Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha oo ka weecday Soomaaliya dal kalena ka degay

Shiinaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Diblamaasiga sare ee Shiinaha Wang Yi ayaa baajiyay booqasho taariikhi ah oo uu Jimcihii ku tegi lahaa Soomaaliya, isagoo taa beddelkeeda si toos ah ugu gudbay dalka Tansaaniya intii uu ku guda jiray socdaalkiisa waddamada Afrika.

Booqashadan ayaa noqon lahayd tii ugu horreysay ee wasiir arrimo dibadeed oo Shiine ah uu ku tago Soomaaliya tan iyo markii ay dowladdii duntay 1991-kii, waxaana la qorsheeyay xilli xasaasi ah oo ku soo beegantay wax yar ka dib markii Israa'iil ay aqoonsatay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland.

"Booqashadii wafdiga dowladda Shiinaha ee maanta (Jimcaha) ay ku imaan lahaayeen Soomaaliya waa ay dib u dhacday sababo la xiriira arrimo farsamo. Dowladda Shiinaha ayaa bayaan rasmi ah ka soo saari doonta arrintan," ayuu yiri mas'uul ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP isagoo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

Wang ayaa taas beddelkeeda si toos ah ugu duulay halka xigta ee qorshihiisa socdaalka, oo ah dalka Tansaaniya, waxaana la filayay inuu kula kulmo Madaxweyne Samia Suluhu Hassan magaalada Daarusalaam.

Tanzania

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi arrived oo ku sugan Dar es Salaam, January 9, 2025

Shiinaha ayaa maalgashi ballaaran ku sameeyay Tansaaniya sanadihii u dambeeyay, gaar ahaan aagga canshuurta yar ee dhaqaalaha gaarka ah, halkaas oo laga diiwaan geliyay 343 mashruuc oo uu Shiinuhu maalgeliyay oo qiimahoodu dhan yahay $3.1 bilyan sannadkii 2025 oo keliya, sida ay wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegtay bayaan.

Booqashadan ayaa sidoo kale timid xilli xiriirka Tansaaniya iyo reer Galbeedka ay wax u dhimeen dhaleeceyn loo jeediyay olole iska dhicin ah oo lagu qaaday dibadbaxayaashii doorashada sannadkii hore.

"Booqashadu waxay ujeeddadeedu tahay in la sii xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed iyo iskaashiga," ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Tansaaniya ku tiri bayaan ay soo saartay.

Wang ayaa Khamiistii joogay dalka Itoobiya si uu ula kulmo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed iyo madaxa Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Wang iyo Midowga Afrika ayaa lagu dhaleeceeyay aqoonsiga ay Israa'iil u aqoonsatay Somaliland.

Tansaaniya ka dib, Wang waxaa lagu wadaa inuu tago dalka Lesotho, kaas oo uu xiriirkiisa Washington xumaaday ka dib markii lagu soo rogay canshuuro ciqaab ah oo ay mareykanku kusoo rogeen.

Somaliland

Xigashada Sawirka, Shutterstock

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dalal badan iyo ururo caalami ah ayaa si cad uga hoos horjeestay aqoonsiga Israa'iil u aqoonstay Somaliland "dal madax-bannaan", iyagoo ku adkeysanaya in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhammaadkii todobaadkii hore ayey ahayd markiii Ra'iisul wasaraaha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha Somaliland Maxamed Cabdiraxmaan Cirro ay yeesheen kulan qadka online-ka, kaas oo Netanyahu uu ku sheegay in Somaaliland ay ka mid noqoneyso saaxiibadooda diblomaasiyeed.

Dalalka Jabuuti, Eratariya, Masar, Sudan, Liibiya iyo Naajeeriya, Aljeeriya, Kaamoroos, Gaambiya, ayaa dhammaantood si aan ka leexleexasho lahayn ugu gacan sayray mowqifka iyo tallaabada ay Israa'iil ku dhaqaaqday. Wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalka Masar, Jabuuti,iyo Soomaaliya ayaa wadahadal dhanka taleefoonka yeeshay sida lagu yiri qoraal la soo dhigay barta wasaaradda arrimaha dibadda Masar.

Qaar kamid ah waddamadan ayaa aaminsan in ay arrintaan ay tahay faragelin toos oo ay Israa'iil ku sameeneyso xasilloonida gobolka.

Dawladda Soomaaliya ayaa lafteeda si adag uga hor timid aqoonsiga ay Israa'iil aqoonsatay. Warsaxaafadeed laga soo saaray kulan degdeg ah oo uu yeeshay golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in "midnimada iyo madax banaanida dhuleed" aan gorgortan laga geli karin.