FBI oo baahisay dadka dilka u maleegay Boqoraddii Ingiriiska

Boqorada Ingiriiska - Elizabeth-tii labaad ayaa wajahday khatar dil oo dhici kartay sannadkii 1983-kii ka dib markii ay booqasho ku tagtay Maraykanka, sida ay muujinayaan dukumentiyada FBI-da ee dhawaan la sii daayay.
Xafiiska dambi baarista ee dawlada dhexe ayaa soo saaray kayd faylal ah oo la xidhiidha safaradii ay boqoraddu ku tagtay Maraykanka tan oo imaanaysa siddeed bilood uun ka dib dhimashadeedii.
Waxay muujinayaan sida FBI-du ay gacan uga geysatey sugidda amniga Boqorodda inta lagu guda jiray booqashooyinkeeda, markaas oo ay ka welwelsanayd hanjabaadaha Ciidamada Jamhuuriyiinta Ireland (IRA).
Hanjabaadda dilka ayaa la soo mariyey sarkaal ka tirsan booliska magaalada San Francisco.
Sida ku xusan feylka, sarkaal yimid baar qolyo Irish ah leeyihiin oo ku yaal gobolka San Francisco ee Maraykanka ayaa uga digay wakiilada federaalka hanjabaad ka timid nin uu kula kulmay goobta.
Sargaalka ayaa sheegay in ninku uu u sheegay in uu u aargudayo inantiisa oo “lagu dilay Waqooyiga Ireland oo u dhimatay rasaasta cinjirka ah”.
Hanjabaaddan ayaa dhacday 4-tii Febraayo sannadkii 1983 - qiyaastii hal bil ayey ka horreysa booqashadii boqoradda Elizabeth iyo ninkeeda Amiir Philip ee gobolka California Mareykanka.
"Wuxuu doonayay inuu isku dayo inuu waxyeeleeyo boqorad Elizabeth isagoo wax ka soo tuuraya buundada Golden Gate marka ay doonta boqortooyadu hoos marayso buundada, ama wuxuu qorsheynayey in uu dilo boqorad Elizabeth markay booqato Beerta Qaranka ee Yosemite," ayaa waraaqaha ku xusan.
Iyada oo laga jawaabayo hanjabaadda, ayey Ciidamada adeegga Sirtu waxa ay qorsheeyeen in ay "xiraan jidadka soo gala buundada Golden Gate marka ay doontu soo dhawaato". Ma cadda tallaabooyinka laga qaaday beerta Yosemite, laakiin booqashadu way sii socotay. Ma jiro wax tafaasiil ah oo ku xusan waraaqaha ay faafisay FBI-du oo ku saabsan in cidna loo xiray dhacdada.
Faylkan oo ka kooban 102 bog ayaa Isniintii lasoo galiyay mid ka mid ah bogagga internet-ka oo ka tirsan mareegaha macluumaadka FBI-da, ka dib codsi ay usoo gudbiyeen warbaahinta Mareykanka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qaar badan oo ka mid ah booqashooyinkii ee Boqoraddu ku tagtay Maraykanka oo ay ku jirto booqashadii 1983 ee Xeebta Galbeed, ayaa dhacay soddomeeyo sano oo woqooyiga Ireland ay ku jirtay xasilooni darro ba’an..
Sannadkii 1976-kii, Boqoraddan geeriyootay waxay magaalada New York u joogtay dabbaaldegga laba-qarni-guurada kasoo wareegtay xornimadii Maraykanka.
Dukumeentiyadu waxay muujinayaan in su'aalo la weydiiyay duuliyaha diyaarad yar oo ku duulaysay dusha beerta Battery oo ay ku qoran tahay "Ingiriisoow, Ireland Ka bax."
Faylasha ayaa muujinaya sida FBI-du ay uga feejigan tahay waxa ay u aragto in ay tahay khatarta dhabta ah ee hanjabaadaha loo geystay Boqorada geeriyootay.
Ina-abtigeed labaad Louis Mountbatten ayaa lagu dilay duqeyn ay IRA ka fulisay xeebta Sligo, ee Ireland sannadkii 1979kii.
Kahor booqasho shakhsi ah oo ay Boqoradii geeriyootay ku tagtay gobolka Kentucky ee Maraykanka sannadkii 1989-kii, ayuu qoraal FBI-da gudaha ah u dhignaa " suurtagalnimada hanjabaadaha ka dhanka ah Boqortooyada Ingiriiska waxay weligood ka imaanayaan Ciidanka Jamhuuriyiinta Irishka (IRA)".
Qoraalka oo sii socda "Boston iyo New York waxaa laga codsanayaa inay ka feejignaadaan hanjabaad kasta oo ka dhan ah Boqorad Elizabeth II oo ka imaanaysa xubnaha IRA isla markaana ay si degdeg ah u diyaariyaan magaalada Louisville," ee gobolka Kentucky.
Boqorada dhimatay oo lahayd fardaha orodka, ayaa la og yahay inay dhowr jeer booqatay Kentucky intii ay noolayd si ay ugu raaxaysato ciyaaraha fardaha ee gobolka oo uu ku jiro tartanka Kentucky Derby.
Booqasho rasmiga ah ee Boqorada geeriyootay ay sannadkii 1991-kii samaysay waxa loo qorsheeyay inay aragto ciyaarta xeegada ee Baltimore Orioles oo ay la daawatay Madaxweyne George H Bush.
FBI-da ayaa uga digtay ilaalada qarsoodiga in "kooxaha Irishka" ay qorsheynayaan mudaaharaadyo garoonka ka dhaca iyo "ay koox Irish ah qoondeysteen tigidho badan" oo ay ku galaan garoonka.
Xafiisku wuxuu u sheegay warbaahinta NBC inay jiri karaan "diiwaan dheeraad ah" marka laga reebo kuwa la sii daayay toddobaadkan balse ma aysan sheegin goorta la daabacayo.














