Mareykanka iyo Afrika oo iska waayay liiska magaalooyinka adduunka ugu casrisan. Waa kuwee magaalooyinkaas

Xigashada Sawirka, Getty Images
Heerkulka dunida ee kordhaya iyo isbeddelka deegaanka waxay culeys saareen waddamada adduunka oo dhan. Magaalooyinka waxaa soo foodsaaray caqabado cusub oo la xiriira qorsheyaashooda mustaqabal waara.
Meelaha qaar waxay u guureen hirgelinta xalal fiican oo ujeedkoodu yahay in la sameeyo nolol tayo sare leh oo muddo jirta, taas oo dunida inteeda kale u noqoneysa mid ay raacaan.
Si loo qorsheeyo horumarka hal abuurkan, machadka IMD waxa uu isku keenay magaalooyinka caalamka ee ugu casrisan. Waxaa lagu saleeyay awoodooda dhaqaale iyo tan tiknolojiyadeed iyo qodobo kale oo kor u qaadaya tayada nolosha, xalna u keenaya caqabadaha bulsho.
Sanadkii shanaad ayaa xog laga ururiyay dadka deggan 142 magaalo si loo fahmo aragtidooda magaalooyinkaas ee dhinaca caafimaadka, ammaanka, socodka, fursadaha iyo dowladda.
Waxaa la ogaaday in aysan jirin hal magaalo oo ka tirsan waqooyiga Ameerika ama Afrika oo soo gashay 20-ka ugu sarreeya sanadkan. Dhammaan magaalooyinka soo galay 20-ka ugu sarreeya waxay ku yaalaan Yurub iyo Asia.
Si aan wax badan uga ogaano waxa keenay in magaalooyinka ay cajiib noqdaan ayey BBC-da la hadashay dad ku nool shanta magaalo ee ugu horeeya.
Kaalinta saddexaad ayey gashay magaalada Canberra. Waa magaalo aan Yurub iyo Asia aheyn oo gashay halka sare. Caasimadda Australia waxay caan ku tahay hawadeeda oo wasaqdu ku yartahay.
Canberra waxay sidoo kale leedahay farsamo ka dhigtay magaalada meel lagu noolaan karo oo soo jiidasho leh. Magaalada waxay leedahay nalal casri ah, hab loo maareeyo qashinka oo casri ah iyo nidaam gawaarida lagu hago oo tayo sare leh.
Meel kasta internet ayey leedahay, waxa uuna kor u qaaday in meelo fog laga soo shaqeeyo.

Xigashada Sawirka, Alamy
Magaalada Singapore waxa ay gashay kaalinta labaad taas waxaa la sheegay in ay ka timid ammaankeeda aadka u sareeya iyo xiriirka internet-ka oo aad u fiican. In la maamulo isu-socodka ayey taasna fududeysay.
“Gaadiidka dadweynaha ee Singapore si weyn ayaa kor loogu qaaday, waxa uu leeyahay internet furan” ayuu yiri Firdaus Syazwani oo muddo dheer ku noolaa Singpore.
Waxa uu sidoo kale sheegay in labada shirkadooda ee dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay ay daabacaan xogta ciriiriga ka jira basaska, tareenada iyo tirada dadka jooga meelaha laga raaco gaadiidka. Taasi waxay keeneysaa in laga faa’ideysto oo xal loo sameeyo dadka safraya si ay uga fogaadaan meelaha ciriiriga.

Xigashada Sawirka, Alamy
Saddex magaalo oo dalka Switzerland ayaa ka mid noqday 10-ka ugu sareeya caalamka. Zurich waxay gashay booska koowaad halka Geneva ay gashay kaalinta afaraad.
Magaalada yar ee Lausanne ayaa magaceeda dhaaftay. Waa magaalo yar oo aan si weyn loo aqoon haddana waxay gashay kaalinta todobaad. Magaaladan yar waxaa ku nool 150,000.
Waa magaalo deegaankeeda si weyn wax uga qabtay. Waxay maalgelin weyn ku sameysay beeraha lagu nasto iyo dhulka kale ee cagaaran. 360 hekter ayey ka dhigtay dhul cagaaran oo magaalada ku dhexyaal. Sanad kasta waxay abuurtaa 1,400 oo geed.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Magaalada London ee UK waxay gashay kaalinta sideedaad. Waxyaabaha magaaladan ay uga fiicnaatay magaalooyin badan ayaa ah adeegyadeeda internet-ka sida gaadiidka dadweynaha iyo sidoo kale khadadka internet-ka.
“Waxay leedahay gaadiid dadweyne oo aad u fiican sida tareenka dhulka hoostiisa mara, basas, doonyo iyo habab kale oo la raaco sida baaskiilo iyo scootaro”. ayey tiri Emma Orr oo ka tirsan shirkadda Winning Business.
Magaalada waxaa ka go’an in ay hesho wax joogto ah sida gawaarida korontada ku shaqeeya. Waa meelaha ugu badan ee lagu arko gawaaridaas marka la fiiriyo magaalooyinka kale ee UK.

Xigashada Sawirka, Alamy
Magaalada Abu Dhabi saddex darajo ayey kor u kacday sanadkan, waxayna soo gashay kaalinta 10-aad. Waxyaabaha ay ku soo gashay waxaa ka mid ah habkeeda fudud ee gaadiidka iyo sida online wax looga dalbado. Sidoo kale nadaafadeeda ayaa aad u sareysa. Meelaha dadka saboolka deggan yihiin xitaa nadfadooda waa heer sare.
Kaabayaasha dabka siiya gawaarida ee magaalada iyo sida ay u shaqeeyaan gaadiidka ayaa ka dhigtay mid socodka fududeysa” ayuu yiri Dhanvin Sriram oo ka mid ah dadka ku nool magaalada isagoo intaas ku daray.
“Abu Dhabi waa meesha isku keentay tiknolojiyada iyo waxyaabaha waara, oo nolosha fududeeya, aad ayey ugu raaxeystaan dadka sideyda ah ee deggan magaalada”
Inta badan dhismayaasha magaalada waxaa loo naqshadeeyay in aysan qaadan koronto iyo biyo badan.













