Shamsa: ‘Waxaan rabaa inaan dib u helo xubintii aan ku waayay gudniinka fircooniga ah’

Shamsa
    • Author, Bushra Mohamed
    • Role, BBC News

Digniin: Sheekadaan waxaa ku jira sharraxaad laga yaabo in aad dhibsato oo ku saabsan sida loo sameeyo gudniinka Fircooniga ah.

Shamsa Sharawe waxay caan uga dhex noqotay bulshada Soomaaliyeed ee dunida ku nool ka hadalka gudniinka fircooniga ah taa soo ay dad badani ku dhibsadeen.

Muuqaalka oo ay soo dhigtay barteeda TikTok ayaa aad u fafaay – waxaana la daawaday in ku dhaw 12 milyan oo jeer tan iyo markii ay baahisay 16 bilood ka hor. Muuqaal ayay waxay ku muujineysaa Shamso wixii ku dhacay markii ay lix jirka ahayd iyada oo maqas qaybta kore uga jareysa fiyoore.

Ma jiraan Soomaali, xitaa qurbaha kuwa jooga ha ahaadaane oo si banbax ah uga hadla gudniinka fircooniga ah – dhibaatooyinka uu leeyahay sida xanuun la soo darsa gabdhaha xilliyada caadada, kaadida oo ku adkaata, xanuun daran oo ay dareemaan xilliga gogosha iyo qatar wehlisa iyo mahadhada ka raacda marka ay ubad dhalayaan maadaama marinka caruurtu soo marto aad loo yareeyay.

Nuucaan gudniinka fircooniga ah ayaa ah heerka saddexaad, inta badan gabdhaha ku dhasha Soomaaliya ayaa lagu sameeyaa, waxaana jirta aaminaad ah in jarista qaybta kore ee xubinta taranku ay damaanad qaad u tahay gabadha bikranimadeeda.

Gabdhaha aan lagu sameyn gudniinka fricooniga ah ayaa waxaa si uun Soomaalidu u aaminsan tahay in aysan dhawrsanaan Karin, oo ay leedahay dareen aad u sareeya, taasna waxay dhaawac ku keeni kartaa sumcad reerka ay ka dhalatay.

Shamsa

Xigashada Sawirka, Shamsa

Sidaas oo ay tahay 31 jirtaan TikTok isticmaasha ee timid Ingiriiska 2001 dii markii ay qoyskeedu ka soo carareen dagaalada sokeeya, kama cabsato in ay ka hadahso waxyaabaha ceebta ay u arkaan dadka qar, waxay u sheegtaa qaab kaftan ah oo ay bulshada wax ku dareensiineyso, mararka qaarna dhab xanuun badan ah.

Shamso waxay bulshada kula wadaagtay barteeda TikTok dhibaato xoog leh oo ay la kulantay markii si qasab ah loogu guuray markii ay gaartay da’da 18 ka sano, xilligaas oo ay aaday Soomaaliya. Lix bilood ay ku qaadtay in ay ka soo baxsato noloshaas oo ay dib ugu laabato Ingriiska.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Laakiin tii ugu darneed waxay ahayd in bulshada ay la wadaagtay in ay dib u soo ceshatay xubintii laga jaray – waxay qarash ku bixisay in lagu sameeyo qaliin dib loogu dhisay xubnaheedii kaas oo aan bilaash u ahayn haweenka isticmaala Adeegga Caafimaadka Qaran ee Ingriiska.

Jiritaanka arrintaan ayay ka war heshay kadib markii ay la xiriirtay Haja Bilkisu oo ah muwaadinad Jarmal ah oo dhibaatada gudniinka fircooniga ah ay ku dhacday iyada oo ilmo ah oo booqasho u joogta dalka ay ka soo jeedo asal ahaan ee Sierra Leone.

Iyada oo ka falcelineysay muuqaalka fiyooraha ee Shamsa, ayay Bilkisu waxay sharraxaad ka bixisay in ay dib u hehsay xubintii laga jaray oo ay dib ugu soo celisay Dhaqtar Dan mon O’Dey.

“Waan ka naxsanaa in dib loo jaro xubinta, inkasta oo markaan aan anigu raali ka ahaa,” ayay BBC da u sheegtay Shamsa.

“Balse waxay aheed inaan sidaas sameeyo aniga oo u daneynaya caafimadka maskaxdeyda. Waxaan rabay inaan dib u dareemin xanuun.”

Qaliinkaan ayaa ah mid dib loogu dhisayo dhamaan cadadkii laga jaray xubinta taranka – kiiska Shamsa ayaa ah mid hilib laga soo jari doono barida – waxaana laga baabi’in doona haaraha iyo nabraha si loo yareeyo xanuunka ay la kulanto, dib u hesho nolol caadi ah xilliga gogosha. Mararka ayaa sidoo kale waxaa dib loo furaa daloolka xubinta taranka.

