Muuqaal cusub oo laga helay toogashadii ka dhacday Minneapolis

Xigashada Sawirka, Alpha News
Muuqaal uu duubay sarkaal ka tirsan hay'adda socdaalka Maraykanka oo si bareer ah u toogtay haweeney ku sugnayd Minneapolis Arbacadii ayaa soo baxay, kaas oo muujinaya daqiiqadihii ka horreeyay markii rasaastu dhacday.
Muuqaalka oo soconaya 47 ilbiriqsi, ayna heshay warbaahinta Alpha News ee fadhigeedu yahay Minnesota, wuxuu muujinayaa Renee Nicole Good oo ku fadhida kursiga darawalka gaarigeeda, islamarkaana la hadlaysa sarkaalka.
Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka, JD Vance, ayaa muuqaalka ku wadaagay baraha bulshada, isaga oo faallo ku daray in sarkaalka uu ku dhaqmay is-difaac. Mas'uuliyiinta Minnesotana waxay ku adkaysteen in haweeneydu aysan wax halis ah ahayn asksriga.
Geerideeda Good waxay dhalisay mudaaharaadyo ka dhacay daafaha Maraykanka.
Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Good ay isku dayday in ay dardarto sarkaal ka tirsan Hay'adda Socdaalka iyo Kastamyada Maraykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICE), fal ay ku tilmaameen "argagixisonimo", kaddib markii ay carqaladeysay hawsha hay'adda.
Duqa magaalada Minneapolis, Jacob Frey oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa sheegashada ICE ku tilmaamay "been cad", isaga oo ku salaynaya muuqaalka la arkay.
BBC-da ayaa weydiisay Waaxda Amniga Gudaha iyo Aqalka Cad in ay ka faalloodaan muuqaalka cusub ee soo baxay Jimcihii.
Muuqaalka wuxuu ku bilaabmaa sarkaalka oo ka soo degaya gaarigiisa, ka dibna duubaya baabuurka Good iyo taarikadiisa, isaga oo ku wareegaya gaariga oo nuuciisu ahaa Honda SUV ah. Kursiga dambe gaariga waxaa waxaa saaran eey.
Good waxay leedahay: "Waa hagaag saaxiib, anigu kuuma xanaaqsani."
Wadada dhankeeda waxaa taagan Becca Good, iyadoo taleefankeeda gacanta ku duubaysa wadahadalka dhex maraya akariga iyo dhibbanaha. Good waxay ku leedahay sarkaalka ICE: "Waa iska caadi, kuma khasbanin in subax walba beddelno taarikada gaarigeenna, si un aad u ogaato. Taarikadu tabtaas ayey ahaan doontaa marka xiga ee aad nala hadasho."
Waxay intaas ku dartay: "Ma doonaysaa in aad na soo doonato? Ma doonaysaa in aad noo soo duusho? Waxaan ku oran lahaa nin yahow shaqo yeelo oo iska qado tag."
Sarkaal kale ayaa u soo dhowaanaya dhinaca darawalka, isaga oo ku dhawaaqaya eray aflagaaddo ah, kuna leh: "Ka soo deg gaariga."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sarkaalka duubaya muuqaalka ayaa u soo wareega gaariga hortiisa, xilli Good ay gadaal u kala wareegeyso.
Ilbiriqsiyo kooban oo qalalaase ah gudaheed, waxay isteerinka u jareysaa dhinaca midig, ka hor inta aysan horay u dhaqaaqin.
Kaamiradu cirka ayay u boodeysaa. Cod ayaa leh: "Wah, Wah!" iyadoo dhawaaqa rasaasta la maqlayo.
Qaybta ugu dambeysa ee muuqaalka, gaariga ayaa la arkayaa isagoo ku taraaraxaya socda waddada. Askeriga ICE ayaa la maqlayaa isagoo caytamaya.
Muuqaallo kale oo horey loo sii dayeeye oo isla goobta ku saabsan ayaa muujinaya gaari SUV ah oo midabkiisu yahay cas madow (maroon) oo ku dhacay waddada dhinaceeda, kaddib markii haweeneydii waddey uu askerigu toogtay.
Askeriga ICE ayaa u muuqda in aysan ka qasneyn, waxaana mar dambe muuqaallo kale lagu arkayaa isaga oo ku sii socda gaariga Good ee shilka galay.
Mas'uuliyiinta federaalka ayaa ku andacoodey in askeriga la dhaawacay lana geeyay isbitaalka si loo daaweeyo. FBI-da ayaa baaritaan ku samaynaysa dhacdadan.
Askeriga Good toogtay ayaa lagu magacaabay Jonathan Ross, kaas oo lagu sheegay in uu yahay sarkaal khibrad leh oo in muddo ah ka tirsanaa hay'adda ICE, kaas oo horey ugu dhaawacmay shil gaari xilli uu shaqo ku jirey.

