Reza Pahlavi: Wiilka Shaahii ugu dambeeyay ee Iiraan ee xuddunta u noqday mudaaharaadyada

Dad badan ayaa u haliilaya in dib loo soo celiyo boqortooyadii Iiraan.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Shaahii hore ee Iiran Maxamed Reza Shah Pahlavi

Mudaaharaadayaal badan oo ku sugan Iiraan ayaa ku baaqaya in uu soo laabto Reza Pahlavi oo ah wiilka Shaahii (boqorkii) ugu dambeeyay ee Iiraan, kaas oo dibed-joog ah.

Pahlavi laftiisu wuxuu ku baaqay in dadku waddooyinka isugu soo baxaan. Haddaba, waa kuma amiirkii hore ee dhaxal sugaha ahaa, inteese le'eg tahay taageerada uu ka haysto gudaha Iiraan?

Reza Pahlavi oo tan iyo dhalashadiisii loo ababinayey in uu dhaxlo Khasriga Daa'uuska ee looga arrimin jirey Iiraan, wuxuu ku jiray tababar duuliyenimo diyaaradaha dagaalka ah oo uga spocday dalka Maraykanka, markii kacaankii 1979-kii meesha ka saaray boqortooyadii aabbihiis.

Isagoo ka maqan dalka ayuu kor kala socdey d aabbihii, Maxamed Reza Shah Pahlavi oo wallow uu xiriir dhow la lahaa dalalka reer galbeedka, haddana dhib ka maraya helidda magangelyo dal shisheeye, ugu dambayna ugu geeriyooday cudurka kansarka dalka Masar.

Luminta deg-degga ah ee awoodda ayaa ka dhigtay amiirkii yaraa iyo qoyskiisaba dad aan dal lahayn, kuna tiirsan taageero sii gureysay oo loo hayey boqortooyada iyo dad safaleyaal ah oo dibadda ku noolaa.

Tobannaan sano ee xigayna, masiibo ayaa qoyska ku dhacday dhowr jeer. Labo ka mid ah walaalihiis ayaa is diley, taas oo ka dhigtay isaga astaanta qura ee ka nool silsiladdii boqortooyo oo dad badani u haysteen in ay taariikhda ka baxday.

Maanta, isagoo 65 jir ah, Reza Pahlavi mar kale ayuu doonayaa in uu door ka ciyaaro qaabeynta mustaqbalka dalkiisa.

Wuxuu ku nool yahay guri ku yaalla xaafad deggan oo u dhow Washington DC, waxayna taageerayaashiisu ku sifeeyeen in uu yahay qof deggen oo si fudud loo tiigsan karo — badanaa taga maqaaxiyaha xaafadda, isagoo ay weheliso xaaskiisa Yasmine, isla markaana aan lahayn ilaalo muuqata.

Sannadkii 2022, markii qof jid-mar ah weydiiyay in uu isu arko hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa mudaharaadyada Iiraan, isaga iyo Yasmine ayaa la sheegay in ay wada yiraahdeen: "Isbeddelku waa in uu ka yimaadaa gudaha."

Iiraan

Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock

Qoraalka sawirka, Reza Pahlavi iyo Xaaskiisa yaasmiin
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si kastaba ha ahaatee, sannadihii u dambeeyay hadalkiisu wuu adkaaday. Kadib duqeymo cirka ah oo Israa'iil ka fulisay 2025 oo lagu dilay saraakiil sarsare oo reer Iraan ah, Pahlavi wuxuu shir jaraa'id oo Paris ka dhacay ka sheegay in uu diyaar u yahay in uu gacan ka geysto hoggaaminta dowlad ku-meel-gaar ah, haddii Jamhuuriyadda Islaamiga Iran ah ay burburto.

Tan iyo markaas, wuxuu soo bandhigay qorshe 100 maalmood ah oo loogu talogalay maamul ku-meel-gaar ah.

Pahlavi wuxuu ku adkeysanayaa in kalsoonidan cusub ay ka timid casharro uu ka bartay musaafurisnimada iyo waxa uu ugu yeero "hawshii aan dhammaan" ee aabbihii ka tagay.

"Tani ma aha dib u soo celinta wixii hore," ayuu u sheegay wariyeyaasha Paris. "Waxay ku saabsan tahay sugidda mustaqbal dimuqraadi ah oo ay wada helaan dhammaan Iiraaniyiintu."

Sanadihii u dambeeyay, Pahlavi waxaa gashay yididiilo cusub. Hal-ku-dhigyo ay ka mid yihiin "Reza Shah, kugu maalnay" — oo loola jeedo awoowgiis — ayaa dib u soo muuqday intii lagu jiray mudaharaadyadii ka dhanka ahaa dowladda sannadkii 2017.

