"Waxay iiga tageen meyd ahaan" ATMIS oo lagu eedeeyey inay dad rayid ah dileen iyo jawaabta ay ka bixiyeen

African union forces

Xigashada Sawirka, ATMIS

Dhawaan waxaa deegaanka Buulo mareer ee gobolka Shabeellaha hoose ka dhacay dil loo gaystay ‘dad rayid ah’ oo la sheegay in ay askar dileen.

Tirada dadkaas ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 2 qof ay ahaayeen, halka wararka qaarna ay sheegayaan in ay ahaayeen 3 qof, waxaana eeddaas loo jeediyey ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika e ATMIS oo ay dad BBC u warramay sheegeen inay ka dambeeyeen dilka oo sida la sheegayo ka dhacay meel beer ah.

Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday dilkaas oo sida la sheegay dhacay laba maalmood ka hor ayaa BBC uga warramay sida ay wax dheceen. “Xalay abaarihii 8:30 ayaa waxaa na soo weeraray ciidanka AMISOM (ATMIS) ee Buulo mareer jooga, xilligaas beerta ayaan joogay, waardiye ayaan ka ahaa. Waxaan ahayn shan qof, laba way baxsadeen, seddex annagoo ahna beerta dhexdeeda ayaan fadhinay” ayuu yiri Cabdulqaadir Cabdinuur Cismaan Diinle.

ATMIS

Xigashada Sawirka, AFP

Wuxuu intaa ku daray in isaga qof ahaan dhaawac la gaarsiiyey. “Laba nin ayaa igu fariistay, afar kalena ilmaha (ragga) kale ayey qabteen. Afka ayey i qabteen, weyna i ceejiyeen, qoortana way i kala wareejiyeen sidii neef la qalaayo oo kale, ka dibna dhulka ayey igu celiyeen” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray in dhibaatadaas ay keentay inuu suuxo oo ay askartii dul taagnayd meyd ahaan uga tagaan “ka dib way i sii daayeen, dabadeedna way i jiideen, waxayna igu tuureen ood beerta bowdkeeda ku taalla, waxaas inta ay dhacayaanna waxba kama ogi, markii ay baxeen ka dib ayaan soo nabdaaday, waxaan isku dayey in aan istaago, laakin dhulka ayaan ku dhacay, waan gurguurtay, waxaan arkay raggii ila jiray oo la “bireeyey”.

Wuxuu sheegay in laba qof ay dhinteen, “waxaan maqlayey cabaadkooda” ayuu yiri mar ay BBC weydiisay sida uu ku xaqiijinayo geerida dadkaas.

Xilligaas ayuu sheegay in aysan jirin dhiillo ama dagaal halkaa ka taagnaa.

Buulo mareer

Xigashada Sawirka, CBA

BBC waxay isku dayday in ay hawlgalka ATMIS jawaab ka hesho, laakin uma suurto gelin. Hase yeeshee hawlgalka ATMIS ayaa dhawaan soo saaray qoraal ay kaga hadlayaa dhacdadaas.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

“Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee midowga Afrika Soomaaliya (ATMIS) wuxuu si qoto dheer uga walaacsan yahay dhacdo naxdin leh oo ka dhacday Buulo Mareer 17kii Luulyo 2024, taasoo ay ku lug leeyihiin khasaaraha laba qof oo rayid ah iyo dhaawac soo gaaray mid kale.

"ATMIS waxay ka warqabtaa eedeymaha warbaahinta ee ku xiriirinaya hawlgalka dhacdooyinkan nasiib darrada ah.

"Hawlgalku wuxuu bilaabay baaritaan dhab ah oo ku saabsan eedaymaha, wuxuuna halkan ugu xaqiijinaynaa dhammaan daneeyayaasha in natiijada loo soo bandhigi doono dadweynaha marka la soo gabagabeeyo” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ATMIS.

Si la mid ah sida uu Cabdulqaadir Cabdinuur Cismaan Diinle ugu warramay BBC iyo xogta la mid ah tan uu bixiyey ayaa isna waxaa Radio Dalsan u sheegay Cabdicasiis Xaaji Maxamed oo la sheegay inay ehel yihiin dhibaneyaasha.

Weli dhinaca dawladda Soomaaliya ama maamulka koofur galbeed oo deegaankaas uu hoos tago midkoodna kama hadlin dhacdadan.

Isla deegaanka Buulo mareer ayaa horraantii 2016 waxaa dil loogu gaystay dad rayid ah oo la sheegay inay dileen askartii AMISOM, waxaana loo xiray qaar ka mid ah askartaas oo markii dambe qaarkood ay maxkamad xukuntay.

Bishii Agoosto ee 2021 ayaa dhacdo lagu eedeeyey ciidankii AMISOM inay dad rayid ah dileen waxay ka dhacday deegaanka Golweyn oo masaafo aan fogeyn u jira Buulo mareer.