Xigashada Sawirka, ODU
Madaxweynaha Mareykanka oo asagoo jooga Aqalka Cad Jimcihii wax laga weydiiyey dhacdadan, ayaa yiri: "Waxaad adeegsaneysaan qaswadeyaal, annaguna mar walba waan difaacaynaa ICE. Sidoo kalena waan difaacaynaa ilaalada xuduudaha iyo ciidamada amniga."
Madaxwetne Ku-xigeen Vance ayaa mar kale Jimcihii wuxuu muuqaalka ku wadaagey barta X, isaga oo difaacaya ficilka sarkaalka, kuna yiri: "Xaqiiqadu waxay tahay in noloshiisu khatar gashay, wuuna is-difaacay."
Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa iyaduna dib u wadaagtay muuqaalka, iyadoo warbaahinta ku eedeysay in ay wadaan sumcad dil ka dhan ah sarkaalka ICE oo ay sheegtay "si sax ah isu difaacay, si looga gaashaanto gaari la marsiiyo."
Lammaanaha Good ayaa udhankeeda warbaahinta maxalliga ah u sheegtay in labadooduba ay u tageen goobtaas oo uu ka socday mudaharaad, si ay u taageeraan deriskooda. Waxayna intaas ku dartay: "Waxaan wadanay firinbiyo, iyaguna waxay wateen qoryo."
Haweeneyda oo sii hadleysa ayaa sheegtay in Good ay ahayd hooyo saddex carruur ah leh, oo uu ku jiro wiil lix jir ah — waxayna ku tilmaantay: "Qof naxariis badan."
Dibadbaxayaal ayaa habeenkii saddexaad oo mudaharaadyo ka dhan ah dilka Good ka dhigay meeshii ay ku geeriyootay iyo bannaanka hoteel ku yaalla magaalada, kaas oo la rumeysan yahay inay deggenaayeen qaar ka mid ah saraakiisha ICE.
Waaxda Badbaadada Dadweynaha ee Minnesota ayaa sheegtay inay ka caawisay booliska qabashada dad looga shakiyay isu-imaatin sharci-darro ah, kaddib markii ay tageen aag ku dhow hoteelka Canopy ee magaalada, islamarkaana ay bixiyeen amarro kala diris ah. Waaxdu waxay intaas ku dartay inay heshay "xog muujinaysa in mudaharaadyada laga yaabo in ay isku beddelaan kuwo rabshada wata, taas oo haddii ay dhacdo sababi karta burbur hantiyeed."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Guddoomiyaha Minnesota, Tim Walz, ayaa horey u sheegay in uu hawlgeliyay Ilaalada Qaranka ee gobolka si ay uga caawiyaan sugidda amniga mudaharaadyada.
Jimcihii, mas'uuliyiinta Minnesota ayaa sheegay in ay furi doonaan baaritaan ku saabsan toogashada, kaddib markii ay sheegeen in laga reebay baaritaanka heer federaalka.
Donald Trump oo Jimcihii wax laga weydiiyay in FBI-du natiijada baaritaankooda la wadaageyso Minnesota, wuxuu yiri: "Caadiyan waan sameyn lahaa, laakiin waa mas'uuliyiin musuqmaasuq ah."
Xeer-ilaaliyaha ugu sarreeya Degmada Hennepin, Mary Moriarty, iyo xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka oo Dimuqraadi ah, Keith Ellison, ayaa sheegay inay bilaabayaan baaritaan u gaar ah.
Arrintan waxay timid maalin kaddib markii Hay'adda Dambibaarista Minnesota ay sheegtay in FBI-du ay markii hore ballanqaadday baaritaan wadajir ah, balse ay goor dambe ka laabatay.
Mid ka mid ah hay'adaha federaalka ee aan ku lug lahayn dhacdadan waa Qaybta Xuquuqda Madaniga ah ee Waaxda Cadaaladda Maraykanka, taas oo horey u baartay eedeymo la xiriira adeegsiga awood xad-dhaaf ah ee booliska.
Si kastaba ha ahaatee, ilo wareedyo ayaa u sheegay warbaahinta Maraykanka ee CBS News oo wadashaqeyn la leh BBC, in xeer-ilaaliyeyaashu ay ku wargeliyeen waaxda dembiyada in aan baaritaan lagu samayn doonin kiiskan.
Guddoomiye Walz, oo Dimuqraadi ah, ayaa ku eedeeyay maamulka Trump in ay mas'uuliyiinta gobolka iska hortaageen hawsha baaritaanka, halka JD Vance uu ku adkeystay in arrintu tahay mid u taal dowladda federaalka.













