Loollanka u dhaxeeya fanaanka caanka ah iyo hogaamiyaha awoodda badan - waxa aad u baahan tahay inaad ka ogaato doorashada Uganda

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iyadoo dadka reer Uganda ay toddobaadka soo socda u dareerayaan goobaha codbixinta, waxay wajahayaan doorasho ah in ay sii xoojiyaan hoggaamiye talada hayay tobannaan sano, ama ay taageeraan musharrax doonaya inuu ka faa'iideysto rabitaanka isbeddel ee ka imanaya qaybo ka mid ah bulshada.
Madaxweynaha Yoweri Museveni, oo 81 jir ah, kana talinayay dalka tan iyo 1986, ayaa doonaya inuu ku guuleysto doorashadiisii toddobaad oo xiriir ah.
Musharraxa ugu weyn ee la tartamaya waa fannaan hore oo noqday siyaasi, Bobi Wine, 43 jir ah, kaas oo ballanqaaday isbeddel weyn oo ku yimaadda hoggaanka dalka iyo dib-u-habayn ballaaran.
Ololaha doorashada waxaa hareeyay carqaladayn lagu sameeyay hawlaha mucaaradka, oo ay ka mid yihiin xiritaanka dad u ololeeya mucaaradka iyo kala diridda isu-soo-baxyada ay boolisku sameeyeen.
Iyadoo heerka shaqo la'aanta dhalinyaradu uu aad u sarreeyo, gaar ahaan dal ay inta badan dadkiisu ka yar yihiin 30 sano, dhaqaalaha ayaa noqday arrin si weyn diiradda loogu saaray ololaha doorashada.
Goorma ayaa la qabanayaa doorashada guud ee Uganda?
Codbixintu waxay ku beegan tahay Khamiista, 15-ka Janaayo. Goobaha codbixinta ayaa la filayaa inay furmaan 07:00 subaxnimo waqtiga maxalliga ah (04:00 GMT), isla markaana ay xirmaan 16:00 galabnimo. Qof kasta oo safka ku jira waqtigaas waxaa loo oggolaan doonaa inuu codeeyo.
Maxay dadka reer Uganda u codeynayaan?
21.6 milyan oo codbixiyeyaal ah oo isdiiwaangeliyey ayaa ka qayb qaadanaya saddex doorasho:
Doorashada Madaxweynaha – waxaa jira siddeed musharrax oo laga kala dooranayo
Doorashada Baarlamaanka (1) – 353 xildhibaan oo laga soo dooranayo deegaannada (constituencies) ayaa la dooranayaa
Doorashada Baarlamaanka (2) – 146 wakiil oo haween ah (mid walba degmo ka socota) ayaa la dooranayaa
Yaa noqon kara madaxweynaha xiga?

Xigashada Sawirka, Getty Images / Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Museveni iyo Bobi Wine ayaa ah labada musharrax ee ugu horreeya liiska siddeed musharrax oo dhammaantood rag ah.
Tani waa markii labaad ee ay ku kulmaan sanduuqa codbixinta, iyadoo madaxweynaha uu ku guuleystay doorashadii 2021, taas oo ay hareeyeen eedeymo la xiriira wax-is-daba-marin iyo tallaabooyin adag oo lagu qaaday mucaaradka. Museveni wuxuu helay 58% codadka, halka Bobi Wine uu helay 35%.
Yoweri Museveni – Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Iska-caabbinta Qaran (NRM)
Museveni wuxuu markii ugu horreysay xukunka kula wareegay awood ciidan 40 sano ka hor, isagoo ahaa hoggaamiyaha ciidan jabhadeed ballanqaaday inuu dib u soo celin doono dimuqraadiyadda kaddib sannado dagaal sokeeye iyo taliskii kaligii-taliska ahaa ee Idi Amin.
Markii hore waxaa loo arkayay inuu ka mid yahay jiil cusub oo hoggaamiyeyaal Afrikaan ah oo la filayay inay horseedaan xilli cusub oo dimuqraadi ah, balse eedeymo isa soo taraya oo ku saabsan xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah iyo dhibaateynta hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa sumcaddaas dhaawacay.
