Dhawr sababood oo uu Ruushka uga adkaan la'yahay Ukraine

Xigashada Sawirka, Anadolu Agency
Sawirrada dayax gacmeedka ee la qaaday February 28, afar maalin kaddib duullaankii Ruushka ee Ukraine, ayaa muujinaya kolonyo 64 miilo mitir is heysata oo ciidamada Ruushka ah oo ku sii siqaya caasimadda Kiev.
Ujeeddada kolonyadan ka koobneyd taangiyo, gawaari iyo kumannaan ciidamada Ruushka ayaa ahayd in la weeraro Kiev, kadibna lala wareego.
Balse xitaa bil kaddib, Ruushku ma uusan awoodin inuu qabsado Kiev. Inta badan ciidamadiisa ayaa ku xannibmay cimilada ka hooseysa darajada eber. Taraagyada ayaa ama ku xayirmay waddooyinka barafku buuxsamay oo ku hallaabay amaba waxay noqdeen shidaal la'aan.
Isla mar ahaantaas, waxaa jiray warar naxdin leh oo ku saabsan in ciidamo Ruush ah oo gaajeysan ay dhacayeen dukaamo ku yaalla Ukraine .
Tan ayaa dhalisay su'aasha ah sababta ay ciidamada Ruushka u awoodi waayeen inay ka adkaadaan Ukraine. Toddobaadkanna caalamka su'aashan ayaa la iska weydiinayaa.

Xigashada Sawirka, MAXAR TECHNOLOGIES HANDOUT

Hal Nin, Hal Qorshe
Nikolaas Maschier wuxuu baare sare ka yahay Xarunta Daraasaadka Ammaanka ee Jaamacadda ETH Zurich. Wuxuu sheegay in aragtida qarannimo ee Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ka qabo Ukraine ay u muuqato mid ka hor istaageyso inuu gaaro go'aan istaraatiiji ah.
Putin ayaa weerarka Ukraine ku tilmaamay inuusan dagaal ahayn, balse uu yahay howlgal militari oo gaar ah. Markii Ruushku uu ku duulay Ukraine 24-kii February, Putin wuxuu dabcan ku fekeray inaysan waqti ku qaadaneyn inuu guuleysto.
Wuxuu yiri, "Wuxuu rajeynayay inuu Ukraine uga adkaan doono maalmo gudahood. Balse waxay u muuqataa inaysan jirin iska warqab u dhaxeeya siyaasiyiinta iyo hay'adaha militariga. Ciidanku wuxuu u muuqdaa mid dagaal galay." Waxaa loo qorsheeyay sida howlgal gaar ah, oo ay dad yar ka war qabeen. Waxaa taas ka dhalatay in niyad jab uu ku dhaco ciidamada Ruushka kaddib markii ay iska caabbin kala kulmeen Ukraine."
Haatan bil ayaa laga joogaa tan iyo markii uu billowday dagaalkii Ruushka iyo Ukraine. Meelaha qaar Ukraine, Ruushka wuxuu ka geystay burbur xooggan, inkastoo meelaha qaar ay awoodi waayeen inay ku siqaan. Waxay sameynayaan khalad sababtuna waa marxaladdii qorshaha.
Dad badan oo mas'uul ka ahaa in rajooyinka Putin ay ka dhabeeyaan ayaa is qariyay. Qaar ka mid ah ciidamada Ruushka ee lagu qabtay dagaalka ayaa sheegay inay u heysteen inay sameynayaan howlgal. Qaarkood waxay aamineen inay dadka ka badbaadinayaan dowladda Ukraine.
Balse markii ay tageen Ukraine waxay la kulmeen rayidka iyo bambaanooyinkooda, way ku adkeyd inay fahmaan. Waxaa kaloo jirtay in ciidamo aan khibrad badan lahayn la geliyay dagaalka.
Nikolas ayaa yiri, "Ciidamada Ruushka diyaar uma ahayn howlgal noocan ah. Sidoo kale wuxuu yeeshay saameyn taban. Ciidamada uu Ruushku ka soo diray waqooyi bari una diray Ukraine ma ahayn kuwooda ugu fiican marka la eego dhanka hubka casriga ah, u diyaar ahaanshahooda dagaalka iyo tirada ciidamada tayada ah. Waxaa la yaab ahayd in Ruushku uusan markii horeba adeegsan ciidamadiisa ugu fiican.
Ujeeddada Putin uu ku maamulayo Kiev ayaa waddada u xaartay khaladaad badan. Wuxuu diiradda ka weeciyay meelaha kale isagoo diiradda saaray Kiev.
Wuxuu yiri, "Falanqeeyeyaashu tan way filayeen. Ruushka ayaa beegsaday Ciidamada Cirka ee Ukraine iyo xeradooda. Balse waxyeello badan uma geysan karin Ukraine."
Gaabiskii dagaalka ee maalmihii hore ayaa sidoo kale muujinaya wada shaqeyn la'aan u dhaxeysay ciidamada gudaha iyo duqeymaha cirka. Haddana khasaaraha gaaray ciidamada Ruushka ayaa ahaa wax naxdin leh. Inkastoo aan la shaacin tirada rasmiga ah.
Nikolas ayaa yiri, "Tiradan aad ayay uga badneyd howlgal walba oo hore oo uu qaaday Putin. Halkan kama hadleyno tirada ay shaaciyeen Ukraine. Kuwa dhintay waxaa ku jira saraakiil sare oo ciidamada Ruushka ka tirsanaa.".
Ruushka ayaa u maleynayay in dagaalkan uu maalmo gudahood ku dhammaan doono, balse qiimeyntan ciidamada Ruushka waxay ahayd mid khaldan.
Balse dedaalka Ruushka uu ugu qabsanayo Kiev ayaa socda. Nikolas ayaa sheegay in Ruushka uu Kiev u arko mid istaraatiiji ah, balse haatan waxaa laga yaabaa inay haatan keliya noqoto mid uu isku qancinayo.

