Yuu noqon karaa hogaamiyaha ugu sarreeya ee Iiraan ee xiga?

.
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ay diyaaradaha Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen hoyga uu ka degan yahay magaalada Tehran 28-kii Febraayo.

Khamenei, oo 86 jir ah, ayaa ahaa hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran tan iyo 1989-kii markaas oo uu beddelay aasaasihii Jamhuuriyadda Islaamiga ah, Ayatullah Ruhollah Khomeini. Intaa ka hor, waxa uu laba jeer madaxweyne ka noqday 1981 ilaa 1989kii.

Dhimashadiisa ka dib, dowladda ayaa ku dhawaaqday 40 maalmood oo baroor diiq qaran ah iyo todobo maalmood oo fasax ah, iyadoo dalkaasi weli uu dagaal kula jiro Mareykanka iyo Israa'iil.

Horumarradan ayaa dib u soo nooleeyay doodaha ku saabsan qofka dhaxal-sugaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah - kaliya maaha dhimashadii Khamenei ka dib, laakiin sidoo kale iyada oo ay ku jiraan qaar ka mid ah khatarihii ugu darnaa ee jiray ee maamulka talada haya ayaa soo wajahay tan iyo 1979-kii, kuwaasoo ay ku jiraan mudaaharaadyadii lagu dhintay ee bishii Jannaayo, kuwaas oo kumanaan lagu dilay, iyo sii kororka cabsida laga qabo isbeddel maamul ee uu Maraykanku taageero.

Muxuu dastuurku ka sheegay cidda beddelaysa?

Sida ku qeexan dastuurka Iran, hogaamiyaha xiga waxaa dooranaya Golaha Khubarada (AE), oo ah 88 wadaado sare ah oo lagu doorto sideedii sanoba mar doorasho heer qaran ah, kaasoo ah Golaha gaar-haynta, oo ah hay'ad imtixaan iyo baaris ku kala saarta dhammaan musharaxiinta.

Kuwa daacadda u ah hoggaamiyaha ugu sarreeya ayaa ku guuleystay dhammaan kuraastii doorashada 2024, halka afar kursi oo bannaanaaday dhimashadii xubnaha - oo uu ku jiro Ebrahim Raisi - lagu buuxin doono doorashada ku celiska ah ee loo qorsheeyay May 2026.

Qodobka 111-aad ee dastuurka ayaa faraya in gole ku meel gaar ah oo saddex xubnood ka kooban uu la wareego xilka hoggaamiyaha ugu sarreeya inta laga soo magacaabayo hoggaamiye cusub. Golaha hogaaminta ku meel gaarka ah waxa uu ka koobnaan doonaa Madaxweyne Massoud Pezeshkian, Madaxa Garsoorka Gholamhossein Mohseni Ejei iyo hal wadaad oo sharci yaqaan ah oo ka socda Golaha gaar-haynta. Xubinta saddexaad waxaa magacaabay Golaha Sare oo ah guddiga sare ee dhexdhexaadinta oo uu guddoomiye u yahay Sadeq Amoli Larijani oo xubnahooda uu magacaabay hoggaamiyaha ugu sarreeya.

1-dii Maarso, Alireza Arafi - oo ah wadaad muxaafid ah oo laga yaabo inuu u tartamo tartanka beddelidda hogaamiyaha ruuxiga - ayaa loo magacaabay xubinta saddexaad ee golaha hoggaanka ku meel gaarka ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ali Larijani, oo ah xoghayaha saameynta leh ee golaha sare ee amniga qaranka, ahna walaalka ka weyn Sadeq Larijani ayaa u sheegay TV-ga qaranka in goluhu uu furmi doono 1-da Maarso. Isla maalintaas ka dib, madaxweyne Pezeshkian wuxuu xaqiijiyay in goluhu shaqadiisa bilaabay.

Halka AE-da looga baahan yahay inay magacawdo hoggaamiye cusub "sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah", ma jiro waqti kama-dambays ah oo lagu sheegay sharciga. Haddii musharraxa aanu ku guulaysan saddex meelood laba meel, golaha ku meel gaarka ah, aragti ahaan waxa uu maamuli karaa wakhti aan xad lahayn.