Dadka dhaliila waxay sheegaan inuu dalka ku maamulayay gacan bir ah tan iyo markii uu xukunka qabsaday, isla markaana uu ka baxay ballanqaadyadii uu ku sheegay inuu xilka ka degi doono, taasoo keentay in uu noqdo madaxweynaha keliya ee inta badan dadka reer Uganda ay yaqaannaan.
Hadda waa hoggaamiyaha saddexaad ee ugu muddada dheer xukunka Afrika, Museveni wuxuu ka faa'iidaystay laba wax-ka-beddel oo dastuurka lagu sameeyay — kuwaas oo meesha ka saaray xadka da'da iyo muddada xilka — taasoo u saamaxday inuu marar kala duwan oo kale u tartamo jagada madaxweynaha.
Isagu wuxuu ku doodayaa inuu weli yahay dammaanadda keliya ee xasilloonida iyo horumarka dalka.
Bobi Wine – Xisbiga National Unity Platform (NUP)
Bobi Wine, oo ahaa fannaan caan ah, magaciisana dhabta ah yahay Robert Kyagulanyi, ayaa si weyn loo aaminsan yahay inuu yahay musharraxa mucaaradka ugu xooggan toddobada musharrax ee mucaaradka ah.
Mar waxaa loogu yeeri jiray "madaxweynaha ghetto-ga", waxaana loo arkaa inuu metelo hamiga dhalinyarada ee isbeddel doonka ah, isagoo taageero xooggan ka haysta dhalinyarada, dadka magaalooyinka ku nool iyo dabaqadda shaqaalaha.
Bobi Wine wuxuu isu muujiyay musharrax dhab ah shan sano ka hor, markaas oo uu kaalinta labaad galay isla markaana uu hoos u dhigay Museveni saamigii codadka ee ugu hooseeyay ee uu ka helo doorasho kasta oo uu ka qayb galay. Xisbiga NUP ee Bobi Wine ayaa noqday xoogga mucaaradka ugu weyn ee baarlamaanka.
Tan iyo doorashadaas, Bobi Wine wuxuu sii waday inuu la kulmo dhibaateyn iyo cadaadis kaga imanaya ciidamada ammaanka.
Musharraxiinta kale waa Frank Bulira, Robert Kasibante, Joseph Mabirizi, Nandala Mafabi, Mugisha Muntu iyo Mubarak Munyagwa.
Hoggaamiye mucaarad oo caan ah, Kizza Besigye, oo afar jeer kula tartamay Museveni, ma awoodin inuu ka qayb qaato doorashada, wuxuuna weli ku xiran yahay xabsi isagoo wajahaya eedeymo khiyaano qaran kadib markii lagu xiray dalka dariska ah ee Kenya sannadkii 2024. Isagu wuu beeniyay dhammaan eedeymaha loo jeediyay.
Maxay yihiin arrimaha ugu waaweyn ee codbixiyeyaasha ka walaacsan yihiin?
Arrimaha dhaqaalaha, gaar ahaan shaqo la'aanta, ayaa si weyn maskaxda ugu haya dad badan marka ay isu diyaarinayaan inay codeeyaan.
Celceliska dakhliga qofkiiba si tartiib ah balse joogto ah ayuu u kordhay tan iyo xilligii cudurka faafa, hase yeeshee ma jiraan shaqooyin ku filan oo la jaanqaadi kara tirada sii kordheysa ee dhalinyarada shaqo doonka ah.
Waxaa sidoo kale jira walaac la xiriira kaabeyaasha oo liita iyo farqiga u dhexeeya helitaanka waxbarasho tayo leh iyo adeegyo caafimaad oo wanaagsan.
Si kastaba ha ahaatee, dalka wuxuu ku guuleystay inuu ka badbaado kororka weyn ee qiimaha nolosha oo saameeyay dalal badan oo gobolka ah, isla markaana cadaadis ku abuuray hoggaamiyeyaasha talada haya.
Musuqmaasuqu waa walaac kale oo weyn.