Xigashada Sawirka, EPA/SERGEY DOLZHENKO

Dhibaatooyinka heysta ciidamada Ruushka
Emily Ferris waa baare ka tirsan Machadka Royal United Services Institute. Waxay qabtaa in ciidamada Ruushka ee Ukraine ay wajahayaan dhibatooyin farsamo.
Waxay tiri, "Ciidamadu waxay u baahan yihiin hub, rasaas, shidaal, farsamo iyo dharka ciidanka. Sidoo kale, saraakiil cusub ayaa loo baahan yahay in lagu beddelo kuwii hore. Waxaan u maleynayaa in Ruushka uu guud ahaan heysto ciidan iyo hub ka badan kuwa adduunka."Wuxuu adeegsadaa tareenno si uu qalab farsamo uga qaaddo meel una geysto meel kale."
Ruushka waa dal aad u kobcaya, cimilada iyo xaaladaha gudaha ka jira way ka duwan yihiin kuwa meelo kale ka jira. Tareenka ayaa ah kan ugu wanaagsan ee ciidamada u fiican. Balse muhiim ma aha in la adegsado haddii weerar lagu qaadayo dal.
Emily ayaa tiri, "Dhibaatadu waxay tahay in aysan heysan gawaarida xamuulka oo badan oo ay qalabka tareenka ku raran ugu geeyaan ciidamada. Tan ayaa ciidamada Ruushka ku adkeyneysa inay gudaha u galaan Ukraine. Haddii ay baxaan amaba ay bartilmaameed u noqdaan cadowga... sida ay sameynayaan ciidamada Ukraine, markaas saadka wuu ka go'ayaa."
Marka tan laga soo tago, waxaa sidoo kale jirta dhibaato kale.
"Qaar badan oo gawaaridaas xamuulka ka mid ah si fiican looma dhaqaaleyn," ayay tiri. Tani micnaheedu waa in haddii taayirrada gawaaridu ay duug yihiin, ma awoodi doonaan inay iska dhiciyaan cimilada xun ee Ukraine wayna qarxi doonaa.

