Waa kuwee tobanka qof ee ugu horreeya liiska dadka ay FBI-da doondooneyso?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hay'adda Dambi-baarista Mareykanka ee FBI-da waxay mar weliba shaacisaa shaqsiyaadka ay doondooneyso oo loo haysto dambiyo ay galeen.
Tirada dadka ay FBI-da doondoneyso oo marba markaka sii dambeyso isbaddasho.
Qofka marka uu FBI-da gacanta u soo galo waxay ka saarta liiska dadka la doonayo halka ay dad xcusubna ay liiskaasi ku soo biiraan.
Haddaba FBI-da oo dad badan dunida ja baadi goobeyso haddana waxay boqgeeda ku shaacisay 10-ka qof ee ay ugu doondoonista badan tahay.
Haddaba 10-ka qof ee ugu horreeya ee ay FBI-da raadineyso ayaan qormadeenna ku eegeynaa.
1. Arnoldo Jimenez

Xigashada Sawirka, FBI-da
Arnoldo Jimenez wuxuu haystaa dhalashada dalka Mareykanka wuxuuna 19-ki Fbruary ku dhashay magaalada Texas.
Waxaana nikan ay FBI-du raadineyso loo haystaa 12-ki May 2012-ki inuu xaaskiisa toori ku dilay arooskooda kaddib.
Marki ugu dambeysay waxaa ninkaasi lagu arkay gudaha dalka Mareykanka.
Waxayna ninkan madaxiisa ay dul dhigtay $100,000 oo doolar iney ku abalmarineyso ciddii soo sheegto ama la wadaagto xog ninkaasi ku sabsan.
2. Dr. Ruja Ignatova

Ruja Ignatova waxay haysataa dhalashada dalka Bulgaariya.
Ruja Ignatova, oo sidoo kale loo yaqaanno "Boqoradda lacagta labanlaabanta", ayey FBI-da ku soo dartay liiska tobanka qof ee loogu doondoonista badan yahay caalamka.
Haweeneydan oo u dhalatay waddanka Bulgaria ayaa loo raadinayaa eedeymo la xiriira inay ku lug leedahay khiyaano lagu dhacay lacagta internetka lagu kala sarrifo ee loo yaqaanno OneCoin.
Taliska FBI-da Mareyknaka ayaa haweeneydan baxsadka ah ku eedeeyay in ay adeegsatay nidaam ay ku khiyaantay dadka ay ka dhacday lacag marka la isku geeya gaaraysa $4bn (£3.2bn).
Waxayna FBI-da haweeneydan madaxeeda dul dhigtay $100,000 oo doolar iney ku abalmarineyso ciddii soo sheegto ama la wadaagto xog haweeneydaasi ku sabsan.
3. Alexis Flores

Xigashada Sawirka, FBI-da
Alexis Flores waa nin u dhashay dalka Hunduras.
Waxaana ninkan loo haystaa inuu ka qayb qaatay ama uu dilay gabar yar oo 5 jir ah oo lagu dilay Philadelphia, Pensilivania.
FBI-da ninkan madaxiisa waxay dul dhigtay $100,000 oo doolar, ciddi soo sheegto ama keento xog ninkaasi ku saabsan.
4. Jose Rodolfo Villarreal-Hernandez

Xigashada Sawirka, FBI-da
Jose Rodolfo Villarreal-Hernandez wuxuu u dhashay dalka Mexico. Wuxuuna ka mid yahay 10-ka qof ee ugu horreeya liiska shaqsiyaadka ay FBI-da sida aadka u doondooneyso.
Jose Rodolfo oo sida oo kale oo yaqanno "El Gato" waxaa loo haystaa inuu ka qayb qaatay dil iyo falal burcad badeed oo lagu dilay haweeney 43 jir ah.
Ninkan madaxiisa wuxuu Mareykanka dul dhigay $1,000,000 oo doolar ciddi xogta ninkan la wadaagto.
5. Yulan Adonay Archaga Cariaa

Xigashada Sawirka, FBI-da
Yulan Adonay Archaga Cariaa wuxuu u dhashay dalka Mexico.
Waxaa loo haystaa fal dambiyeedyo ay ka mid yihiin burcadnimo, ga ganacsiga maandooriyeyasha iyo kaganacsiga hubka.
Waxaana ninkan madaxiisa la dul dhigay $100,000 oo doolar in abaal marin loo siiyo qofki xogta ninkan soo sheego.
6. Rafael Caro-Quintero

Xigashada Sawirka, FBI-da
Rafael Caro-Quintero wuxuu u dhashay dalka Mexico.
Wuxuu ka mid ahaa koox Costa Rica ka dhaqdhaqaaqda oo falal burcadnimo in muddo ah ku howlanaa.
Waxaana loo haystaa inuu afduubtay isla-markaana uu dilay nin ka tirsanaa ciidamada ka hortaga maandooriyeyaasha.
Rafael madaxiisa waxaa la dul dhigay $20 malyan oo doolar.
7. Eugene Palmer

Xigashada Sawirka, FBI-da
Eugene Palmer wuxuu u dhashay dalka Mareykanka.
Waxaana loo haystaa inuu dilay gabar uu soddog u yahay oo wiilkiisa qabay.
Waxaana ninkan madaxiisa la dul dhigay $100,000 doolar oo abaalmarin ah ciddi soo sheegto xog ninkaasi ku saabsan.
8. Bhadreshkumar Chetanbhai Patel

Xigashada Sawirka, FBI-da
Bhadreshkumar Chetanbhai Patel wuxuuu dhashay dalka Hindiya.
Waxaana ninkan loo haystaa xaaskiisa inuu ku dhex dilay dukaan ay ka wada shaqeynayeen.
Ninkan madaxiisa waxaa dul dhigay $100,000 oo doolar oo abaalmarin ah.
9. Alejandro Rosales Castillo

Xigashada Sawirka, FBI-da
Ninkan ayaa waxaa uu ku dhashay dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka Arizona , waxaa loo haystaa dacwad dil ah oo uu u geystay gabar la shaqeyneysay iyo in uu si sharci darro ah diyaarad u raacay si uu uga baxsado sharciga.
Bogga FBI-da oo aan macluumadkan ka soo xiganay ayaa waxaa ay ninkan ku tilmaameen nin hubeysan oo halis ah.
ALEJANDRO ayaa waxaa madaxiisa la dul dhigay lacag dhan $100,000 oo abaal marin ah cidii sheegta halka uu ku sugan yahay.
10. Jason Derek Brown

Xigashada Sawirka, FBI-da
Jason Derek Brown wuxuu haystaa dhalashada dalka Mareykanka. Waxaana ninkan loo haysta dil iyo burcadnimo hubeysan inuu geystay.
FBI-da oo ninkan ku tilmaantay nin khatar ah ayaa sheegtay inuu ka mid yahay liiska 10-ka qof ee ugu horreeya dadka ay baadi goobeyso.
Jason madaxiisa waxaa la dul dhigay lacag dhan $100,000 oo doolar oo abaal marin ah cidii sheegta halka uu ku sugan yahay.













