Dagaalka Ruushka iyo Ukraine: Wax ka ogow jeneraallada sarsare ee ilaa hadda Ruushka looga dilay Ukraine

Labo askari oo Ruush ah oo ku sii socda dhanka gaari nooca dagaalka ah

Xigashada Sawirka, Reuters

Warbaahinta Dowladda Ruushka waxay sheegtay in jeneraal Roman Kutuzov uu yahay hoggaamiyihii ugu dambeeyay ee looga dilo dagaalka Ruushka. Laakiin, kuwee ka mid ah jeneraallada sarsare ee kale ee isla dagaalkaas lagu dilay?

Warbaahinta Dowladda Ruushka ayaa xaqiijisay dhimashada mid ka mid ah jeneraallada ugu sar-sarreeya oo lagu dilay dagaal xoog leh oo ka dhacay gobolka Donbas ee bariga Ukraine.

Sarreeye gaas Roman Kutuzov waxaa la dilay xilli uu hoggaaminayay duullaan, sida uu sheegay weriye la shaqeeya warbaahinta dowladda Ruushka ee Rossiya 1.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka weli kama hadlin arrinta.

Milateriga Ukraine ayaa dhankooda xaqiijiyay in la dilay jeneraal Kutuzov, iyagoo aan bixin faahfaahin ku saabsan sida ay wax u dhaceen.

Wararka la isla dhex marayo baraha bulshada waxaa sidoo kale ku jira in sarkaal sare oo kale oo lagu magacaabo Roman Berdnikov oo hoggaaminayay guutada 29-aad lagu dilay dagaal dhacay dhammaadkii toddobaadka. BBC-da si madaxbannaan uma xaqiijin karto sheegashooyinkaas.

Ukraine waxay sheegatay in ay dishay 12 askari, iyadoo saraakiil sirdoonka Reer Galbeedka ay sheegeen in la dilay ugu yaraan toddobo saraakiil sarsare oo Ruush ah.

Hase yeeshee, wuxuu jahawareer ka taagan yahay warbixinnada sheegaya dhimashada saraakiil kale oo Ruush ah. Saddex jeneraal oo ciidanka Ukraine ay sheegeen inay dileen ayaa la soo weriyay in ay nool yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan halkan hoose idinkula wadaagaynaa xog ku saabsan qaar ka tirsan jeneraallada Ruushka ee la sheegay in lagu dilay dagaalka Ukraine.

Jeneraallada kale ee laga dilay Ruushka

Yakov Rezantsev

Waxaa la sheegay in Lieutenant-General Yakov Rezantsev uu ku dhintay duqeyn ay Ukraine ka geysatay saldhigga ciidamada cirka ee Chornobayvka ee u dhow magaalada Kherson.

Wuxuu ahaa taliyaha 49-aad ee ciidamada isku dhafka ah ee qaybta militariga ee Koonfurta Ruushka.

Wuxuu ka qayb qaatay howlgalkii ciidamada Ruushka ee Suuriya.

Oleg Mityaev graphic

Major General Oleg Mityaev ayaa lagu dilay meel u dhow Mariupol, oo ah magaalo ku taal koonfur-bari Ukraine oo ay ka dhaceen qaar ka tirsan dagaaladii ugu xoogganaa.

Guutada Qaranka Azov ayaa sheegtay in ay dileen.

Waxa uu ahaa taliyaha Qaybta 150-aad ee Ciidanka Ruushka, oo ah unug cusub oo la sameeyay 2016-kii, fadhigooduna ahaa Rostov oo u dhow xadka Ukraine.

Ukraine ayaa sheegtay in cutubkan loo sameeyay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen colaadda ka taagan deegaannada ay gooni u goosadka ka maamulaan ee Bariga Ukraine, inkastoo Ruushku uu beeniyay in ciidamadooda ay ku lug lahaayeen dagaallada halkaas ka socda.

Andrei Kolesnikov graphic

Maj Gen Andrei Kolesnikov, oo xubin ka ahaa Ciidanka 29aad ee Isku-dhafka ah, ayaa lagu dilay dagaalka 11-kii Maarso, sida laga soo xigtay ilo rasmi ah oo Ukraine ah.

Lama shaacin qaabka uu u dhintay.

Kaddib markii Kolesnikov uu noqday jeneraalkii saddexaad ee Ruushka ah ee la sheegay in lagu dilay dalka Ukraine, sarkaal reer galbeed ah ayaa sheegay in laga yaabo in ciidamada Ruushka ay niyad jabsan yihiin, waana sababta keentay in saraakiisha sare ee militariga ay ku dhawaadaan jiidda hore ee dagaalka.

Andrey Sukhovetsky

Sarreeye gaas Andrey Sokhovitsky waxaa la rumeysan yahay in uu ahaa taliye ku-xigeenkii isla cutubka Gerasimov, waxaana la soo tabiyay in la toogtay 3-dii March.

Sukhovsky waxa uu qayb ka ahaa hawlgallada milatari ee Ruushka ee Crimea iyo Suuriya

Si ka duwan jeneraalada kale, geerida Sukhovsky waxaa lagu sheegay warbaahinta Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sidoo kale khudbad uu jeediyay ku xaqiijiyay in Jeneraalku uu ku dhintay dalka Ukraine.