Afar arrin ka ogow saldhiga ciidamada Uganda ee Al-Shabaab weerartay

Xigashada Sawirka, ATMIS
Kooxda Al-Shabaab ayaa weerartay saldhig weyn oo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ay ku leeyihiin degmada Buulomareer ee gobolka Shabeelada Hoose. Midowga Afrika iyo Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin weerarka, sida ay wax dhaceen iyo haddii ay jiraan wax khasaare ah.
Laakiin kooxda al-Shabaab oo lagu yaqaan inay kordhiyaan oo ay wax ku daraan tirada waxyeelada ay ku geystaan weeraradooda waxay sheegatay inay dishay tiro ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta, islamarkaasna gubtay gawaari dagaal. Ma jiraan ilo madaxbanaan oo xaqiijin jira sheekada kooxda. Afhayeen ka tirsan hawlgalka kumeel gaarka ah ee Midowga Afrika (ATMIS) oo BBC la xiriirtay waxa uu sheegay in uusan xilligaa nala hadli karin, oo aynu sugno war ay soosaari doonaan saacadaha soo socda.
Haddaba, sidee u dhacay weerarka?
Weerarku waxa uu bilowday salaaddii subax wax yar uun kaddib. Waa waqtiga ugu badan ee kooxdu weerartu saldhigyada ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya. Dad goobjoogayaal ah waxay BBC u sheegeen inay maqleen qarax weyn oo loo malaynayo inuu ahaa gaari waxyaabaha qarxa lagu soo rarray oo lala eegtay xerada ay dagan yihiin ciidamada nabad ilaalinta hawlgalka kumeel gaarka ah ee Midowga Afrika (ATMIS) ku leeyihiin magaalada Buulo Mareer oo qiyaastii Muqdisho u jirta 110 km.
Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in qaraxa weyn kaddib ay xigeen labo qarax oo kale oo xerada ka dhacay, waxaana markii dambe bilowday dagaal faraha la isula tagay oo dhexmaray ciidamada saldhiga fadhiyay iyo kooxdii weerarka qaaday.
Dadka Buulo Mareer ku sugan waxay BBC-da u sheegeen inay maqlayaan guuxa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helakobtariska oo dul heehaabaya magaalada.
Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hawlgalka ATMIS iyo Dawladda Soomaaliya oo ku aadan weerarka saaka ka dhacay Buulo Mareer.
Waa ayo ciidamada fadhiyay saldhiga Buulomareer?
Saldhiga weyn ee Buulomareer ay ku leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta waxaa uu hoostagaa waxa la yiraahdo qeybta koowaad (sector one), oo ah magaca loogu yeero nabad-ilaaliyeyaasha ATMIS ee ka howlgala Muqdisho iyo Shabeelada Hoose. Qeybtaas oo dhan waxaa ka masuul ah ciidamada ka socda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka.
Askarta Kenya ee qeybta ka ah howgalka ayaa qaabilsan Qeybta labaad (Sector 2) iyaga oo ka masuul ah howlgalka Jubadda hoose iyo jubadda dhexe, halka kuwa Itoobiya ee Qeybta saddexaad la yiraah ay ka howlgalaan Bay, Bakool iyo Gedo. Jabuuti iyo Burundi oo afar iyo shan kala ah waxay masuul ka kala yihiin Hiiraan iyo Galgaduud, iyo Shabeeladda Dhexe.
Muxuu saldhiga muhiim ku yahay?
Waa mid ka mid ah saldhigyada ugu waa weyn ee howlgalka Midowga Afrika ku leeyahay gobolka Shabeelada Hoose. Waxaa Al-Shabaab laga la wareegay 2014kii. Waxa uu muhiim u yahay isu-socodka iyo saadka ciidamada Uganda ee gobolkaas jooga, kuwaas oo saldhigyo kale oo waa weyn ku leh Marka, Janaale, Baraawe, Qoryooley, Golweyn iyo Balidoogle. Horey Kooxda al-Shabaab ayaa u weerartay saldhiga degmada Janaale 2015kii markaas ay kooxdu sheegatay inay askar nool oo Atmis ka tirsan ay weerarkaas ku qabteen. Al-Shabaab gacanta kuma hayaan degmooyinka waa weyn ee gobolkaas, marka laga reebo Sablaale, laakiin waxaa la sheegaa in lagu arko dhulka miyiga iyo beeraha ba.

Xigashada Sawirka, AFP
Weerarada kale ee Al-Shabaab ku qaadeen saldhiyada ciidamada Midowga Afrika
Sanad kahor bishan oo kale, waxay Al-Shabaab xilli aroor ah weerartay saldhiga ciidamada Burundi ay ku leeyihiin degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Waxay sheegteen inay cagta mariyeen saldhigaas, islamarkaasna ay dileen tiro askar ah oo kor u dhaafeysa 100. Howlgalka Midowga Afrika wuu beeniyay sheegashada kooxda. Horey waxay sidoo kale u weerareen saldhiga Ceelcadde iyo saldhigyo kale oo dhowr ah oo fadhiisin u ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka socda Uganda, Burundi, Djibouti, Itoobiya iyo Kenya.













