushku waxa uu billaabay in uu tiro badan oo ciidamo ah geeyo meel u dhow xadka Ukraine, isagoo ku celcelinayay beeninta inuu weerar qaadi rabo.
Kaddibna Mr Putin waxa uu baabi'iyay heshiis nabadeed oo la kala saxiixday 2015-kii, waxa uuna dowlado xor ah u aqoonsaday gobollo ay fallaago maamulayeen.
Ruushku waxa uu muddo dheer ka soo horjeeday in Ukraine ay ku biirto Midowga Yurub iyo in ay xubin ka noqoto isbahaysiga difaaca reer Galbeedka ee Nato.
Marka uu weerarka ku dhawaaqayay waxa uu Nato ku eedeeyay in ay halis ku tahay "qarannimadooda taariikhiga ah".
Ilaa halkee ayuu gaari doonaa Ruushku?
Hadda waxaa cad in Ruushku uu doonayo burburinta dowladda sida dimuqraaddiga ah loo soo doortay ee Ukraine. Ujeeddadiisu waa in Ukraine laga xoreeyo maamulka gacanta birta ah leh iyo in "laga nafiidiyo dhaqanka Nazi-ga".
Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in looga digay "in cadowgiisu ay ka dhigteen bartilmaameedka koowaad; qoyskiisuna ay yihiin bartilmaameedka labaad".

Xigashada Sawirka, EPA
Sheegashada been abuurka ah ee ku aaddan in Ukraine ay kooxo arxan laaweyaal ah qabsadeen 2014-kii ayaa si joogto ah looga sii daayaa telefishinka ku hadla afka xukuumadda Moscow.
Mr Putin waxa uu sheegay in uu maxkamad horkeeni doono "kuwa geystay dambiyada dhiigga ku daatay ee ka dhanka ah shacabka".
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga qorsha uu Ruushku ka leeyahay Ukraine, balse waxa ay Moscow iska caabin xoog leh kala kulmeysaa shacabka colaadda yaqaana.
Bishii Januray, UK waxa ay Moscow ku eedeysay in ujeeddadeedu ay tahay sidii ay dowlad Ruushka u hoggaansan uga dhisi lahayd Ukraine - sheegashadaas oo Ruushku uu si kulul u beeniyay,
Warar sirdoon ah oo aan la xaqiijinin ayaa sheegayay in Ruushku uu damacsan yahay in uu Ukraine u kala jaro labo.


Weerarka uu Ruushku ku qaaday Ukraine: Warar dheeraad ah
- Hal si oo Mareykanka uu ugu biiri karo dagaalka Ukraine
- Wararki ugu dambeeyey dagaalka Ukraine
- Madaxweynaha Ukraine: "Waxaan ahay cadawga bartilmaameedkiisa koowaad"
- Illaa hadda maxaan ka ognahay xoogga lagu galay Ukraine
- Sidiisaba Putin yuu hadal ka maqlaa?
- Xiisadda Ukraine: Turkiga oo wajahaya "laba daran mid dooro"
- Ruushka iyo Ukraine: Isbarbardhigga awoodda ciidan ee Ukraine iyo Ruushka

Muxuu rabaa Putin?
Madaxweyne Putin waxa uu qayb ahaan eedda ku saabsan go'aankiisa weerarka u sababeeyay isku ballaarinta Nato ee dhanka bariga.
Waxa uu goor sii horreysay ka cawday in Ruushka "aysan heli doonin meel ay dib u gurasho ku sameeyaan - ma waxay u maleynayaan in aan iska fadhin doonno?"
Ukraine waxay raadineysaa in loo caddeeyo waqtiga ay ku biireyso Nato, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Ryabkov uu yidhi: "Annaga waxaa waajib nagu ah inaan xaqiijinno in aysan Ukraine waligeed xubin ka noqonin Nato."
Balse Ruushku diiradda ma saarayo oo kaliya Ukraine. Waxa uu dalbanayaa in Nato ay ku noqoto xuduudihii ay taagneyd wixii ka horreeyay 1997-kii.
Mr Putin waxa uu rabaa in Nato ay iska bixiso dalalka ku biiray wixii ka dambeeyay 1997-kii iyo in aysan hub geynin xuduudaha u dhow Ruushka.
Taas waxa ay ka dhigan tahay in Nato aysan wax dhaqdhaqaaq ah iyo awood militeri ku yeelanin waddamada ku yaalla Bartamaha, Bariga Yurub iyo Baltics.
Mr Putin wuxuu sheegay in Reer Galbeedku ay 1990-kii ballan qaadeen in Nato "aan lagu fidin doonin hal taako oo ka mid ah bariga", balse ay sidaas dhacday.
Xilligaas waxay ahayd ka hor inta uusan burburin Midowgii Soviet-ka, ballanta laga qaaday madaxweynihii Soviet-ka, Mikhail Gorbachev, waxay ahayd mid ku saabsan Bariga Jarmalka ka hor inta aysan Jarmalka dib u midoobin.
Maxat tidhi Nato?
Nato waa isbahaysi difaac ku dhisan oo u furan waddan kasta oo xubin ka noqonaya, dalalka xubnaha ka ah oo30 waddan ahna isbaddal laguma sameynayo.
Ma jirto wax rajo ah oo muujineysa in Ukraine ay ku biiri doonto, sida uu caddeeyay hoggaamiyaha Jarmalka.
Laakiin waxaa hubaal ah in aysan dhici karin in waddan hadda xubin la ah Nato uu xubinnimadiisa iska dhiibo.


Ma jiraa xal diblomaasiyadeed?
Hadda ma muuqdo, balse heshiis walba oo la gaadho mustaqbalka waxa uu dabooli doonaa dagaalka bariga iyo xakameynta hubka labadaba.

Xigashada Sawirka, Reuters
Mareykanka ayaa ku baaqay in wadahadal la galo, kaas oo ku saabsan xakameynta gantaallada riddada gaaban iyo kuwa riddada dhexe, iyo sidoo kale in la galo heshiis ku saabsan gantaallada qaaradaha isaga kala gudba.
Ruushkuna wuxuu rabay in dhammaan hubka nuclear-ka ee Mareykanka aan laga soo gudbinin xuduudaha Mareykanka.