In kasta oo dhammaan xubnaheedu ay daacad u yihiin Khamenei, joogitaanka madaxweyne dib-u-qaabaynta taageerayo, sida Pezeshkian, waxay samayn kartaa farqi daahsoon inta lagu jiro xilliyada xasaasiga ah.

Ugu dambeyntii go'aanka golaha khubarada (AE) ee hoggaamiyaha ugu sarreeya ee soo socda wuxuu u baahan doonaa isuduwidda Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee awoodda leh (IRGC) iyo agagaarka gudaha iyo xafiiska Khamenei. In kasta oo dhowr taliye oo sarsare lala dilay Khamenei, haddana saraakiisha sare ee IRGC ee ku haray boosaskooda ayaa la rumeysan yahay inay weli saameyn weyn ku leeyihiin maadaama uu dalku ku jiro dagaal iyo saameyntiisa. Iyadoo hay'adda wadaadadu ay leedahay awood rasmi ah, mid kasta oo bedela ayaa si kastaba ha ahaatee u baahan doona ogolaanshaha ciidamadan iyo hay'adaha amniga.

Guddi-hoosaad ka kooban saddex xubnood oo ka tirsan AE-da ayaa lagu soo waramayaa inay ka shaqeynayaan liis "aad u sir ah" oo ah musharaxiinta suurtagalka ah, laakiin sirta ku xeeran doodahooda ayaa sii kordhisay mala-awaalka.

.

Xigashada Sawirka, KHAMENEI.IR

Waa kuwee murashaxiinta kale

Dhawr musharrax oo ka kala socday labada dhinac ee muxaafidka iyo kuwa dhexdhexaadka ah ayaa laga reebay tartanka hoggaanka sannadihii u dambeeyay. Waxaa ka mid ahaa madaxii hore ee garsoorka Sadeq Amoli Larijani iyo madaxweynihii hore Hassan Rouhani.

Qaar ka mid ah xubnaha AE-da ayaa sidoo kale loo arkaa inay yihiin musharixiin, waxaana ka mid ah Carafi, kaasoo rajadiisu ay u muuqato inay sare u kacday ka dib markii loo magacaabay golaha hoggaanka ku meel gaarka ah.

Wadaadka 66-jirka ah oo taariikh dheer ku leh doorarka Khamenei loo magacaabay waa agaasimaha dhammaan siminaarada dalka oo dhan, waana jagada ugu sarreysa ee darajada diinta ee Iiraan. 2019, Khamenei wuxuu u magacaabay Golaha Ilaalada. Codbixintii Maarso 2024 ka dib, Carafi wuxuu ka helay jago muhiim ah gudaha AE, isagoo noqday gudoomiye ku xigeenka labaad.

Qaar ka mid ah xubnaha muxaafidka ah iyo kuwa mayalka adag ee AE, sida guddoomiye ku xigeenka koowaad Hashem Hosseini Boushehri, Mohsen Araki iyo Mohammad Mehdi Mirbaqeri ayaa lagu soo waramayaa inay ku jiraan liiska dadka ay dhici karto inay beddelaan.

Hassan Khomeini oo uu awoowe u yahay Ayatollah Ruhollah Khomeini, waa musharax ay door bidaan kooxaha isbedel doonka ah iyo kuwa qunyar socodka ah. Aqoontiisa diineed iyo dhaxalka qoyska ayaa miisaan culus leh, laakiin khibradiisa siyaasadeed ee xaddidan iyo joogitaanka xafiiltanka xooggan ayaa yareynaya fursadiisa. Xitaa waxaa laga mamnuucay inuu ka soo muuqdo doorashada AE-da ee 2016. Rajadiisa waxay ku xiran tahay isbeddelka dhaqdhaqaaqa siyaasadeed, iyo haddii dadka awoodda leh ee Iiraan ay gaari karaan heshiis dhexdhexaad ah.