Dilkii Mahsa Amini ee xabsiga booliiska ku dhimatay 2022 ayaa huriyay mudaaharaadyo dalka oo dhan ah, taasoo mar kale dib ugu soo celisay fagaaraha warbaahinta.

Isku daygiisii ahaa in uu mideeyo mucaaradka kala qaybsan ee Iiraan wuxuu soo jiitay xiise caalami ah oo taxaddar leh, balse ugu dambayn wuu ku guuldareystay in uu sii wado firfircoonida halgankiisa . Dadka siyaasadda gorfeeya waxay ku doodaan in uusan weli dhisin urur adag ama warbaahin madaxbannaan, inkastoo uu afaratan sano dibadda ku maqnaa.

Booqasho muran dhalisay oo uu ku tagay Israa'iil 2023, halkaas oo uu kaga qeybgalay xuska xasuuqii Holocaust-ka, islamarkaana la kulmay Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, ayaa sii kala fogeysay isaga iyo aragtida dadweynaha. Qaar ka mid ah Iiraaniyiinta waxay u arkeen xiriir macquul ah; kuwo kalena waxay u arkeen mid ka fogeynaya xulafada Carabta iyo Muslimiinta ee Iiraan. Duqeymihii Israa'iil ka fulisay gudaha Iiraan ka dibna, wuxuu wajahay su'aalo adag.

Wareysi ay la yeelatay Laura Kuenssberg oo BBC ka tirsan, Pahlavi waxaa wax laga weydiiyay in uu taageersan yahay weerarrada Israa'iil oo khatar gelin kara nolosha rayidka. Wuxuuna ku adkeystay in dadka caadiga ah ee Iiraan aan la bartilmaameedsan, isagoo intaas ku daray in "wax kasta oo wiiqa nidaamka" ay soo dhaweynayaan dad badan oo ku sugan gudaha Iiraan — hadalladaasina waxay dhaliyeen dood kulul.

Taageero iyo diidmo is garab yaal

Iiraan

Xigashada Sawirka, UPI/Bettmann Archivces Getty Images

Qoraalka sawirka, Waxaa jira dad ka shaki qaba in la isku beddelo labo hoggaamiye oo aan la dooran

Maanta, Pahlavi wuxuu isu isku muujinayaa in uusan ahayn boqor sugaya khasriga, balse uu yahay astaan midnimo qaran.

Wuxuu sheegay in uu doonayo in uu door ka qaato hagidda Iiraan, gaar ahaan dhanka dimuqraadiyadda, sida qabsoomidda doorashooyin xor ah, ku dhaqanka sharciga, iyo xuquuqda haweenka ah — isaga oo go'aanka ugu dambeeya ee ku saabsan soo celinta boqortooyada ama dhisidda jamhuuriyad u daaya afti qaran.

Taageerayaashiisu waxay u arkaan in uu yahay shakhsiga ugu mudan mucaaradka ee leh magac-aqoonsi ballaaran iyo ballanqaad muddo dheer ah oo ku wajahan isbeddel waara.

Dhaleeceeyayaashu, dhankooda, waxay ku doodaan inuu aad ugu tiirsan yahay taageero shisheeye, isla markaana ay shaki ka qabaan in Iiraaniyiinta gudaha dalka ku nool — oo daal ka qaaday tobannaan sano oo qalalaase siyaasadeed ah — ay diyaar u yihiin inay ku kalsoonaadaan hoggaamiye dibadda ku nool.

Iyadoo dowladda Iiraan ay u sawirto in uu halis ku yahay qaranimada, haddana suurtagal ma aha in si dhab ah loo cabbiro taageerada dhabta ah ee uu haysto, taasna waxaa ugu wacan iyadoo aysan jirin fagaare siyaasadeed oo furan iyo sahanno lagu kalsoonaan karo.

Qaar ka mid ahbulshada reer iiraan weli way qadariyaan magaca qoyskiisa; kuwo kalena waxay ka baqayaan in hoggaamiye aan la dooran lagu beddelo midka hadda jira, xitaa haddii uu ku hoos gambado dimuqraadiyad.

Meydka aabbihii Pahlavi weli wuxuu ku aasan yahay magaalada Qaahira, iyadoo dadka taageersan soo noqoshada boqortooyadu ay quuddarreynayaan in maalin uun la soo qufo, laguna soo celiyo Iiraan.

Laakiin ma cadda in amiirka musaafurka ah uu mar un arki doono maalintaas, tanina waxay ka mid tahay su'aalaha badan ee aan weli jawaab loo helin ee ku saabsan qaran weli la daalaa dhacaya la tacaalidda taariikhdiisii hore.