Xigashada Sawirka, JALAA MAREY/AFP via Getty Images
Sida laga soo xigtay hay'adda baarta musuqmaasuqa ee Transparency International sanadkii 2020, khatarta musuqmaasuqa ee waaxda gaashaadhigga wuu sarreeyay.
Waxay tiri, "Waxaa jiray muuqaallo laga sameeyay ciidamada Ruushka oo diraya gawaarida xamuulka. Waxaa loo adeegsanayay dagaal, taas oo micnaheedu yahay in ciidanku ay haysato dhibaato dhanka gawaarida xamuulka ah, taas oo ah dhibaato khatar ah."
Balse gawaaridan xamuulka ayaa keliya loo adeegsan karaa waddooyin fiican. Waxay Emily qabtaa in dhibaatada ciidamada Ruushka laga arki karo waqooyiga Ukraine, halka dagaalka qeybaha kale ee dalka uu heerar kala duwan ku socdo.
Emily ayaa tiri, "Ciidamada Ruushka waxay si xowli ah ugu siqayaan koofurta si ka duwan waqooyiga Ukraine. Waxaa laga yaabaa inay jiraan sababo dhab ah. Koofurta Ukraine waa mid qallalan halka waqooyigu ay cimiladiisa xun tahay. Ciidamada Ruushka ayaa ku xayirmay waddooyinka barafka buuxo iyadoo gawaari badan oo kuwa ciidanka ahna ay waxyeello gaartay."
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan

Dib u habeynta ciidanka
Bettina Renz waa bare sare oo ka tirsan Iskuulka Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Jaamacada Nottingham. Waxay sheegtay inuu jiray xilli kaddib dhicitankii Midowgii Soofiyeetka markaas oo ciidamada Ruushku aysan heysan hub fiican iyo lacag midna.
Waxay tiri, "Caalamka waxaa laga rumeystay in ciidamada Ruushku aysan muhiim ahayn. Gudaha Jejniya waxay la kulmeen guuldarro weyn marka muhiimad weyn lama siineyn."
Sanadkii 2000, Vladimir Putin ayaa noqday madaxweynaha Ruushka howsha uu muhiimadda siiyayna waxay ahayd dib u habeynta ciidamada.
"Dhaqaalaha Ruushka ayaa sidoo kale lagu sameeyay isbeddel weyn," ayay tiri Bettina. Laga bilaabo 2000 ilaa hoos u dhacii dhaqaalaha adduunka sanadkii 2008, qiimaha shidaalka iyo gaaska ayaa sare u kacay iyadoo dhaqaalaha Ruushkana uu xoogeystay."

Xigashada Sawirka, Sputnik/Mikhail Klimentyev/Kremlin via Reuters
Sanadkii 2008, markii Putin uu ahaa ra'iisul wasaare, Ruushka ayaa weeraray Georgia kaddib muran ka taagnaa labo gobol oo lagu muransan yahay oo dalkaas ka tirsan. Ruushka ayaa ku guuleystay dagaalka oo socday shan maalmood, balse waxaa sidoo kale soo ifbaxay daciifnimada ciidamada.
Waxay tiri, "Waxaa jiray dhibatooyin badan oo taliska iyo maamulka ku saabsan. Teknolojiyada ayaa duug sii noqoneysay, diyaarado badan ayaa dagaalka lagu burburiyay. Ruushka ayaa ku dhawaaqay casriyeynta ciidanka sanadkii 2008. Shirkadaha difaaca ayaa kordhiyay wax soo saarka diyaaradaha dagaalka iyo tangiyada. Waxay sidoo kale casriyeeyeen hubka. Soo dhoofinta qalabka difaaca ayaa kordhay. Sanadkii 2014, bandow hubka ah ayaa lagu soo rogay Ruushka.
Inkastoo muddo dheer dib u habeyn lagu samenayay, militariga Ruushka kama gaarin guushii uu ka filayay gudaha Ukraine. Ciidamada ayaa la daalaa dhacaya dhibaatooyin dhanka farsamada. Taangiyadooda ayaa ka sii daraya istaraaiijiyaddoodana ma hagaagsana.