Shamsa sanadkii hore waxaa lagu soo daray 100 ka haweenka ah ee BBC da iyada oo la tixgaliyay ka go’naashaheeda in ay cirib tirto gudniinka fircooniga ah, iyo in ay go’aansatay in ay dadka la wadaagto safarkeedii Jarmalka iyo bogsashadeedii si ay dumar badan oo iyada la mid ah u ogaadeen in jiraan jaanisyo dib u kabasho.

Sidaas oo ay tahay sanado badan oo ay la kulantay xadgudub iyo mahadho ka raacday guur labaad oo ka fashilmay ayay ku qaadatay in ay hawshaan wali ka sii dhex waddo bulshada Soomaalida.

Shamsa oo haatan ah hooyo kaligeed ah oo haysata gabar 10 jir ah ayaa dareemaysa in Adeegga Caafimaadka Qaran ee Ingriiska uusan siday rabtay u caawin.

Kaliya wuxu u golyahay in dib loo balaariyo marinka xubinta taranka ee la kulmay gudniinka fircooniga ah, balse ma bixinayo xubno dib loo dhisayo iyo dhaawac dib loo hagaajinyo.

Shamsa waxay go’aansatay in ay dhaqaale aruursato si isaga bixiso qalliinka Jarmalka.

Iyada oo adeegsaneysa barta online ka ee crowdfunding, waxay ku guuleysatay in ay hesho $32,000 oo doollarka Maraykanka ah – waxayna gashay afar iyo bar qalliinka bishii December.

Jarmalka ayay waxay joogtay saddex isbuuc, markii ay soo laabatayna, ma aysan awoodin in ay guriga ka baxdo muddo dhawr bilood ah, intii ay ka soo kabsabeysay.

Lacagihii ugu baxay in ilmaheeda loo sii xanaaneeyo iyo qarashaadka kale oo dheeri ka sii ahaa qalliinka ayaa waxay haatan ka dhigayaan mid qaameysan – waxaana lagu leeyahay $3,870 doollarka Maraykanka ah.

Shamsa

Xigashada Sawirka, .

“Inaad bixiso dhibaato aadan naftaada u doorin, ama aadan adigu abuurin waa cadaalad darro,” ayay tiri.

Tobannaankii sano ee la soo dhaafay, waxaa jira dhawr hannaan oo caafimaad oo kuwaas oo la isku dayay in dib loo dayactiro dhaawaca – waxaana bilaabay sanadkii 2004 tii dhaqtarka Faransiiska ah Pierre Foldès.

Dib u dhisadda xubinta taranka ayaa waxaa bixiya caymiska dadweynaha marka la joogo wadamada Belgium, Finland, France, Germany, Sweden iyo Switzerland.

Balse Afrika oo ah halka ay ku nool yihiin haweenka ugu badan ee maray gudniinka fircooniga ah ayaa waxaa helista qalliinkani ku kooban yahay dalka Kenya, oo ay bixin karaan $1,300 oo doolar, halka Masarna ay hay’adaha aan dawliga ahayni kaa bixin karaan qalliinka.

“Dhaqtar kasta oo qalliin ma samayn karo nuuca qalliinkaan. Waa uu adag yahay, bukaanka kastan waa uu ka duwan yahay kan kale,” sidaas waxaa yiri dhaqtar Aadan cabdullaahi oo ku taqaqusay arrintaan oo ku sugan Kenya.

Bals eaxa uu sheegay in ay ka faa’iidi karaan dhamaanka haweenka lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah, oo ay ka faa’iidi karaan xilliga dhalmada.

Dhaqaatiirta qaar sida Reham Awwad oo Masasr joogta ayaa waxay taageeraan nidaamyada aan qalliinka ahayn, maadaama xitaa qaliimada casriga ah aysan dib u soo celin Karin dareenkii gogosha.

“Uma maleynayo in jawaabta qof qalba ay tahay qalliin,” ayay BBC da u sheegtay.

Haatan, waxay u baahan tahay Shamsa in ay la qabsato nolosheeda cusub, sida dhiigga cadada ee sida tooska ah uga imanaaya, in kasta oo aysan wali awoodin in ay dib ugu laabato Jarmalka si loo fiiriyo xaalkeeda, taas oo walwla ku haysa.

“Hadda waan aqaan dareenka dumarnimo ee buuxa sida uu yahay…Waxaan ahay haweeneey faraxsan,” ayay tiri.

“Waxaan xiran karaa hoos gashi aniga oo aan xanuun dareemeyn. Surweel ayaan xiran karaa. Caadi ayaan dareemaa.”

Inkasta oo aysan soo dhaweyn ka helin bulshada uga xiran baraha bulshada – qaar ka mid ah qoyskeeda ayaa la yaabay caawimaadna siiyay.

Mid ka mid ah adeeradeed ayaa waxa uu waydiiyay in qalliinka laga heli karo Ingriiska si xaaskiisu u sameyso.

“Kuma uusan farcsanayn in xaaskiisu wali ku dhiban tahay gudniinka iyada oo dhaaftay sano kontonaad. Wuxuu rabay in uu horumariyo nolosha xaaskiisa…sababtoo ah dhamaanteen waxaan mudanahay nolol qiimo leh.”