Cudurrada halista ah ee sanisyahannada aysan xalka u helin iyo waxa loo qaato

maskax

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa jira cuduro badan oo seynisyannahada iyo dhakhaatiirta adduunka ay si fudud u daaweyn karaan, sababtuna waxay tahay baaris ayaa lagu sameeyay waxaana loo helay daawo.

Waxaa jira cudurro ay saynisyahanno badan baareen, kuna guuldaresteen in ay fahamaan si daawo loogu helo. Cuduradaas waxay noqdeen kuwo dhibaato ku haya dadka qaba maadaama aysan daawo laheyn.

Cudurka Asaasaqa

maskax

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cudurka Asaasaqa ee loo yaqaan Alzheimer waxa uu ku dhacaa maskaxda, waxa uuna keenaa in waxtarka maskaxda daciifto. Heerar kala duwan ayuuna leeyahay. Waxa rasmiga ee keena cudurkan lama fahamsana, loomana daaweyn karo si fiican.

Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah xusuus iyo wacyiga oo ka luma qofka, jahawareer, dabeecad aan la saadaalin karin iyo dhibaatooyin nafsi.

2023-kii ayey saynisyahanno ku sugan London iyo Belgium ku dhawaaqeen in ay heleen sida unugyada maskaxda u dhintaan iyo waxa keena Alzheimer. Cilmibaarista la xiriirta cudurka iyo daawadiisa weli way socotaa.

Isku-dhexyaaca maskaxeed

Wa cudurka dhibaato jir iyo maskaxeed oo weyn u geysta bani’aadanka. Waxa uu carqaladeeya awoodda shaqada maskaxda. Waxa uu dhibaato gaarsiiyaa xusuusta, fakarka, dareenka iyo dhaqanka qofka. Qofka waxa uu galayaa nolol cabsi ah maalinta kasta.

Ma lahan wax daawo ah. dadka qabana waa ay la nool yihiin. 221 ka mid ah boqolkii kun ee qof ayuuna ku dhacaa.

daanyeer

Xigashada Sawirka, UGANDA WILDLIFE AUTHORITY

HIV/AIDS

Tan iyo markii ugu horeeyay ee la ogaaday 80-meeyadii, weli looma helin daawo. AIDS-ka waxa uu ka mid yahay kuwa ugu horreeyay cudurrada loo dhinto, gaar ahaan dalalka soo koraya.

Waxaa la rumeysan yahay in cudurka markii ugu horeeyay uu ka yimid daanyeerka nooca loo yaqaan Jambansiiga, ka dibna uu bani’aadanka u soo gudbay.

Dadka qaba AIDS-ka waxaa la siiyaa daawooyin, intooda badan muddo dheer ayey la noolaadaan cudurka.

Hargabka shimbiraha

Hargabkan waxa laga helay fayrus la ogaaday 150 sano ka hor, waxa uuna ka yimid shimbiraha adduunka u kala gudba.

Hargabka shimbiraha oo loo yaqaan H5 bani’aadanka ayuu u soo gudbay. Waxa uuna ka yimid kuwa la dhaqdo sida digaagga.

Waa xanuun daran, wayna adag tahay in la daaweeyo. Xarunta xakameynta cudurada Afrika (CDC) ayaa ku talisay in tallaal la isticmaalo shan maalmood gudahood marka caabuqa la qaado.

Hargabka Caadiga

Dad lagu qiyaasay hal bilyan oo ku nool Mareykanka ayuu sanad kasta ku dhacaa hargabka. Dhakhaatiirta wax yar ayey weli ka ogyihiin hargabka.

Khubaro badan ayaa kula taliya dadka in ay cabaan fuudka (maraqa) digaagga ama liin kuwaas oo ah daawada kaliya ee loo hayo.

Difaaca jirka oo si kale u shaqeeya

Waa xaalad habka difaaca jirka uu si xoog leh u burburiyo unugyada caafimaadka qaba ee jirka. Waxaa ka dhasha waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin xubno xanuun.

Sida caadiga ah habkeena difaaca jirka, waa uu kala yaqaan kuwa ah unugyadeena iyo kuwa aan aheyn.

Habka difaaca waxa uu ku guuldareystaa in uu aqoonsado qeyb ka mid ah jirkaaga. Wuxuu sii daayaa dhacaan weerara unugyada caafimaadka qaba.

cudurrada maqaarka

Xigashada Sawirka, DERMATOLOGY NURSES' ASSOCIATION

Cudurka Marjuliinis

Cudurkan dhawaan ayaa la arkay. Maqaarka ayuu dhibco u yeelaa. In badan waxay u maleeyaan in qaniin uu taabtay.

Waa xaalad guud, waxaa keena lama oga. Marka la sameeyay baaris la xiriirta bakteeriyada, waxaa soo baxday in aysan isla xiriirin.

Bukaanada qaba cudurkan waxay dareemaan in cayayaan ku dul socda iyo cuncun. Ma jirto daawo kaliya ee loo isticmaalo balse in dhakhaatiirta ay la socdaan xaaladaada ayaa ku caawin karta.