Qiimaha shidaalka oo sare u kacay ka dib markii maraakiib lagu weeraray marinka Hormuz

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Qiimaha Shidaalka Adduunka ayaa sare u kacay ka dib markii ugu yaraan saddex markab lagu weeraray meel u dhow marinka Hormuz, iyadoo Iran ay weli sii waddo duqeymaha ay ka geysaneyso Bariga Dhexe oo ay kaga jawaabayso weerarada joogtada ah ee Mareykanka iyo Israa'iil.

Laba markab ayaa lagu dhiftay, "hub aan la garanayn" waxaana la sheegay in hubka uu "ku qarxay meel aad ugu dhow" markabka saddexaad, sida ay sheegtay Xarunta Hawlaha Ganacsiga Badaha ee UK (UKMTO).

Iran ayaa uga digtay maraakiibta in aysan soo dhaafin marin biyoodkaasi oo qaada qiyaastii 20% shidaalka iyo gaaska aduunka.

Maraakiibta caalamiga ah ayaa ku dhawaaday inay ka istaagaan halka laga soo galo marinka, iyadoo falanqeeyayaasha ay ka digayaan in iska horimaadka daba dheeraaday uu sare u qaadi karo qiimaha tamarta.

Markii ay suuqyada ganacsiga ee Aasiya furmeen aroornimada Isniinta ayaa qiimaha saliidda adduunka wuxuu kor u kacay in ka badan 10% ka hor inta aan faa'iidadaas yaraan isla subaxdii.

02:00 GMT, shidaalka Brent ee cayriin ayaa in ka badan 4% ka sarreeyay $76.16 (£56.53) fuustadii, halka saliidda Maraykanku ka baayac-mushtaro ay sidoo kale kor u kacday 4% $69.67.

"Suuqa maaha mid laga naxo" Saul Kavonic, madaxa cilmi-baarista tamarta ee MST Research ayaa u sheegay BBC.

"Waxaa jirta caddayn dheeraad ah in ilaa hadda, gaadiidka shidaalka iyo kaabayaasha wax soo saarka aysan ahayn bartilmaameedka koowaad ee dhinacna" ayuu raaciyay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Suuqa ayaa isha ku hayn doona calaamado muujinaya in maraakiibta isaga kala gooshta marinka Hormuz ay soo noqdaan, taasoo arki doonta qiimaha saliidda oo mar kale hoos u dhacaya" ayuu sii raaciyey.

Laakiin qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa ka digay inay ka badan karto $100 haddii ay dhacdo colaad daba dheeraata.

Axaddii ayaa kooxda OPEC + oo ah wadamada soo saara saliidda oo ay ku jiraan Sacuudiga iyo Ruushka waxay ku heshiiyeen inay kordhiyaan wax soo saarkooda 206,000 oo fuusto maalintii si ay uga caawiyaan in aan la dareemin saamaynta sicir kasta oo kor u kaca, laakiin khubarada qaar ayaa shaki galiyay in tani ay wax badan caawin doonto.

Edmund King, oo ah guddoomiyaha AA, ayaa ka digay carqaladaynta ay kor u qaadi karto qiimaha shidaalka adduunka oo dhan.

"Dhibaatada iyo duqeymaha ka socda Bariga Dhexe ayaa hubaal ah inay horseed u noqon doonaan in ay carqalad soo wajahdo qaybinta saliidda caalamka, taasoo keeni doonta sare u kaca qiimaha" ayuu yiri.

"Baaxadda iyo muddada kororka qiimaha shidaalka waxay ku xiran tahay inta uu khilaafku socdo".

Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegtay in saddex markab oo laga kala leeyahay dalalka UK iyo Mareykanka "lagu garaacay gantaallo ayna gubanayaan". UK iyo Mareykanka kama aysan hadlin.

.

UKMTO waxay sheegtay in "dhacdooyin badan oo dhinaca ammaanka ah" laga soo sheegay guud ahaan gacanka Carabta iyo gacanka Cumaan, waxayna kula talisay maraakiibta inay "si taxadar leh u maraan".

Ugu yaraan 150 maraakiibta shidaalka ah ayaa baroosinka dhigtay biyaha gacanka furan ee ka baxsan marin biyoodka Hormuz, in kasta oo in yar oo maraakib ah oo Iran iyo Shiinaha laga leeyahay ay maanta soo mareen, sida laga soo xigtay goobta la socodka maraakiibta ee Kpler.

"Hanjabaada Iiraan awgeed, marinka ayaa xirmay," Homayoun Falakshahi oo ka socda Kpler ayaa u sheegay BBC News.

"Maraakiibtu waxay qaadeen tallaabo taxaddar leh oo ah inaysan gudaha u gelin maadaama khatartu ay aad u badan tahay kharashkooda caymiskana uu cirka isku shareeray" ayuu sii raaciyey.

Waxa uu sheegay in Maraykanku ay u badan tahay inuu isku dayi doono inuu ilaaliyo marinnada maraakiibta, taas oo, haddii ay waxtar yeelato, ka hortagi doonta kor u kaca qiimaha saliidda, laakiin haddii xirnaanshuhu sii socdo muddo dheer qiimuhu wuxuu noqon karaa mid aad iyo aad u sarreeya".

UKMTO waxay sheegtay in labo markab oo aysan aqoonsanin ay ku dheceen gantaalo aan la garanayn, kuwaas oo sababay dab.

Hub aan la garanayn ayaa "ku qarxay meel aad ugu dhow markab seddexaad" ayay tiri, iyada oo intaa ku dartay shaqaalaha markabka, oo aysan sidoo kale aqoonsanin, inay bad qabaan oo wanaagsan yihiin.

Dhacdo afraad oo aaggaas ka dhacday ayaa sidoo kale lagu wargeliyay UKMTO, taasoo ay sheegtay inay ku lug lahayd daad gureynta shaqaalihii markabka, balse ma cadda sababta keentay.

Kooxda maraakiibta konteenarada ee Danishka ee Maersk ayaa bayaan ay soo saareen Axadii ku sheegay in ay joojin doonaan badmaaxinta marinka Bab el-Mandeb iyo Kanaalka Suweys, ayna dib u celin doonto maraakiibta inay maraan agagaarka Cape of Good Hope.

Iiraan iyo Israa'iil ayaa Axaddii billaabay weerarro dhinaca cirka ah oo ka dhan ah midba midka kale, ka dib markii duqaymo ay Maraykanka iyo Israa'iil ku dileen Sabtidii Hoggaamiyihii Ruuxiga ahaa ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, kuwaasoo sababay weerarro aargoosi ah oo lagu qaaday dalal dhowr ah oo ku yaalla Bariga Dhexe.

Duqeymo ayaa laga soo sheegayaa magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, caasimadda Qatar ee Dooxa, Bahrain iyo Kuwait.