Uganda waxay kaalinta 140aad kaga jirtaa 180 dal oo ku jira Qiimeynta Sannadlaha ah ee Aragtida Musuqmaasuqa ee Transparency International, iyadoo la soo sheegayo laaluush baahsan iyo eex-qaraabaysi ay ka dhex jira hay'adaha dowladda.
Ma noqon doontaa doorashadu mid xor iyo caddaalad ah?
Habka loo qabto doorashooyinka Uganda ayaa marar badan la dhaliilay. Markan, mas'uuliyiintu waxay sheegeen in codbixintu noqon doonto mid xor ah oo caddaalad ah, balse khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ka digay in taasi aysan dhici karin, iyagoo tixraacaya waxa ay ku tilmaameen "jawi cabsi baahsan" ee ka jira Uganda.
Intii lagu jiray muddada ololaha, taageerayaasha mucaaradka ayaa la kulmay dhibaateyn sii kordheysa, oo ay ku jiraan xarig sababo siyaasadeed la xiriira, sida ay sheegeen ururrada xuquuqda aadanaha.
Isu-soo-baxyada Bobi Wine, si ka duwan kuwa Museveni, ayaa waxaa carqaladeeyay ciidamada ammaanka.
Amnesty International ayaa ku tilmaantay adeegsiga gaaska ilmada, buufinta basbaaska, garaacista, iyo falal kale oo rabshado ah inay yihiin "olole arxan-darro ah oo cabburin ah" ka hor doorashada.
Dowladdu waxay sheegtay in tallaabooyinkaas ay lagama maarmaan u yihiin hubinta in doorashadu noqoto mid nabad ah, isla markaana looga hortago qof kasta oo kicin kara rabshado maalinta codbixinta.
Marka la eego habraaca doorashada, Bobi Wine wuxuu ku boorriyay codbixiyeyaasha inay ku sugnaadaan goobaha codbixinta si ay u ilaaliyaan codadkooda, taas oo uu sheegay inay ka hortagi karto wax-is-daba-marin codbixin.
Hase yeeshee, mas'uuliyiinta doorashada ayaa sheegay in dadka ay si nabad ah u codeeyaan kadibna ay goobta ka tagaan, iyagoo ballanqaaday in tirinta codadka ay noqon doonto mid hufan, isla markaana ay goob joog ka noqon doonaan wakiillada xisbiyada, warbaahinta iyo kormeerayaasha doorashada. Si kastaba ha ahaatee, dadka dhaliila ayaa shaki geliyay madax-bannaanida guddiga doorashooyinka.
Inkasta oo dowladdu ay beenisay, haddana waxaa jira cabsi ku saleysan waayo-aragnimo hore oo ah in internet-ka la xiro inta lagu jiro doorashada, si looga hortago dadka inay xaqiijiyaan natiijooyinka. Xisbiga NUP ayaa sheegay inuu leeyahay app lagu kormeero codbixinta oo ka gudbi kara caqabaddaas, isagoo adeegsanaya tiknoolajiyadda Bluetooth.
Goorma ayaan ogaan doonaa natiijada?

Xigashada Sawirka, Reuters
Haddii wax walba u dhacaan sidii loo qorsheeyay, natiijada doorashada madaxweynaha waa in la ogaadaa ugu dambayn 16:00 waqtiga maxalliga ah (13:00 GMT) Sabtida, 17-ka Janaayo.
Arrintan waxay sabab u tahay in sharcigu ku waajibiyo guddiga doorashooyinka inay ku dhawaaqaan natiijada doorashada madaxweynaha 48 saacadood gudahood laga bilaabo marka codbixintu dhammaato. Goobaha codbixinta waxaa la filayaa inay xirmaan 16:00 waqtiga maxalliga ah Khamiista.
Dalkan ku yaalla Bariga Afrika, ayaa sidoo kale ay ku nool yihiin jaaliyad ballaaran o Soomaali ah kuwaas oo qaarkood halkaas ku leh ganacsiyo waaweyn iyo yar yarba.
Sidoo kale Uganda waxaa ku yaalla xerooyin qaxooti oo ay ku nool yihiin Soomaali badan oo halkaas gaaray xilliyadii ay colaadaha sokeeye ka jiraan gudaha Soomaaliya.













