Dagaalka Ukraine: Ciidamada Ruushka uga dhintay dagaalka Ukraine oo la shaaciyey

захоронение

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Sida ay tilmaameyso xog madax bannaan oo uu helay barnaamijka BBC Russia, waxaa la shaaciyey magacda in ka badan 3,500 oo askari oo Ruushka uga dhimatay dagaalka Ukraine. Madaxda Ruushkana si rasmi ah uma shaacin asakarta dagaalka looga dilay.

Sirdoonka Ingiriiskana wuxuu shaagay ilaa iyo dabayaaqadi bishii May Ruushka dagaalka Ukraine iney uga dhinteen 15,000 oo askari. Abaanduulaha ciidamada Ruushka wuxuu sheegay askarta dalkooda dagaalka uag dhimatay tiradooda iney gaareyso ilaa iyo 30,000 oo askari.

Toddobaad kasta qoysaska ciidamada Ruushka ee dagaalka Ukraine ku jira waxaa la gaarsiiyaa farriimo tacsi oo aad u badan balse Moscow marnaba iskuma dayin iney tirada rasmiga ah asakrta laga dilay ay shaaciso.

Hase yeeshee, barnaamijka BBC Russia ayaa baahiyey liiska askarta dagaalka ku dhimatay iyo askari kasta goobta lagu dilay ama dagaalka uu ku dhintay.

Trada askarta dhimatay ee Ruushka oo haatan la shaciyeyna waxaa laga helay wakaaladaha wararka iyo dad mutadawiciin ah oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka oo diiwaangelinayey dhacdooyinka dagaalka.

Ilaa iyo 10-ka June tirada askarta Ruushka ee dagaalka Ukraine uga dhimay waxaa lagu sheegay 3,502 oo isugu jira askar iyo sraakiil. Tiradaasi la shaaciyeyna kuma jiraan askarta raq iyo ruuxba aan lagu haynin ee la'yahay.

Tiradaasi ayaana lagu sheegay ineysan ahayn tan rasmiga balse ay tahay oo keli inta la xaqiijiyey ayna suuragashay in xog rasmi ah laga helo.

Tirada rasmiga ah in la ogaadana waxaa la sheegay iney u baahan tahay faalanqeyn qoto dheer in lagu sameeyo ciidamada Ruushka ee dagaalka Ukraine galay tiradooda iyo sida uu hadda xaal yahay.

Magacda Qabuuraha laga helay

Qabuuraha ciidamada dagaalka lagu dilay lagu aaso oo ku yaalla Anapa

Labadi toddobaad ee ugu dambeeyey BBC waxaa u suuragashay iney ogaato qabuuraha lagu aaso askarta lagu dilo oo ku yaalla Khabarovsk, Voronezh iyo Tuulada Borisovka ee u dhaw Novorossiysk.

Waxayna tixraac ku sameeysay dadka lagu aasay wixi ka dambeeyey 24-kii February iyo magacda iyo sawirrada askarta qabuuraha la dul suray.

Goob kasta oo askari dagaalka ku dhintay lagu aasayna waxaa ka muuqato astaan muujineyso inuu dagaalka ku dhintay oo ay ku maamuseyso wasaaradda gaashaan dhigga dalka Ruushka. Askarta ugu badanna waxaa lagu aasay qabuura ku dhaw Novorossiysk.

BBC waxay u kuur gashay 14 qabuuro oo askarta dagaalka ku dhimatay iney dowladda Ruushka shaacinin balse ay la wadaagtay oo keli ah qoysaskooda.

Qoysaski askarta dagaalka lagu dilayna 40-70% oo keli ah ayaa la siiyey shahaadada caddeynta dhimashada iney dagaal dad uga dhinteen.

Askar mutadawiciin ah oo dhimatay

.

Ilaa iyo 10-ka June, BBC-du waxay heshay warbixinnada dhimashada ilaa 113 Ruush ah, oo lagu xusay daabacaadda dagaalyahannada mutadawciiinta ah. Duruufaha dadkani oo aan mar walba caddeyn.

Qaar ka mid ah dadkaasi waxay ku dagaalameen Ukraine iyaga oo qayb ka ah kala soocidda Cossack, halka qaarkoodna ay galeen heshiis dagaal oo ku meel gaar ah Wasaaradda Difaaca ama Ilaalada Qaranka.46% askarta mutadawiciinta ah waa dadka da'doodu ka weyn tahay 40 jir, 20% waxay galeen dagaal iyagoo 50 jir ah.

.

Xigashada Sawirka, ruspetsnaz.ru/

Dadka iskood isu xilqaamay ee ku biiraya ciidanka Ruushka waxaa loo tababaraa habab dhaqameed badan. Hadda waxa bannaan boosaska askarta mutadawiciinta ah oo lagu xayaysiiyay mareegaha wasaaradda gaashaandhigga oo keliya. 30% kiisaska, xarumaha qorista waxay ku yaallaan Dagestan - Makhachkala, Khasavyurt, Kaspiysk, Derbent iyo Buynaksk.

Mushaharka gaaraya 300 kun oo rubles ayey dadkaasi u baahan yihiin. Goballa badan oo Ruushka ka tirsan oo ay ka jirin adeegyo bulsho, adeegga milatariga ee heshiiska ku saleysan waa habka kaliya ee lacag lagu heli karo.