Gudniinka Fircooniga: Wixii aan mutay gabdhaha aan dhalay mudan maayaan

Xigashada Sawirka, Jilla Dastmalchi
Gudniinka Fircooniga ah ayaa laga mamnuucay dalka Masar tan iyo sanadkii 2008, hase yeeshe waddanka weli waxaa lgu tilmaamaa mid ka mid ah dalalka ugu horreeya ee dhaqankan laga sameeyo adduunka.
Digniin: Maqaalkani wuxuu ka kooban yahay sharraxaad argagax leh oo ku saabsan gudniinka fircooniga (FGM).
Qaar ka mid ah bulshooyinka dhaqan adkaanta ku caanka ah ee Muslimiinta ah ee halkaa ku nool, haweenka waxaa u arkaan inay yihiin "kuwo aan nadiif ahayn" oo "aan diyaar u ahayn guurka" haddii aan la gudin . Sharciga se dalkan ayaa dhigaya in dhaqaatiirta xabsiga la dhigi karo ilaa iyo 7 sano hadii lagu helo dambiga ah in sameeyeen howshan, qofkii codsadaana wuxuu wajahayaa ilaa sedex sano oo xabsi ah.
Halkan, laba dhibbane ayaa sharraxaya wixii ku dhacay iyaga, iyo sababta ay u doonayaan inay u ilaashadaan gabdhahooda.

Xigashada Sawirka, Jilla Dastmalchi
Layla waxay ahayd qiyaastii 11 sano jir markii la guday. Ku dhowaad soddon sano kaddib, maalintaas wali sidii oo ay hadda dhacday ayay maskaxdeeda ugu sawiran tahay. Maalinkaas, Imtixaankeedii dugsiga ayey ka soo gudubtay markii falkani dhacay.
"Intii ay igu abaalmarin lahaayeen buundooyinkeyga wanaagsan, qoyskeygu waxay heleen umuliso, labbiskoodi oo dhanna waxay xirnaayeen mid madow, waxay igu xireen qol wayna i hareereeyeen," ayay xustay.
"Way i soo jiiteen waxayna iga jartay qayb ka mid ah jirkeyga. Ma aan ogeyn wax aan khalday oo aan ku sameeyey dadkan waayeelka ah - oo aan jeclahay - inay sidaa ii galaan oo ii dhaawacaan, wuxuu ahaa mid nafsiyan ah sida cillad maskaxeed oo igu dhacday. "
Ayeyadeed iyo deriskeeda ayaa ka mid ahaa dadkii goobta ku sugnaa.
"Waxaan doonayay inaan ciyaaro oo aan dareemo xorriyad laakiin xitaa ma awoodin inaan socdo, marka laga reebo lugaha oo i kala fidsan," ayay tiri Layla.
Markii ay weynaatay ee ay guursatay, waxay sheegtay inay fahantay cawaaqibka ka dhalan kara, haddii aan la marin caadada xanuunka badan.
Layla waxay tiri dadka tuulada naag aan soo marin gudniinka Fircooniga waa "inay tahay haweeney dambi badan", halka haweeneyda sidayda oo kale ah loo arko inay tahay "naag wanaagsan". "Ma taas baa dhaqanka wanaagsan ah?"
'Lugaha ayay i qabteen'
Jamila, oo 39 jir ah, waxaa lagu sameeyay gudniinka Fircooniga markii ay sagaal jir ahayd.
"Hooyaday waxay ii keentay umuliso iyo dumar kale oo deriska ahaa. Waxay diyaarisay wax walba waxayna igu dhaaftay aniga iyo iyaga qolka," ayay tiri Jamiila.

Xigashada Sawirka, Jilla Dastmalchi
"Waxay iga siibeen dharki hoose ee an xidhnaa, mid kastaana waxay qabatay lugahayga. Umulisadu waxay haysatay mindi yar oo ay ku goynaysay qayb iga mid ah oo jidhkayga ah," ayay tiri
Xanuunka aan loo adkaysan karin iyo nabar nafsaani ah oo lagu abuuray qalliinka ka sokow, Jamila waxay leedahay waayo-aragnimadaydii ku addanayd arrintaas way isbadashay.
Waxay ahayd qof furfuran, geesi ah oo caqli badan iskuulka kahor, laakiin way iska ilaalin jirtey dumarka qaangaadhka ah kadib.
Waxaan la kulmi jiray umulisadan anigoo ku sii jeeda dugsiga hoose, wixii dhacay ka dib, waxaan bilaabay inaan qaado waddo kale oo aan kaga fogaado. Waxaan u maleeyay inay markale igu samayn doonto wixii ay hore iigu samaysay oo kale.
Waxayna Jamiila sheegtay in aysan sidaas oo kale hablaheeda la rabin, ayna ku samayn doonin.
'Maya hablahayga'
Layla ma aysan dooneyn in gabadheeda ugu horreysa ay ku dhacdo isla xanuunka, laakiin ma aysan joojin karin ninkeeda oo diyaarinaya arrintaas markii ay aragtay.
Laakiin waqtigii hablaha kale ee Layla ay ahayd in lagu sameeyo gudniinka Fircooniga ah, dhaqankaas waa la mamnuucay oo muxaadarooyin uu qabtay Mr Eldanbouki ayaa siiyay geesinimo ay ku ilaaliso iyaga.
"Maxaan gabadhayda ugu bandhigayaa khatartaas oo kale? Marwalba waan ogaa inay khalad tahay, laakiin ma aanan haysan dood aan ku qanciyo dadka kale," ayay tidhi Layla.
Ninkeyga oo kaliya ma aheyn inaan qanciyo, sida oo kale soddoggay iyo qoyskeyga. Dhammaantood way soo mareen tan; dhammaantood waxay leeyihiin 'yaad u malaynaysaa inay tahay inaad beddesho ma aragtida la wada aamminsan yahay. " ayay ugu falcelin lahaayeen.
Qancin badan ka dib, Layla seygeeda ayaa aakhirkii ogolaaday in aan la samayn wax gudniin oo hablaha ah oo danbe.

Magacyada saxda ah ee Layla iyo Jamila ayaan badelnay si aan lo aqoosan.












