Maxaa ka dambeeyey in dowladda Soomaaliya ay xiriirka u jarto Imaaraadka Carabta

Xigashada Sawirka, X
Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray go'aan rasmi oo ay xiriirka ugu jarayaan dowladda Imaaraadka carabta. Golaha ayaa ku sheegay qoraal ay soo saareen in ay burriyeen dhammaan heshiisyadii lala galay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta oo ay ku jiraan hay'adaha maamulka dowladeed, iyo maamul-goboleedyada ka jira gudaha Soomaaliya.
Warsaxaafadeedka oo soo baxay gelinkii dambe ee maanta ayaa lagu sheegay in la joojin doono dhammaan hawlihii ay Imaaraadka Carabta ka wadeen magaalooyinka Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo.
Sidoo kale, waxa ay golaha sheegeen tallaabadan ay timid kadib markii ay heleen warbixinno ay ku go'aan gaari karaan, "Go'aankaan waxa uu la xiriiraa warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada,midnimada qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee dalka", ayaa lagu yiri qoraalka.
Khilaafka labada dal ayaa salka ku haya arrimo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin 'faragelin siyaasadeed, taageero ay siisay Imaaraadka maamul goboleedyada Dowladda Federaalka, iyo khilaafyo la xiriira arrimaha amniga iyo tababarka ciidamada'.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey dhowr jeer u muujisay walaac ku saabsan doorka Imaaraadka Carabta ee ku aadan gudaha dalka, gaar ahaan xiriirka tooska ah ee uu la yeeshay maamul goboleedyada, taas oo ay ku tilmaantay mid dhaawacaysa midnimada qaranka.
Hawlaha Iimaaraadka ee Soomaaliya
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Soomaaliya ka qabata hawlo kala duwan oo isugu jira ganacsi, amni, gargaar bini'aadannimo iyo saameyn siyaasadeed oo ay ku leedahay maamullada ka jira dalka iyo dowladda dhexe.
Dhanka ganacsiga iyo dekedaha, Imaaraadku waxa uu door weyn ku leeyahay maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekedaha Soomaaliya.
Shirkadda DP World oo laga leeyahay Imaaraadka ayaa maamusha dekedda Berbera, waxaana mashruucaas ay ku maageliyeen lacag gaaraysa $442 milyan oo doollar.
Dhanka amniga iyo tababarka ciidamada, Imaaraadka ayaa muddo sanado ah tababar iyo taageero siinayay cutubyo ka tirsan ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Booliska iyo Militariga.
Dhanka gargaarka bini'aadannimo, Imaaraadka Carabta waxa uu Soomaaliya ka fuliyaa mashaariic gargaar ah, oo ay ka mid yihiin caawinta dadka ay saameeyeen abaaraha, daadadka iyo colaadaha. Imaaraadku wuxuu sidoo kale dhisay isbitaallo, dugsiyaal iyo ceelal biyoodyo, gaar ahaan gobollo iyo magaalooyin ka mid ah dalka.
Eedeemaha Dowladda Soomaaliya
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa hore ugu eedeysay Imaaraadka inuu si toos ah ula shaqeeyo maamulo goboleedyo gaar ah, taas oo ay ku tilmaantay faragelin ku ah nidaamka federaalka iyo midnimada dalka.
Todobaadkii hore ayey markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay ka walaacsan tahay "isticmaalka aan la fasixin ee hawada iyo garoomada Soomaaliya ayada oo safar hawada ah loo fududaynayo shaqsi baxsad ah oo siyaasi ah". Markaas oo dowladda Imaaraadka lagu eedeeyey inay "garoomada dalka" qaarkood sii marsiisay Caydaruus Al Zubayd oo ah hogaamiyihii kooxaha ka dagaalama dalka Yaman oo u dhoofay Abu Dhabi.
Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya waxay sheegtay in, ayadoo la shaqaynaysa hay'adaha kale ee dalka ay bilaabeen baaritaan degdeg ah sameeyeen si ay u hubiyaan warbixinta safarka Caydaruus
"Haddii la xaqiijiyo wuxuu falkaasi noqonayaa xadgudub ba'an oo loo gaystay madax banaanida iyo xeerarka socdaalka ee Soomaaliya. In loo fududeeyo qof baxsad ah, ama laga sameeyo dhul Soomaaliyeed hawlgallo dhinac kaliya ah, ayadoo aan loo haysan fasax sharci ah waa mid aan la aqbali karin" ayaa lagu yiri qoraalka.
Dhanka kale, dowladda Imaaraadka Carabta lagu eedeeyey in ay adeegsato garoomo iyo dekado ay kamid yihiin garoonka magaalada Boosaaso, iyada oo 'ka dhoofisa, kana soo dejisa ciidan, saanad ciidan iyo qalab kale, kuwaas oo aysan ka war haynin dowladda dhexe ee Soomaaliya', inkasta oo aysan BBC-du xogtaan si madax banaan u xaqiijin karin.
Maaha markii u horreesay ee uu xumaado xiriirka u dhaxeeya labada dal, sanadkii 2018-kii ayey ahayd markii hakad lagu sameeyey howlihii Imaaraaadka ka fulin jireen Soomaaliya.
Qoraalka galabta soo baxay ayaa waxaa wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya lagu amray in ay dhaqan galiso go'aanka, "Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxaa la farayaa in ay si rasmi ah u gaarsiiso Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta go'aannadaan, kalana shaqayso hirgelintooda iyada oo sida oo kale gaarsiinaysa saaxiibada caalamiga iyo kuwa gobolka sida Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, isla markaasna caddaynaysa xuquuqda madaxbannaani ee dalka iyo awoodihiisa dastuuriga ah", ayaa lagu yiri warqadda ay soo saareen Golaha wasiirrada.
Dowladda Soomaaliyaa ayaa sheegtay in uu weli diyaar u tahay iskaashi caalami ah, kaas oo ku dhisan ixtiraamka labada dhinac ah, aqoonsiga madaxbannaanida Soomaaliya, iyo u hoggaansanaanta mabaadi'da dastuuriga ah iyo kuwa caalamiga ah. Waxa ay intaas ku dartay in go'aankan la qaatay iyadoo la raacayo danaha qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.









